06 September, 2012

Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafadka Ah Ee Kulmiye Oo Si Ba’an UWeeraray Shirkado Telesom Ka Mid Tahay, Sheegayna In Lala Xisaabtami Doono

Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafadka Ah Ee Kulmiye Oo Si Ba’an UWeeraray Shirkado Telesom Ka Mid Tahay, Sheegayna In Lala Xisaabtami Doono

“Loogama Fadhiyo Intaad Kun Shillin Siisaan Jaamacad Iyo Arday Inay Ka Dhigtaan Tusaale Lacagta Aad Bixisaan Ee Aad Siisaan Abaar Ama Cid Kale Siisaan Waa Lacagtii Qaranka, Oo Aan Ka Xisaabtami Doono Cashuurta Qaranka Ma Bixisaan? Mise Ma Bixisaan?” Muuse Biixi

Boorama, September 6, 2012 (Haatuf) - Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa hadalo kulul ku weeraray Shirkada Telesom iyo Shirkadaha waaweyn ee Somaliland, Gudoomiyaha ayaa hadalka uu sida tooska ah ugu bartilmaamsaday shirakadahaas ka sheegay meel fagaare ah oo Shahaadooyin lagu gudoonsiinayay 72 Arday oo ka qalinjabiyay Jaamacada Eelo ee magaalada Boorama, oo ay goobjoog ka ahaayeen Madaweyne Ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laagi Saylici, Xubno Wasiiro ah, iyo marti sharaf kale oo iskugu yimid.

Sida uu ku soo Waramay Wariyaha Haatuf ee Boorama Haashim Goth,

Arinta sababtay in gudoomiyaha xisbiga Kulmiye uu weerar dhanka Afka ah oo hanajabaad ah ku qaado shirkadaha waaweyn ee Somaliland ayaa waxa sababay ka dib markii Xafladaasi si aad ah looga Amaanay Shirkada Isgaadhsiinta ah ee Telesom, Isla markaana maamulka Jaamacadaasi bulshadii munaasibadaasi isugu timid hortooda in badan u mahadcelieyeen sida shirkadaasi uga qaybqaadatay xaflada loo qabtay difcada 2aad ee ka qalinjabinaysa Jaamacadaasi.

Sidoo kalena xafladaasi hadal laga siiyay madaxa shirkada Telesom ee Gobolka Awdal iyo Salal C/qaadir Aaden Nuur oo ka waramay waxqabadka dhanka horumarka bulshada ah ee shirkadooda Telesom ka qaybqaadato, hase yeeshee Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo xafladaasi khudbad kooban ka jeediyay ayaa nuxurka khudbadiisa oo dhan kaga hadlay naqdinta iyo dhaliisha uu hayo shirkadaha waaweyn ee Somaliland ka taabo qaaday, wuxuuna si hanjabaad ah ula hadlay shirkadahaas, Isaga oo si gaar ah carabka ugu dhuftay Shirkada Telesom wuxuuna yidhi “Shirkadaha sida shirkada Telesom ay ka mid tahay iyo qaar kale oo badan, waan u bogaadinayaa horumarka ay sameeyeen iyo hawlaha ay u qabtaan shacabka, balse midbaan leeyahay maanta Qaranka waxa lagu maamulaa waa dhaqaale, jidku wuxuu u baahan yahay dhaqaale. Ardayga iyo jaamacadu lacagbuu u baahan yahay, lacagtaasna waxa maamusha dawlada iyadoo cashuur ka qaada dadka maalqabeenka ah,

walaalahayaga maalqabeenka ah ee shirkadaha lihi xilkii shirakadaha ma ka soo baxeen, mise kama soo bixin waa su’aal la isweydiinayo taagan.

Loogama fadhiyo intaad kun shillin siisaan Jaamacad iyo Arday inay ka dhigtaan tusaale, fagaarayaasha Ardayda Jaamacadaha lagu siinayo wax, lacagta aad bixisaan ee aad siisaan Abaar ama cid kale siisaan waa lacagtii qaranka, oo aan ka xisaabtami doono cashuurtii qaranka ma bixisaan? mise ma bixisaan? Ta kale markaad Bishii walba toban milyan oo doolar hesho ma dalkaad gelisaan mise dibaad u saartaan, waa wax la idinkala xisaabtami doono, markaa shirkadaha waa la xisaabtamayaa, maaha wax ay ku faanaan, qaranka iyo cashuurihiisii dhaqaalaha lagu horumarin lahaa idinkaa haya, xaqbaa la idiinku leeyahay, noogu mana sheegan maysaan, weliba waad ka badinaysaan”. Ayuu yidhi Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: