07 September, 2012

Wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa beeniyay hadal ka soo yeedhay taliyaha Ciidanka Qaranka ee degmada Kalabaydh


“Kuwa Falkan Ka Dambeeyay Waa Kuwii Hore U Samayn Jiray 21-Kii Dil Ee Ka Dhacay Laascaanood, Ninkaasi Waa Inuu Soo Cadeeyo Halka Aan Kaga Dambeeyay Ninkaa Xidhan”

Axmed Cabdi Xaabsade (Waraysi Khaasa)
“Hargeysa September 5, 2012 (Haatuf) – Wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa beeniyay hadal ka soo yeedhay taliyaha Ciidanka Qaranka ee degmada Kalabaydh ee gobolka Sool Maxamuud Xuseen Gacma-dheer oo sheegay inuu ka dambeeyo wasiir Xaabsade nin u xidhan Aaladaha qaraxyada loo adeegsado oo gurigiisa la geeyay, eedahaasi oo wasiir Xaabsade sheegay in haddii uu soo cadayn waayo inuu Maxkamad la tiigsan doono sarkaalkaasi Ciidanka Qaranka.

Wasiir Xaabsade ayaa sidoo kale sheegay in Aaladaha wax lagu qarxiyo ee guriga sarkaalkaa la geeyay ay ka dambeeyaan kooxihii awal horeba dilalka Argagixiso ka fulin jiray magaalada Laascaanood, isla markaana khaarajiyay 21 masuul oo magaalada Laascaanood lagu dilay.
Axmed Cabdi Xaabsade waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay khadka Telephone-ka kula soo xidhiidhay Wargeyska Haatuf, isla markaana jawaab kaga bixinayay warkaasi uu doraad Haatuf siiyay taliyaha Ciidanka Qaranka ee degmada Kalabaydh Mr Gacma-dheere, oo sheegay in nin loo hayo fal lagu qarxinayay gurigiisa oo wasiirku ka dambeeyo, ayaa isagoo Xaabsade eedahaasi ka jawaabaya waxa uu yidhi “Ha soo cadeeyo ninkaasi Gacma-dheere meesha aan kaga dambeeyay falkaasi iyo ninka loo xidhayba iyo nimanka saldhiga kala baxay raga kale , haddii eedahaasi uu soo cadayn waayo Maxkamad baan u gudbinayaa, waana dambi”

Wasiir Xaabsade oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaa ku daray “Waxaa falkan sameeyay waa wixii awal horeba falalka noocan ah samayn jiray ee 21 ka qof ee Laascaanood lagu dilay masuulka ka ahaa, kuwii falalkaasi dilalka ah sameeyay ayaa falkana sameeyay oo caruurta marmarinaya Aaladahan qaraxyada, waana kuwii falalka noocaas ah hore uga samayn jiray Laascaanood”


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: