07 September, 2012

Xubnaha Ugu Tunka Weyn Ee Sool Ku Jira Goleyaasha Qaranka oo Ku Shaamo-reeray Fariimo Cabsi Geliyey

Xubnaha Ugu Tunka Weyn Ee Sool Ku Jira Goleyaasha Qaranka oo Ku Shaamo-reeray Fariimo Cabsi Geliyey

Laascaanood(Qaran news)-Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade iyo Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa Toddobaadkii u dambeeyey waxay ku mashquulsanaayeen fariimo loogu soo riday Mobileda gacanta, kuwaasoo isugu jiray hanjabaado iyo digniino ku jihaysan labadaas masuul.

Warar rasmi ah oo Wargeyska Yool helay ayaa tibaaxaya in fariimahan oo labada masuul ku micneeyeen inay u soo direen wax ay ku tilmaameen xubno argagaxiso ah, waxay ka riboot gareeyeen hay’adaha amniga ee Qaranka sidoo kalena waxa labadan masuul ay dalbadeen in la siiyo ilaalo dheeraad ah oo iyagu waardiyeeya amaankooda.

Waxa wararku intaa ku dareen in Wasiir Xaabsade markii uu fariintaa helay kadib uu sameystay Ciidan ilaaliya oo aad u tiro badan, kuwaasoo sida wararka qaarkood xuseen u badan xubno beeshiisa kasoo jeeda, balse wararku ma xusin in masuulka kale uu weli isku xeeray Ciidan oo kale, wallow la xaqiijiyey inuu dalbaday.

Geesta kale dhacdadan ayaa ku soo beegantay xili duufaano iyo dareeno Siyaasadeed oo xasaasi ahi ay ka socdaan Gobolka Sool, kuwaasoo ay dabada ka riixayaan Siyaasiyiin isku Deegaan yihiin, balse ku socda Siyaasad lid ku ah Somaliland. Arrimahaas oo ay ahayd inay ka hawl-galaan masuuliyiintan ka badin waayey fariimaha Mibiledooda, kuwaasoo ay dhici karto inay u soo direen dad aan ahayn cida ay ku tuhunsan yihiin.

Dhanka kale dareenada Siyaasadeed ee hadheeyey xuduudka teedsan Gobolka Sool oo uu dambeeyey hawl-galo ay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland Shalay ka sameeyeen Deegaano ay ka mid tahay Magaalada Kalabaydh ee Bariga Somaliland, halkaasoo ay Siyaasiyiintaasi ku yeesheen shirar ay dulucdoodu sidii uu maamulkoodu uga hirgeli lahaa Deegaanadaas.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta ee Puntland Daa’uud Maxamed Cumar iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada ee maamulkaasi Maxamed Cabdiwahaab Axmed oo watay gaadiid Ciidanka Dagaalka ah, ayaa ka mid ah Siyaasiyiin Shalay Socdaalka ku yimi Degmada Kalabaydh ee Gobolka Sool, halkaasoo soo dhaweyn iyo hadalo Siyaasadeed kadib ay ku dhagax dhigeen goobo waxbarasho iyo xarumo ay ugu talogaleen inuu maamulkoodu ku shaqeeyo, waxana ay ujeeddada socdaalkooda ku sifeeyeen xog-ogaal u noqoshada iyo qiimeynta Xaalada Siyaasadeed iyo midka dhaqan-dhaqaale ee Deegaankaas ka jirta, si ay ugu dabaqaan qorshehooda dhul-balaadhsiga ah.
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: