Hargeysa, September 2 2012 (Haatuf) –Awoodihii maamul ee golayaasha deegaanada dalka ayaa la sheegay in lagu wareejiyay xoghayayaasha fulinta ee dawladaha hoose ee gobollada dalka.
Sida ay Wargeyska Haatuf u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo u dhuun-daloola xukuumada ayaa sheegay in wareegto uu todobaadkii hore soo saaray wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo uu ku socodsiiyay xoghayeyaasha dawladaha hoose uu ku faray inay si rasmiya ula wareegaan awooda maamul ee dakhiliyada kasoo xerooda cashuuraha dawladaha hoose iyo xisaabaadka kaydka u ah, kaas oo ilo wareedyadu intaa ku dareen in awoodihii Maayarada golayaasha deegaanada ay si rasmiya ula wareegaan xohayayaasha fulinta ee dawladaha hoose.
Waxa kale oo wararka la xidhiidha awoodaha golayaasha deegaanada ee xukuumadu la wareegtay ay xaqiijiyeen, in kulan uu dhawaan wasiirka arrimaha guduhu Duur iskugu yeedhay xogahayayaasha fulinta ee dawladaha hoose ee gobollada iyo degmooyinka dalka oo ku qabsoomay xarunta wasaarada arrimaha gudaha ayuu kulankaasi wasiir Duur ugu sheegay inay Kaantaroolaan dakhliyada dawladaha hoose iyo kharashaadka xisaabeed ee ka soo baxaya, kuwaas oo awal hore ay muumulada golayasha deegaanadu maamuli jireen dakhiliyada dhaqaale ee ka soo xerooda cashuuraha iyo isticmaalka kharashyada, taas oo la sheegay in wareegtadaasi wasiirka daakhiligu uu ka soo saaray dawladaha hoose iyo maamulkii golayaasha deegaanada lagu xusay in saxeexyadii Maayarada ee xisaabaadka dawladaha hoose xayiraad laga saaray, isla markaana awood buuxda loo siiyay xoghayayaasha fulinta ee dawladaha hoose ee gobollada iyo degmooyinka dalka..
Talaabadan ay xukuumadu kula wareegtay awoodihii maamul ee golayaasha deegaanada ayaa ku soo beegmay xilli loo diyaar garoobayo doorashadii golayaasha deegaanka oo ay Komishanku sheegeen inay qabsoomayso 28 November 2012-ka, taas oo la sheegay in xukuumadu ay go’aankaasi qaadatay muddadii ay komishanku cayimeen maalinta ay qabsoomayso doorashada golayaasha deegaanku.
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment