07 September, 2012

Madaxnimo Nin Maal Ku Doonay, Ma Mudna Inuu Helo:


Madaxnimo Nin Maal Ku Doonay, Ma Mudna Inuu Helo:

Marka laga hadlayo u istaagida masiir umaded iyo in hogaan loo qabto waxa kowaad ee laga fakaro waa maka bixi karaa qofkaan iyo aqoonteeda maleeyahay, tan xigta waa in qofka isu taagayo uu yahay sidii qof mutadawac ah oo xilkaas in loo dhiibana ka walwalayo, taa badalkeeda dadkeena kama fiiriyaan dhinacyadaas.

Low dadka wax soo xusha waxey qiimeeyaan xod xodashada shaqsiga u taagan jagadaas iyo dhaqaalaha uu ku bixin karo ololihiisa, dhanka kale musharixiinta jago doonka ah waxey kufakaraan mar uun sidee ku heshaa kursigaas, waxeyna noqdaan kuwo harsi iyo hoyaad uga baxa ku fadhiisiga jagadaas, ha ahaato mid sare iyo mid dhexe in taba, halkii ay ka wal wali lahaayeen culeyska xilka.

Marka aan u soo daadagno maanta waxa muqdisho ka socdo waa wax lala yabo sida laga soo xigtay gudiyada farsamada, hada oo uu socdo u hardanka xildhibaanimada, waxaa jira kala gadasho dhinaca kuraasta iyo cidii soo galeysa baarlamanka cusub, qiimaha u dhexeeyo 20 kun ilaa 50kun oo dollar ayaa lakala siisanayaa booskii.

Su’aashu waxeythay muxuu umad ugu qabankaraa nin asagaba gatay boos umad wax loogu qaban lahaa sidii guri, ama gaari,jawabtu waa xagiina, waxaa intaas dheer dhawaanahan waxaa jira rag badan oo u hanqal taagaya jagada ugu sareysa ee wadanka oo ah mid aad u culus, maxumo in mawaadin isku soo taago hogaaminta dalkiisa, laakiin ma nin ku doonaya, hoogamintaas karti magcc iyo maamus uu ku dhexleeyhay bulshadiisaa, mise waa nin maal ku doonaya, sida qaar badan ka muuqata.

Waxaa cad maanta in ey badanyihiin raga maalka ku doonaya jagadaas, marka aa muqdisho dhexmareyso ama TV yada somalida aad daawato waxaa arkeysaa idaacado iyo Tv yo gaar loo leeyahay oo baahinaya iidhehyo mid ka mid ah musharixiinta kaasoo ku bixiyey dhaqale in magaciisa laga xayeysiiyo idaacadaha tobonbari gudhood, taasoo ka dhigan in aan markii hore waxba laga aqoon, oo dadkuna aysan aqoon ulaheyn shaqsigaas.

Waxaa sidoo kale lagu dhadhajiyey baarbuur darbiyo iyo wadooyinka sawiro lagu bixiyey, qarash in kastoo idaacaduhu qarashabadan ka qaateen mushuraxa ey baafinayaa in ololihiisa, hadana musharaxa, waxaa sugaya xildhibaano 275 oo iyana aan la ogeyn qarashka uga bixi doono cadadkiisa in kastoo uusan yareyn.

Waxaa intaas dheer musharixiinta oo tira ahaan wali soobadanaya gaarayana inku dhow 30,ayaa ah kuwa u tartamaya,haljago, waxaa iska cad in halnin soobixi doona, taasi waxey sumacad xumo ku tahay somalida oo uu aduunku layaabi doono xil jeclideeda, su’aasha ugu dambeyso ee aan wey diinayo musharixiinta ayaa ah hadaa weyso madaxnimo yaa kuu celinaayo maalkii!!?

Waxa meesha kujira waxeythay hadii masuulkaas maalka badan ku bixxiyey jagadaas uu guuleysto, maalkmeesha laga soo magayo waa maalka shacabka ilen meesha ganasci kama socdee?
Xasan Xusen Axmed

Email: xasan75@hotmail.co.ukhttp://samotalis.blogspot.com/

No comments: