27 August, 2012

UCID oo Baalasha U Kala Bixiyey Booqashooyin Iyo Damaashaad Si Kalsooni Leh iyo WADANI oo Sidii Xunbada Sii Gudhaya.!

UCID oo Baalasha U Kala Bixiyey Booqashooyin iyo Damaashaad Si Kalsooni Leh iyo Wadani Oo Sidii Xunbadda Sii Gudhaya.

Maxamed-Amiin Dahir Caynaanshe

Mon-Aug,27 (SDN).Waxaan salaamayaa bulsho weynta reer Somaliland ee qiima iyo qaayaha aan la soo koobi Karin leh.Waxa aan alleh uga rajeynayaa nabad iyo horumar laxaad leh. In dhaweydba waxa is weydaaranayey dedaalka asxaabta siyaasiga ah ee ummada reer Somaliland, damaashaadkaasi waxa uu tibaaxayaa laba weji oo kala duwan aadna u kala fog.


Ururrada Qaar, waxa ay u damaashaadaysaa daacadnimo iyo sidii ay ummada hurumar iyo guulo la taaban karo u gaadhsiin lahayeen, xaaladda bahiyeed ee haysatey mudadda aadka u dheerna wax uga bedeli lahayeen una gaadhsiin lahayeen taakuladda iyo daryeelka dawlad hano-qaadi umadeedda gaadhsiiso ee ay u geysato. Hogaanka UCID ahna musharaxa madaxweyne mudane Jamaal Ali Hussein iyo Gudoomiyaha UCID mudane Faisal Ali Waraabe iyo madaxda kale eek u wehelisa booqashooyinka gobolada iyo degmooyinka waxa ay shaaca ka qaadeen ummadana u sheegeen in la gaadhay wakhtigii ummada wax loo qaban lahaa lana kabaal qaadi lahaa nidaamkan dawladeed ee ilaa lixdankii fadhiidka ah ee mar walba gacanta ugu jiray cid aan xanbaari karin xilka weyn iyo masuulyadaa balaadhan ee ummada loo qaadayo iyo qaranimada JSL.


Hogaanka UCID, waxa ay ummada ugu baaqayaan in ay u sara kacaan sidii ay u dhisan lahayeen nidaam Da'a Yar oo lexojeclo ummadeed iyo mid qaranba xanbaarsan. Sidoo kale waxa ay ku baraarujiyeen ummada reer Somaliland in taakulada iyo wax tarka ay tabayaan si waafiya loo soo gaadhsiin doono hadana qorshayaasha ugu horeeya ee UCID, uu qabanayo waxa ka mida in uu deegaamada ay bulshadda reer Somaaliland ku dhaqanyiin ay lugahooda ku soo wada mari doonaan si ay xogaha dhabta ah iyo duruufaha ku xeeran ay u soo darsaan una diiwaan gashadaan si ay wax uga qabtaan. waxana ummadu ay is hor hayaan buugii taariikhda qaranka jamhuuriyada Somaliland hadii ay tahy tii hore iyo haday tahay tan danbe labadaba in ay ilduufaana waa ka xaaraan mar danbe. Dadku waxa ay gaadheen xili ay bislaantii iyo fahanka duruufa iyo arrimaha siyaasada ee ku xeeran ay u jenjeedh-sadaan waanan ku faraxsanay in ay soo gaadhaan marxaladaa qiimaha badan ee ay danahooda bulsho wax kaga bedelilahayeen kuna dooran lahayeen cidii daacadnimo iyo lexejoclo ay bidayaan.


Farta dib laysuguma fiiqo korna laysuma qaado balse waxaan ahay nin wax og dhacdooyin badana u soo joogay intii Somaliland jirtay iyo wakhigii ka horeeyey ee hororka ina Bare Jihaadka lagula jiray. Inagoo ka gaabsanayna dhanka caadifadda iyo nin jecleysiga waxa aan wax yar ka tilmaamayaa taariikhda Eng-Faisal Ali Waraabe, in yar oo ka mida. An ku bilaabo mudadii mushtamaca reer Somaliland layska hor keenay ee inta badani ay u xuubsiibatay reerka ay ahyeen hoosna ugu daadageen jifooyinkii hoose ee ay ka soo jeedeen halkaana ay sutu-xodayo ay u gureen bahashii qabyaalada dhedig ahad. Halka uu Eng- Faisal Ali uu xanbaarasanaa arragti dahaba oo ay hageyso caqliyad qoto dheer oo boqolaal sano wayo aragnimo iyo hogaamin ummadeed salka ku haysa oo astaantedu tahay walaleyn, isu soo jiid,wada noolaasha bulshada, xasilinta maatidda, u adeega bushada iyo horumarinteeda.


Eng- Faisal waxa uu hogaaminayey intii nabad raadiska ahayd halka hogaankii markaa talada dalka hayey uu masiibadda u durbaan tumanayey xasaradana uu ugu foognaa. Eng- Faisal Ali, waxa uu ahaa abahii fikirka dhaxal galka ahaa lahaa ee nidaamka dib u heshiisiinta mushtamaca wada dhashay,nidaamka asxaabta badan sidoo kale waxa uu ahaa abaha dhexdhexaadiya mar kastoo xurguf siyasadeed dhex marto indhow garadka xilka ummada madaxa u soo careystay ee toodu uun u caday. Wakhtigan xaadirka ah waxa marag ka ah Eng-Faisal Ali Waraabe guulahiisas iyo shakhsiyadiisa sama u dooran ee ka fadilan hogaamiyayaasha ina soo maray sida waafiga ah ee uu En- faisal Cali Waraabe tafaasiisha uga bixiyey arrimaha doorashooyinka deegaanka sida uu uga digayo khalkhal ay cid dano gaara lehi geliso habsami u socodka doorashooyinka golaha deegaanka.


Cid wal oo garaad dhameystiran Rabi siiyey waxa ay ka dhandhansan karaa in uu yahay hogaamiye qomiyadeed oo cid ku dherersan kartaa ay iskaba yartahay wakhtigan xaadirka ah. Waxa uu ku amaanan yahay in uu jagada musharaxa madaxweyne nimo uu si qiimo badan ugu wareejiyo hogaamiye d'a yar oo aad u qiimo badan ummaduna ay aad ugu sacabo tumayso runtiina leh miisan hogaamiyadeed oo ka madax banana caadifad qabiil iyo silsiladahii jahliga. Sidda aynu la wada socono guulaha Faisal Ali Waraabe waa aynu ka wada dheregsanay runtiina waa aynu la wada ognahay shakhsiyadaa daacadnimada iyo runsheega ku sifowdey ee uu leeyahay. Bulshadeenuna waxa ay can ku tahay in sama wada daacada ah durbaano iyo siidhi laga daba afuufo oo ay six un ugu ku dhego barjoobaan waxaanu ahayna ummada ugu sheegaan. Iyadoo mushkiladahaa iyo caqabadahaa ummadeeno ka samaysantay ay hor yaalaan Eng- Faisal Ali, ayuu hadana guulo siyasadeed oo la taaban karo ka gaadhay waana sida lagu yaqaan hogaamiye dhaba in uu u dhabar adeygo xagxagasho iyo aflagaado lala daba socdo. Dhaqankaa xun ee aan hour marka lahayn ma arko mana jirto dhinac looga fakan karo.


Ururrka Yar Ee Wadani!
"Layskama Helo Libin Daleed Iska Taala Ee Nin Ragaa Raran-ka U Jidhaa"… Sida aynu la wada socono Abdiraxmaan Ciro waa gudoomiya Wadaniye waxa uu ku can baxay carqaladeynta iyo iska horkeenka bulshada, waxa uu si badheedha iskaga idho tiray sharciga qaranka ee uu kursigii ugu sareeyey ku fadhiyo, waxa uu ka door biday dhaqan gelinta shuruucda iyo xeerarka kala haganka laamaha dawlada iyo qoomiyada balaadhan tiisa gaarka ah, waxa uu dhufeys dheer u qotay sidii uu u dadifeyn lahaa dastuurka qaranka una dhaqan gelin lahaa rabitaankiisa shakhsi waxa u dana waana sida tan xaajadaa guracani.

1-Waa gudoomiyaha baarlamenka sharcidejinta qaranka JSL, waxase uu si toosa ugu adeegayaa xusbiga talada qaranka haya waxaanu ka mid noqday wasaarad ka mida wasaarada madaxweyne Siilaanyo sida joogtada ah uu u kulmiyo uguna qaybiyo shaqo maalmeedkooda waxa uu si hadal la'aana u fuliyaa mooshin kasta oo ka yimaada madaxweyne Siilaanyo noocu doono ha noqdee.Abdiraxmaan Ciro waxa uu meel kaga dhacay taariikhdii baarlamanka JSL, waxaanu ku badhi furay ummadii u dhaarsatay in uu u hiiliyo kana ilaaliyo cid wal oo meel kaga dhacaysa xuquuqdooda iyo xasiloonaantoodaba.

2-Waxa uu ahaa shakhsigii ku sifoobay labada xusbi ee mucaaradka ah in uu u kala dabqaado isagoo ku suntan gudoomiye ku xigeenka UCID, ayuu hadana arrimaha UCID uu geyneyey KULMIYE oo ahaa xusbi mucaarada oo isna jagada madaxweyne u tartamayey sida UCID.Waa mucjiso aad lola yaabo oo hadana yaabkale leh markuu xilkii ummada damaaciyey in la boqrana isu soo cufaya.


3- Markii UCID waayey jagadii madaxweyne Abdiraxmaan Ciro waxa uu bilaabay si uu ugu diga rogto Kulmiye oo uu filayey in uu abaal weyn u galay in uu lugta u qabto UCID.Kulmiyse waxa uu ugu balan qaaday in uu xusbi qaran u samayn doono iskuna barbar taagi doono hiil iyo hooba. Abdiraxmaan Ciro waxa uu gacan saar dhow la lahaa Abdicasiis Samaale oo ahaa shakhsiga sida weyn raadka ugu yeeshey Abdiraxmaan Ciro, maskaxdiisa iyo dhamaan habdhaqankiisa, waana shakhsiga weli hagaya arrimaha Abdiraxmaan Ciro iyo Ururrkan Wadani eek u soo ururray jifada uu Abdiraxmaan Ciro ka soo jeedo kana deyrtay tolweynahii uu magaca guud la wadaagayey. Waxa soo ururray rajadii Abdiraxmaan Ciro iyo Ururrkiisii qacan ku rimiska lagu sameeyey.Waxa sabab u ah xukun maroorsigii iyo sharci baalmarkii uu kula kacay xilka qaranka ee uu ku magacaaban yahay iyo nidaamkii isku dayga burburinta UCID ee uu dhufeysyada dhaadheer u qotay.


4- Abdiraxmaan Ciro, Gudoomiya Wadani waxa uu si badheedha lacag uga qaatay ganacsade reer Jabuuti ah oo uu dabada ka wado Geelaha Jabuuti ee jiritaanka JSL sida badheedhka ah uga soo horjeedsadady. Abdiraxmaan Ciro waxa fashiliyey macluumaadkii Shirkada Dahabshiil waaga dhaweyn laga soo hoos qaaday.Calaaya Xaal waxa uu ku sifoobay shakhsi danta caamka ah ka hormariya tiisa gaarka ah si fidudna ugu adeegi kara cid wal oo ka soo horjeeda JSL.

Waxaan ku soo gunaanadayaa qormadan gaaban in mushtamac ahaan aynu ka wada shaqeyno hour marka qaranimadeena una guntano ictiraaf raadinta iyo horumarka ay wadaan hogaamiyayaasha daacada ka ah arrimaha JSL sida Xusbiga UCID, shakhsiyana waxa aan soo dhaweynaya diyaarna u nahay ka qayb galka arrimaha danta u ah qaranimada iyo jiritaanka JSL iyo dhaqdhaqaaqyada wadaniga ah ee ay wadaan UCID iyo hogamiyayaasheedu.Waxaa aanu ku boorinaynaa dhammaan bulshadda JSL ee sida waafiga ah u qaadata go'aanka gooni-is-taaga Somaliland in ay isu taagaan suurto galinteeda kuna mudaharaadaan maamulka Siilaanyo ee gacan saarka dhow la yeeshay maamulka Budhcadka ah ee Muqdisho waana in si cad loogu muujiyo iska indho-tirka Siilaanyo ee axdiyada qaranka iyo dastuurka dalka ee bulsho weynta balaadhani ilaashanayso.Sidoo kale waa in mudaharaadyo iyo cabashooyin lala hortagaa beesha caalamka loona muujiyaa qadiyadda xaqa ah iyo qaranimada JSL in ay tahay wax lama taabtaan ah.

Waxa UCID uu dhiirigelinayna in la joogteeyo cabashooyinka noocan ah gudaha iyo dibaddaba si loo gaadho hadafkii qoomiyadan reer Somaliland ee loo waayey nafaha iyo maalka aadka u tirade badaban lana xaqiijiyaa balamihii nafta loo huray.Waxa aanu u mahad celinaynaa cid wal oo arrimaha aqoonsiga JSL, iska saarta xil gelisana wakhti iyo dedaal balaadhan.

Murti Somalilander ah baa tidhaa Riyo taah daayay iyo rag talo daayay labaduba reerkoodi way gabeeni.!

Maxamed-Amiin Dahir Caynaanshe

No comments: