19 July, 2012

Xildhibaano beeniyey inay qasriga madaxtooyada iyo M.Siilaanyo u dhukuseen +koox Cali Gobonimo tahri

Xildhibaano beeniyey inay qasriga madaxtooyada iyo M.Siilaanyo u dhukuseen +koox Cali Gobonimo tahri

Hargysa,-Sadex Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland islamarkaana ka mid ah garabka wareega ee UDUB ee Axmed Yuusuf Yaasiin hogaamiyo ayaa beeniyey inay xisbigooda UDUB ka diga-rogteen oo ku biireen xisbiga KULMIYE sida saxaafada qaar baahiyeen. Sadexdan xildhibaan oo kala ah Axmed Xasan Waysa-cade,Cabdi Maxamuud Gaagaale iyo Maxamuud Jaamac Cilmi Dable waxay kaloo borobogaanda aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaameen Xano ama warar laysla dhexmaraayo oo sheegaaya inay ku biireen KULMIYE iyo inay galeen qasriga madaxtooyada kulamana la qaateen madaxweyne Siilaanyo,waxayna warkaas ku tilmaameen ku-tiri-kuteen iyo inaanay haba yaraatee wax kulana iyo shir toona u tegin qasriga madaxtooyada, madaxweyne Siilaanyana is arag ee kudlad dano lahi warkan buunbuuninayaan amaba faafinayaan.

Xildhibaan Gaagaale ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin wararka sheegaaya inay Kulmiye ku biireen wuxuuna cadeeyay inay u xusul duuban yihii n sidii ay uga hawl geli lahaayeen una soo afjari lahaayeen khilaafka gaamuray ee ka dhex aloosan hogaanka xisbigooda UDUB,Gaagaale wuxuu ku nuuxnuuxsadey inay Udubnimadooda ku qanacsan yihiin una socon xisbi kale.

Xildhibaan Dable ayaa isna sheegay inay ka mid yihiin asaasayaashii Udub,islamarkaana aanu Awr u rareyn oo xisbi kale geedi u ahayn,wuxu sheegay inaanay ahayn niman Agaasimeyaal iyo wasiiro doonaaya ee ay yihiin niman tacabka iyo taariikhda UDUB ilaalinaya,wuxuuna intaas raaciyey inaanay madaxtooyada gelin,Siilaanyana la kulmin,wasiirna arintan kala hadal,Kulmiyena haweysanayn inay ku biiraan.

Xildhibaan Wayso-cade ayaa isna sheegay inaanay ahayn niman xisbiga UDUB cid uga tegaaya ee ay yihiin kuwii u hadhaayey ,wuxuuna intaas ku daray in khilaafka hogaankooda dhexyaala xalkiisu iyaga u yaallo oo ay dhamaysanayaan balse aaney xisbi kale u guurayn.

Si kastaba xaajadu ha ahaatee waxay sadexdan xildhibaan si kulul u be eniyeen wararkii warbaahintu qaada dhigtay,fagaarayaasha siyaasada Somaliland lagu falanqeeyana galay ee sheegaayey in xubnaha ugu tunka waaweyn garabka wareega ee UDUB ee Axmed Yuusuf Yaasiin hogaamiyo oo sadexdan xubnood ka mid yihiin galeen qasriga madaxtooyada habeen hore ,halkaasna uu ku qaabiley madaxweyne Siilaanyo.

Dhinaca kale Xogo kale oo daadsan fagaarayaasha siyaasada Somaliland ayaa tibaaxaaya in xubno ka mid ah garabka wareega ee Udub ee Axmed Yusuf Yasin hogaamiyo oo ay ka mid yihiin Abiib Filfil,Maxamed Qaasim,Maxamed Cabdi Daa'uud ,Cali Yufle iyo xubno kale oo uu gadhwadeen amaba abbaan ka yahay Cali Gobonimo oo lagu yaqaaney barnaamijyada weji ku macaashka dhalinyarada habeen hore isku shubeen qasriga madaxtooyada halkaasna kula kulmeen madaxweyne Siilaanyo iyo wasiir Xirsi Gaab una soo qadimeen in baahidooda iyo damacoodu yahay inay ku biiraan xisbiga Madaxweyne Siilaanyo ee Kulmiye. Waraka kulankaas ka soo baxay waxay intaas ku dareen in madaxweyne Siilaanyo soo dhaweeyay kooxdan,qaarkoodna loo balanqaadey inay xilal ku haboon soo eegtaan, kuwana loo xalaaleyn doono goobo ganacsi iyo hanti qaran oo haystaan.Xoguhu waxay kaloo intaas ku darayaan in kooxdan Cali Gobonimo abbaanka u yahay xoojin doonaan garab Kulmiye ka soo dhex fuuri doona oo S amaale hogaamin doono kaas oo tartan adag la geli doona Muuse Biixi.




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: