06 September, 2012

UDUB Oo beenisay,kana biyo diiday wadahadalo uu gudoomiyaha barlamaanku sheegay inay u socdaan


UDUB Oo beenisay,kana biyo diiday wadahadalo uu gudoomiyaha barlamaanku sheegay inay u socdaan


Hargysa,Ku-simaha Xoghayaha Guud ee Xisbiga Udub Cabdixaliim Maxamed Muuse ayaa beeniyey warar aan suganayn oo lagu saydhey warbaahinta oo sheegaaya in shirar iyo wadahadalo u socdaan urur siyaasadeedka WADANI iyo xisbiga Udub. Sidoo kale ayuu Cabdixaliim si adag uga biyo diiday war uu bixiyey Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliland ahna Gudoomiyaha urur siyaasadeedka WADANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo sheegay inay iskaashi la samaynayaan, wadahadalona u socdaan xisbiga Udub.

Ku-simaha Xoghayaha Guud ee Udub oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay xafiiska Shebekada Qarannews Hargeysa wuxuu ku celceliyey bataatanba inaanu jirin wax wadahadalo ah oo hadda u socda xisbiga Udub iyo ururka Wadani iyo iskaashi ay ku heshiiyeen toona, wuxuuna yidhi " Haddii laga tegi waayo way jireen wadahadalo sadex geesooda oo maalmo hore dhexmaray masuuliyiin kala metelaayey Udub,Umadda iyo Wadani balse wadahadaladaasi way hagaaseen oo kuwo midha dhala may noqon,halkoodiibayna ku hakadeen, Wax dhinacyadu ku heshiiyeen iyo wax laysku raacey midna ma jirin,wax ballan ah oo danbe oo la qabsadeyna ma jirin".

Ku-simaha Xogahayaha Guud ee Udub wuxuu kaloo Qarannews u sheegay in xilligii wadahadaladaas sadex geesoodka ahi socdeen xisbiga Udub tanaasulaad badan sameeyay hase yeeshee aan laga hoos qaadin oo dhanka ururka Wadani waxba ka dhamaan waayeen amaba go'aan rasmiya qaadan kari waayeen.

Sidoo kale Ku-simaha Xoghayaha Guud wuxuu si weyn uga biyo diiday wararka Gudoomiyaha ururka Wadani geliyey warbaahinta ee ah inay iskaashi samayanayaan iyo in wadahadalo u socdaan uruka Wadani iyo Xisbiga Udub,wuxuuna sheegay in wararkaasi yihiin Borobogaando iyo tushuush lagu qalindaraayo habsami u socodka hawlaha Xisbiga Udub.

Dhinaca kale wuxuu Ku-simaha Xoghayaha guud ee udub u sheegay Qarannews inay ku mashquulsan yihiin xulida musharaxiinta uga qeybi geli lahayd doorashooyinka golayaasha degaanka islamarkaana wefti balaadhan oo xisbiga Udub ahi maalinta Sabtida u kala bixi doonaan gebi ahaanba lixda Gobol ee Somaliland ka kooban tahay iyo degmooyinkooda si ay usoo kaamilaan liiska musharaxiinta Xisbiga udub uga qeyb geli doona doorashooyinka dawladaha hoose.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: