27 August, 2012

MUUSE BIIXOOW MAANTA MAAHA MAALINTII AAN KA FURANAYEY XAFIISKA GABILEY EE AAD IGA XIDHI JIRTEEN



MUUSE BIIXOOW MAANTA MAAHA MAALINTII AAN KA FURANAYEY XAFIISKA GABILEY EE AAD IGA XIDHI JIRTEEN MA JIRTO OO MAANTA ABTIYAASHAY AYAA XISBIGA SOO GALAY”



Hargeysa ( Haatuf )  Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in hanaanka ay Komishanka iyo xukuumadu u wadaan qabsoomida doorashooyinka golayaasha deegaanka haddii ay u arkaan   

nidaam khalkhal ku keenaya dalka inay qaadici doonaan ka qaybgalka doorashadaasi, isla markaana ay beesha u sheegi doonaan in la joojiyo dhaqaalaha ay ku bixiyaan doorashooyinka Somaliland.
Eng. Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu sheegay in doorashada soo socotaa aanay diiwaangalin lahayn, taas oo uu tilmaamay in asbaabaha ay u ogolaadeen bilaa diiwaangalintu ahayd inaan doorashadu dib u dhicin sida ta golayaasha Baarlamaanka oo kale.

Faysal Cali Waraabe waxa uu Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi, Ku xigeenkiisa Maxamed Kaahin iyo Komishanka doorashooyinka uga digay haddii doorashada soo socota ay u arkaan nidaamkeeda mid nabadgalyada wax u dhimaysa, isla markaana aan hada la sixin qodobka 6aad iyo gudoomiyaha Baarlamaanka ee labada kursi ku fadhiya talaabo sharci laga qaadan in caalamka ay ugu baaqi doonaan joojinta taageerada ay ku bixiyaan doorashooyinka.
Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaasi ka sheegay Munaasibad loo qabtay Yaasiin Cumar Yare oo ah Murashax xisbigaasi uga tartami doona doorashada golaha deegaanka Caasimada oo lagu qabtay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa.
Mr Faysal oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Doorashada soo socota maaha doorasho diiwaangalin leh maaha, waa doorasho aan la garanayn cid footaynaysa, waxaanu u ogolaanay doorashada diiwaangalin la’aanta ah waxay ahayd doorashadu dib ayay u dhacaysaa shan sanadood ayay doorashadu dib u dhacaysaa, markaa waxa aanu damacnay in doorashadu dhacdo oo aanay noqon sidii tii golayaasha, laakiin imika sidan ay u socoto ee aynu arkayno anigu la hadli maayo dawladda ee waxaan la hadlayaa Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin labada nin ee isku daba fadhiya Kulmiye ayaan la hadlayaa iyo Komishanka ayaan la hadlayaa, hadaanu aragno in doorashadani ay khalkhal galinayso dalka iyo Nabadgalyada, Oo wax la sixin, qodobka 6aad, oo aan la sixin guddoomiyaha Baarlamaanka ee labada kursi isku haya, oo aan hanaan wanaagsan la samayn, waxaanu ka joojinaynaa dhaqaalaha, maxaa yeelay ma rabno doorasho la isku laayo oo dalkan khalkhal galisa, waxaanu u sheegaynaa Komishanka hadii aan la joojin ama la ansixin qodobada la isku hayo ee aanu aragno in aanay dalka muhiim u ahayn, hadii aan la sixin in aanu beesha caalamka ka joojin doono inay ansixiyaan dhaqaalihii, doorashadana aanu joojin doono.

Doorasho Somaliland nabadgalyadeeda wax yeesha anagu ka qaybgali mayno oo Komishanka ayaanu u sheegaynaa. Waxa weeyi Somalia waxa ka socda doorasho, doorashadaa Somalia ka socoto, midi waxa weeyi qofka ka mid ah Somaliland ee halkaa tagay waxaanu leenahay waar nimanyohow nimankaa idiin yimid kuraasida yaanay idinka buuxinin, raga isku sharaxay guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ka leh waxaan ahay Madaxweyne waxaasi maaha wax caqliga gala maaha ee Somaliland dhulkeedii way haysataa oo waa dawladd jirta.
Waxaan u sheegaynaa dadka Somalia waxa xidhiidhka Somaliland iyo Somalia ku socoto in la ictiraafo Somaliland oo horumarkeeda ku socota, in la ogolaado inaynu nahay laba wadan oo 1960-kii isku tagay 1991-kiina kala tagay oo markaa inaga oo siman wada hadlayna, haddii kale waxa aad ogaataan in Somaliland wax kasta oo lagu difaacayo jiritaankeeda aanu u diyaar nahay ogaada.
Waxaan Ilaahay ka baryayaa in doorashadu nabad inoogu dhacdo, oo aan ku amaanayo dawladii hore, laakiin xisbiga Kulmiye Tulaayeey, Tulaayeeyda ha joojiyo oo Kulmiyoow maanta idinkaa dalka haya ee ha la ilaaliyo nabadgalyada, Muuse Biixoow maanta maaha maalintii aan ka furanayey xafiiska Gabiley ee aad iga xidhi jirteen ma jirto maanta oo abtiyaashay ayaa xisbiga soo galay”.


( Haatuf )




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: