01 September, 2012

Shirkii Ururka TOL Uga Socday Boorama oo Ku Dhamaaday Is Afgaranwaa

 Shirkii Ururka TOL Uga Socday Boorama oo Ku Dhamaaday Is Afgaranwaa, Ka Dib Markii Go’aanadisii Dib Loo Dhigay In La Shaaciyo Iyo Salaadiin Ka Dareertay!-HAATUF


Shirkii aadka loogu muransanaa ee maalmahan uga socday koox qurbajoog reer Awdal/Salal iyo Gabiley isku magacawday iyo qaar ka mid ah Saladiinta dhaqanka Awdal iyo culima’udiin ayaa habeenkii xalay ku dhamaaday is Afgaranwaa, ka dib markii gudoomiyihii shirka watay uu sheegay in go’aamada shirka lagu gaadhay uu dib u soo daabici doono sida uu sheegay Yuusuf Qaalib “Waxaan rajaynayaa in wax walba oo aan falanqaynay la sii wadi doono iyada oo dantu tahay in la soo saaro wax aayaha dambe ee umadan anfacaya”.


Shirkan qaar ka mid ah wasiirada xukuumada Somaliland u joogeen furitaankiisa iyo xidhitaankiisaba waxay soo dhaweeyeen dhankooda W/xigeenka Waxbarashda Cali Xaamud iyo Wasiirka Dib u dejinta C/rasaaq Cali qaabka uu u dhamaaday shirku iyo waxyaabaha ka soo baxay shirkan.


Shirkan ayaa waxa ka maqnaa Salaadiinta waaweyn ee dhaqanka qaarkood, Xildhibaanda golayaasha Baarlamaanka iyo guurtida kaga Jira beelaha Makaahiil ee Samaroon iyo Aqoonayahano ka mid ah kuwii Aasaasay ururkan Tol leadership Council (TLC).


Gunaanadkii iyo Gabagabadii Shirkan ayaa waxaa hadal ka jeediyay Suldaan Saleebaan Cali oo isagu ka mid ahaa Salaadiinta ka biyo diidsanaa shirkan, furitaankiisana ka maqnaa shirka ururkan, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay “Anigu waxa aan u arkaa in tolku isku mahadnaqayo, walina wax badan ma fahmin, ee arintu ma wax naga qarsoon jire, mise kii aan arki jiray ee Somalida ee sida Cad la isku fahmi jiray ahaa… hadii uu yahay waxaa qarsoon ee aan la fahmayn nabadeey! hadii kale waxaan taaban karno na soo hor dhiga.


Suldaan Saleebaan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Inamada qurbaha ka yimid waxay joogaan dhulkoodii, wixiise ay ka taliyeen wali mahayno, ee ama wax muuqda na soo hordhiga”. Suldaan Saleebaan ayaa markii uu intaasi sheegay Albaabka ka soo baxay, kana baxay shirkaasi ururka TLC.


Dhanka kalana waxaa jiray xubno salaadiin ah oo iyagu soo dhaweeyay shirkan waxaana ka mid ahaa Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar iyo Suldaan C/raxmaan Dhawal waxaana hadaladoodii ka mid ahaa Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo hadalka qaatay ayaa mahadnaq guud bixiyay waxana uu intaasi raaciyay “Boorama maalin laguma dhisin, waxa halkan lagu hayaa waa talo hormar iyo waaltinimo lagu doonayay, waan joogay intii uu socday shirku, waxaanay ila tahay in loo bilaabay sidii ugu fiicnayd, waxan u mahadnaqayaa dhamaan inta waday shirkan”.


Sul. Ibraahim Jaamac Samatar oo hadalka qaatay ayaa u mahadnaqay ka soo qaybgalayaasha iyo masuuliyiinta TOL waxana uu yidhi “ Mid waa in la fahmaa, waxa halkaasi ku qoran Shirwaynihii wada tashiga ee TOL, nin wax yeedhinayaa ma jiro arintu waa wax aan is waydiino.


Sidoo kalana waxa halkaasi shahaadad lagu Siiyay Gudoomiyaha jaamacadda Camuud Prof Sulaymaan Axmed Guuleed, Shahaadadaasi oo lagu magacaabay Abwaan Xasan Sh Muumin.


Gudoomiayaha shirka TOL Yuusuf Aadan Qaalib ayaa micneeyay shahaadadan iyo waxa uu ku mutaystay waxana uu yidhi “Waxa loogu magac daray shaadadan Abwaan Xasan Sh. Muumin AHUN, waxa uu abwaanku ahaa mid taarikhda fanka si wayn ugu abtirsada, Waxa uu ahaa ninkii ugu horeeyay ee sameeya ruwaayad lagu tarjumo ingiriisi.


Waa sanadkii ugu horeeyay ee aan bixino biladan, waana mid sii socon doonta sanadaha dambe bixinteedu, markii aan Prof. Saleebaan siinaynayna waxa ana darisnay 3 arimood oo kala ah 1. Inuu yahay mid ka soo dhex baxay jiilka uu la nool yahay guulna ka soo hooyay 2. Inay ku qaadatay mudo dheer inuu gaadho halkaasi, 3 inuu yahay mid hawshaasi uu hayay ay bulshada si qoto dheer u taabatay noqdeena kuwo jiilka soo koraya si balaadhan ay uga dhaxashay.


Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo hadalka qaatay ayaa ka mahadnaqay abaalmarintan la siiyay, waxana uu yidhi aad baan uga mahadnaqayaa shahadadan xusuusta ah ee Xasan Sheekh Muumin, Waxa aanu gudoomayaa si mutadawacnimo ah uma malaynayo inaan kaligay ku ahay ee waa la ila wadaagaa hawshaasi, waanad mahadsan tihiin.


Shaadadan 2 arimood ayay I tusaysaa oo kala ah 1. Taariikhdii Xasan SH. Muumin oo ahaa abwaan qaali ah oo bulshada ka soo dhex baxay,mida labaad ayaa waxay tahay inay jidaynayso wax wanaagsan in la isku abaal mariyo wanaaga lana xuso qofkasta oo wax qabsada.


Shirkan ayaa si weyn indhaha loogu hayay waxa ka soo bixi doona, waxaana la filayay in uu noqdo mid u soo bandhiga bulshada danaynaysay hadafkiisa iyo himiladiisa uu higsanayo, waxaana dad badan shiki ku Abuuray markii ay maqleen in shirka ay ku tashanayaan dad 3 dal xuduudahood kala degen, taas oo aan weli Afrikaba ka dhicin. Ururkan TLCna qorshihiisa ahaa.


Waxaana laga baqayaa in Shirkani noqdo Ayax teg Eela Reeb, hadaan midnimo guud ka iman qurbajooga ADAL ee qurbaha ka imanaya ee inta isku gobol ama meel wada joogtaaba Arin ay ku heshiin waayeen ay u soo tahriibinayaan dalka gudihiisa ee bulshada gudaha khalkhalka ku Abuuraysa.

Haatuf New
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: