Hargeysa August 2, 2012 (Haatuf) – Golaha wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii shalay go’aan gole ku deedafeeyay xeerka qabyada ah ee haweenka iyo saamiga beelaha la haybsooco oo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo usoo gudbiyay golahaasi, kaas oo shirgudoonkuna uu ku daray ajandaha kalfadhiga 19aad.
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo fadhiga shalay gudoominayay ayaa goluhu fadhigaasi waxa uu ku ansixiyay kalfadhiga 19aad, hase yeeshee waxa goluhu cod ku diiday qodobka 3aad ee ajandaha ee xeerka saamiga haweenka iyo beelaha la haybsooco, kaas oo goluhu doodii uu ka yeeshay ajandaha ay xeerkaas qabyada ah ku tilmaameen mid qayrul distoori ah, isla markaana ka horimanaya distoorka qaranka. Ajandaha kalfadhiga ayaa sidoo kale lagu soo daray xeerka hab maamuuska Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, kaas oo mushaharooyin loogu soo cayimay madaxda sare ee mansabyada Madaxweynaha iyo ku xigeenka soo maray.
Golaha ayaa qodobada kale ee ajandaha kalfadhiga 19aad ku ansixiyay cod dhan 30 mudane, 8 mudane way diideen, halka 4 mudane-na ay ka aamuseen, gudoomiyuhuna muu codaynin, halkaas ayaanu ajandaha kalfadhiga 19aad ku ansaxay, halka xeerka saamiga kootada haweenka iyo beelaha la haybsoocana laga saaray ajandaha kalfadhiga 19aad ee la ansixiyay ayaa sidan u dhignaa sidan:-
1.Xeerka Baanka Islaamka
2.Xeerka Nabadgalyada Waddooyinka
3.Xeerka Maamuuska Madaxweynaha iyo ku Xigeenka
Xeerka fayo-dhawrka Hilibka
Xeerka aasaaska maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa
Xeerka ka ganacsiga Hawlaha Baanka
Xisaab xidhka dawlada 2008, 2009, 2010
Xeerka Statistics law
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment