07 September, 2012

Xukuumadda Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Sarkaal Ka Tirsanaan Jiray Ciidanka Sirdoonka Qaranka Xukuumaddi Daahir Rayaale


Xukuumadda Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Sarkaal Ka Tirsanaan Jiray Ciidanka Sirdoonka Qaranka Xukuumaddi Daahir Rayaale


Hargeysa (Ramaas) Sept 7,2012 - Ciidamadda Sirdoonka Qaranka Somaliland ayaa maanta Xabsiga dhigay Maxamed Cali Baadiye oo ka tirsanaan jiray Saraakiisha Sirdoonka Qaranka Xukuumaddii Rayaale.

Sarkaal Maxamed Cali Baadiye ayaa la sheegay in ay Ciidanka Sirdoonku qabteen isagoo maanta Dalka ku soo laabtay, ilaa hadana lama Oga Sababta rasmiga ah ee ay u xidheen masuulkaasi.

Sida ay Ilo wareedyo xogogaal ahi Waaheen u sheegeen waxa uu ku xidhan yahay Xarunta Sirdoonka Gobolka Maroodi-jeex, halkaas oo al sheegay in lagu baadhayo.

Warar madax banaan ayaa Waaheen u sheegaya in lagu Eedaynayo Warbixin Qaramada Midoobay loo diray oo sheegaysa Somaliland inay Hoy u noqotay Argagixiso, balse wali warkaasi kama hayno Sasraakiisha Sirdoonka, inkasta oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno. Hadana wali waanu la’’nahay cid ka hadasha.

Maxamed Cali Baadaiye, waxa uu Sirdoonkii Rayaale ka ahaa Xisaabiyaha Ciidankaasi, balse markii danbe wuu ka dalacay inkasta oo aanaan ogayn xilka uu hayay, hadana waxa uu ahaa saaakiisha ugu dhaw dhawaa Maamulkii Rayaale.

Maxamed Cali Baadiye intii danbe waxa uu ku noolaa Dalka Itoobiya, waxaanu carqalado kala kulmay saacadihii ugu danbeeyay ee Xukuumaddii Rayaale laga guulaystay iyadoo lagu xanibay isaga iyo Taliyihii Hore ee Sirdoonka Maxamed Nuur magaaladda Wajaale.

Balse tan iyo wakhtigaas oo uu qof shacab ah ahaa oo aan la ogayn xil uu hayo, waxa uu si caadi ah u iman jiray Hargeysa.



Ramaasnews Desk

Hargeisa


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: