01 September, 2012

MADAXWEYNAHA SOMALILAND AHMED SILAANYO OO ABUURAY XEERKA MAAREEYE MADAX-BANAAN OO TV-GA QARANKA LOO SAMEEYAY

MADAXWEYNAHA SOMALILAND AHMED SILAANYO OO ABUURAY XEERKA MAAREEYE MADAX-BANAAN OO TV-GA QARANKA LOO SAMEEYAY




Hargeysa(CNN)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu caawa abuuray Maareeye Madax-banaan oo maamula TV-ga qaranka Somalil

Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed Ka Soo BAxay Xarunta Madaxtooyada Somaliland

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto madaxweyne No: JSL/M/XERM/249-1288/082012 ku soo saaray xeerka Abuurid Maareeye Madax bannaan oo maamula TV-ga Qaranka JSL (Creation of an autonomous National TV Managing Directorate of Somaliland) .
Madaxweynuhu:- Markuu arkay; Qodobka 90aad ee Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu arkay; Baahida loo qabo in Dalku yeesho Telefishan Qaran oo madax bannaan,

Markuu arkay; Inay lagama maarmaan tahay abbuurrid maareeye u madax bannaan maamulka iyo maareynta hawlaha baahinta gudo iyo dibedba u soo bandhigida barnaamijyada horumarineed ee dhismaha Qaranka,

Markuu tixgeliyey; Tijaabadii iyo tallooyinkii mas’uuliyiinta kala duwan

Markuu Tixgeliyey; Ahmiyada weyn ee abuurida Maareeyahani ugu fadhiyo danaha Qaranka,

Wuxuu soo saaray Xeerkan Qod. 1 aad Waxa la abuuray Maareeye madax bannaan oo maamula TV-ga Qaranka.

Qodob. 2aad Waa Maareeye siyaasad ahaan, kormeer ahaan, tallo iyo tilmaan ahaan hoos imanaya Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta, iyada oo warbixinta uu si joogta ah ula socodsiinayo Wasiirka iyo cidii uu xilsaarto Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta (Line Ministry).

Qod. 3aad: Wuxuu mas’uul ka yahay baahinta wararka, barnaamijyada Siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee qaran gudo iyo dibedba oo leh maqal iyo muuqaalba

Qod. 4aad: Maareeyaha Telefishanku wuxuu yeelanayaa qaab-dhismeed u gaar ah.

Qod. 5aad: Sharcigani wuxuu dhaqan galayaa marka Madaxweynuhu saxeexo


Hargaysa Somaliland

Caynaba News Office


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: