01 September, 2012

MADAXWEYNAHA SOMALILAND, MUDANE, AXMED (SIILAANYO) OO CAAWA MAGACAABAY XILAL KALA DUWAN OO ISUGU JIRA WSIIRO KU XIGEENO AFHAYEENKA MADAXTOOYADA

MADAXWEYNAHA SOMALILAND, MUDANE, AXMED (SIILAANYO) OO CAAWA MAGACAABAY XILAL KALA DUWAN OO ISUGU JIRA WSIIRO KU XIGEENO AFHAYEENKA MADAXTOOYADA




Hargaysa(CNN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto madaxweyne No: JSL/M/XERM/2491283/082012 Xilal

kala duwan ugumagacaabay wasiirka Wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta, wasiirku xigeenka Wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta JSL,Gudoomiyaha Gobolka Gabiley,Afhayeenka Madaxtooyada JSL, iyo Maareeyaha Telefishanka Qaranka ee madaxa banaan.

Madaxweynuhu:-


Markuu Arkay:Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda wayn ee ayWasaaradu u leedahay Dalka iyo Dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay:In baahi loo qabo buuxinta jagadan hoos ku xusan,

Markuu Ka Fiirsaday:Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

Markuu ku Qancay:In uu hanan karo xilka loo magacaabay,

Wuxuu go’aansaday

1. In Mudane, Abiib Diiriye Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee JSL.

2. In Mudane, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta ee JSL.

3. In Mudane, Axmed Saleebaan Dhuxul, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

4.In Mudane, Axmed Cali Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.

5.In Mudane, Khadar Cali Gaas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Telefishanka Qaranka madaxa bannaan ee Qaranka Somaliland.


ALLAA MAHAD LEH


Naasir Yuusuf Daahir (Nasir Naska)
Xog-hayaha Gaarka ah ee Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JS

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: