01 September, 2012

TALIYIHII UGU SAREEYAY CIIDANKA KOOXDA KHAATUMO OO IS CASILAY WAXAANU NALA QAATAY NABADDA

TALIYIHII UGU SAREEYAY CIIDANKA KOOXDA KHAATUMO OO IS CASILAY WAXAANU NALA QAATAY NABADDA




Buuhoodle(CNN)- Guddoomiyaha gobolka Buuhoodle Maxamed Axmed Maxamuud (Xariir), ayaa sheegay in uu iscasilay taliyihii ugu sareeyay ciidanka Kooxda Khaatumo,

kornayl Maxamed Jaamac (Dhul-qase), isla markaana uu qaatay gogosha nabada ee madaxweynuhu fidiyay.

Guddoomiyuhu waxa uu intaa ku daray in ay dhammaan madax dhaqameedka iyo waxgaradka Buuhoodle ay is arkeen, isla markaana ay isla qaateen hirgelinta nabada, waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaara oo uu khadka telefoonka ku siiyay wargeyska Dawan, isaga oo ku sugan magaalada Buuhoodle. Waraysigaasi oo dhamaystiraana waxa uu u dhacay sidan:
S: Guddoomiye intaad Buuhoodle ku sugnayd waxa la sheegay in aad kulamo la yeelatay madax dhaqameedka iyo waxgaradka degaanka, maxaad ka wada hadasheen?

J: Kulamadayadu way badan yihiin oo imikaba shir baan ku jiray markaa waxaanu ka wadahadlaynay waxgaradka deegaanka arrinta nabadgelyada, taasi oo ah tan ugu horaysa ee laga maarmaanka u ah nolosha aadamaha waxaana Ilaahay mahadiiya in aanu waxgaradka iyo madax dhaqameedka degaanka in aanu dhammaantood, isla qaadanay in nabada laga wada shaqeeyo.
S: Markaa madaxdhaqanmeedka aad kulamada yaalateen ma arrinta nabada ayuunbaad isla qaadateen mise iyaga oo Somaliland ah ayaad is afgarateen?

J: Madaxdhaqameedka iyo waxgaradka reer Buuhoodle, waxaanu ka wada hadlaynay nabad geliyada waayo, deegaankan waxa inta badan ka taagnayd colaad taasina waxa ay saamayn badan ku yeelatay nolosha dadka markaahorta muhiimada waa in nabada laga wada shaqeeyaa haddaan u s oo noqdo ma Somaliland baa?

Haa dadka iyo deegaanka Buuhoodleba waa Somaliland, maantana waxa noo sharaf ah in aanay jirin cid reer Buuhoodle ah oo Somaliland diidan ama ka soo horjeeda tubta nabada, imikana wali waxaanu wadnaa oo noo socda kulamadii iyo shirarkii aan odayaasha wada lahayn.

S: Imika ma jiraan ciidamo ku sugan magaalada Buuhoodle?

J: Maya ma jiraan waayo awal horeba ciidanka halkan ku sugnaa waxa ay ahaayeen ciidan beeleed markaa nabada la isla qaatayna qoryihii baabuurta saaraa waa laga rogay ciidan beeleedkiina way kala tageen, waxaanay imika ka mid yihiin dadka caadiga ah.
S: Markaa hadaanay ciidamo joogin magaalada goormaad xukumad ahaan gaynaysaan cidamo booliis ah oo ammaanka gacanta ku haya?
J: Hore ciidanka booliiska ee halkaa joogi jiray colaadii ayaa kala dirtay mushaharkana laga joojiyay imikana qorshaha ciidanka booliiska ee Buuhoodle waxaanu ka sugaynaa xukuumadda.
S: Kooxda Khaatumo miyaanay ku sugnayn magaalada?

J: Kooxdaasi imika wax awooda ma laha waanay ka dhaqaaqday waxaana shalay (doraad) iska casilay kooxdaas taliyihii ugu sareeyay ciidamada oo la yidhaahdo kornayl Maxamed Jaamac (Dhul-qase) oo haddana nala qaatay tubta nabada, waana nin weyn oo masuul ah nabada qaybta ay ka qaadan karo.

S: Imika maxaa kuu qorshaysan xagga waxqabadka ee aad magaalada la tagtay?

J: Waxa ugu weyn ee aanu horta ka shaqaynaa waa nabada tallaabada labaad ee aanu ku xigsiinaynaa waxa weeyi in aanu soo celino oo aanu hirgelino adeegyadii bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, nabadgelyada. Markaa talaabooyinku way kala horeeyaane waanu wadnaa wax kasta oo deegaankani lagu horumarinayo iyo sida uu ula tartami lahaa dalka intiisa kale.

Hargaysa Somaliland
Caynaba News Office

XIGASHO; Dawan

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: