16 February, 2017

DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAAYO MUSTASHAR AXMED CARWO , GEERIDA MARXUUM CABDALLA AXMED CABDI DHEERE




INAA LILLAH WA INNAA ILLEYHI RAAJACUUN. , waxaan tacsi u dirayaa waalid, walaal, ehel iyo asxaabta marxuum Cabdallah Axmed Cabdi Dheere oo ku geeriyooday dalka Jarmanka, gaar ahaan aabbo Axmed Cabdi Dheere, Guddoomiyaha Labaad ee Xisbiga Kulmiye,  iyo reer Cabdi Dheere. 

Marxuumku waxuu ahaa nin dhalinyaro ah, aad wax u bartay, mustaqbal wacan hiigsanaaya baari waalideen ah, degan oo aad uga weynaa jiilkiisa. Waa geeri oo qofba da'da Alle u qoray ayuu dunida ka dheelmanayaa. 

Waxaan Alle uga baryayaa dambi dhaaf, naxariis iyo inuu qabriga u waasiciyo, u nuuro ugana dhigo beer ka mid ah kuwa jannatul fardaws, waalid, walaal, ehel iyo asxaabna uu waafajiyo samir iyo duco.

INNAA LILLAAH WA INNA ILLEYHI RAAJACUUN.

Mustashar Axmed Xasan Carwo

La-taliyaha Madaxweynha JSL ee Dhaqaalaha,Ganacsiga iyo Maalgashiga,

samotalis@gmail.com

00252 634242077


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: