19 July, 2012

Hargeysa [BMC- Xisbiga Kulmiye ayaa maanta xafladdii ugu balaadhnayd ku soo dhaweeyey musharaxa Golaha deenka ee Eng Yuusuf Warsame Siciid

Hargeysa [BMC- Xisbiga Kulmiye ayaa maanta xafladdii ugu balaadhnayd ku soo dhaweeyey musharaxa Golaha deenka ee Eng Yuusuf Warsame Siciid oo ay beeshuusu u garatay inuu u matatalo tartanka doorashooyinka ee Golayaasha deegaanka oo dhawaan lagu wado in ooddda laga qaadidoono qabashadeeda.

Munaasibadda xafladdaasi oo si weyn loo soo agaasimay waxaa ka soo qaybgalay dadweynihii ugu tirada badnaa ee maalin kaliya u soo baxay taageerada Mushsaaraxiintii guud ahaamba laga soo sharaxay magaalada Hargeysa xisbiga ay doonaamba ha ka sharaxnaadeene.



Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, kuxigeenkiisa Maxamed Kaahin Axmed,salaadiinta iyo oday dhaqameedka uu musharaxaasi ka soo jeedo,dhalinyarada iyo Haweeenka iyo aqoonyahada kale oo beeshaasi iyo guud ahaamba taageerayaasha Xisbiga Kulmiye oo aan u kala dhalin soo dhaweynta iyo damaanshaadka caleemo saarka musharaxaasi waxay ka dhacday Hoolka weyn ee Hotelka caanka ah ee Maan-soor ee magaalada Hargeysa.



Sheekh Maxamed Aadan Muxumed oo ah sheekha Magaalada Hargesa uga wakiilka ah Masaajidka 4 daqab ah ee Cali Mataan oo furitaankii xafladdaasi ku daah furay Aayado Qur;aana waxa uu sheegay inuu Mushaxani yabay nin aqoonyahan ah isla markaana ah ninka ugu mudan maayar nimada magaalada Hargeysa inuu hogaanka u qabto.



Dhanka kalana waxa uu sheegay inuusan isagu reer nimo ugu iman balse ay saaxiibo yihiin waxaanu xusay inuu horey ula soo kulmay Musahraxaasi kalana soo taliyey dhainacyo badan sida inuu Ilaahay ka cabsado isla markaana ku maamulo caasimadda Hargeysa haddii Ilaahay u garto aqoontiisa iyo cabsida Ilaahay.

Aamina Maxamuud Diiriye oo ah madaxa xafiiska samafalka ee Madaxtooyada oo madashaasi ka hadashay waxay sheegtay inay ka deegaan ahaan uga fadhiyaan Eng Yuusuf inuu waxbadan badalo muuqaalka Caasimadda Hargeysa “maanta waxaanu Eng Yuusuf uga fadhinaa inuu wax badan ka badalo muuqaalka Hargeysa oo horey sidii ay ahaanjirtay ay Abwaanadu ugu heeseen” ayey tidhi.



Gudoomiyaha Gobalka Hargeysa ee Kulmiye Khadar Cabdi Xuseen oo madashaasi ka hadlay waxa uu sheegay inay soo dhaweynayaan Eng Yuusuf Warwsame Siciid “waxaanu musharaxa ku soo dhaweynanaa si kal iyo l aab ah ka gobal ahaana waanu idinka aqbalay musharaxnimadiisa” ayuu yidhi gudoomiye Khadar.

Waxaa isaguna madashaasi ka hadlay Mahad Ibraahim Maxamed waxaanu ka waramay taariikhda sooyaalka Eng Warasame ilaa malcaamddisii Qur’aanka ilaa heer Jaamacadeed sida Eng nimada dhismaha uu u ku soo qaatay dalka UK.

Dhanka kalana waxa uu tiraba laba Digree kus oo qaatay dalka Ruushka quruxinta iyo dhismaha guud,kadibna waxa uu hawlo kala duwan ka soo qaybtay xukuumaddii Somaliya sanadihii ay wacnayd waxaanu soo noqday madaxa qroshaynta ee dhimsha Dawladdii Somaliya.



“Somalidu waxay tidhaadaa Sumal Baraar kumajiro Yuusufna waa sidaas oo musharixiinta kumajiro” ayuu yidhi Mahad Ibraahim Maxamed Maamulaha Nuuradiin Schools.

Dhanka kalana waxa uu Mahad sheegay innuu Eng ku ahaa ninkii sameeyey calaamaddii ururkii SNM ,intaa kaliya kuma ekayn shaqooyinka uu soo qabtay Eng Warsame balse waxa uu Mahad sheegay inuu dalka Norway ka soo ahaa la taliya dhinaca quruxinta magaalooyinka.



Intaa ka dib waxaa iyana xafladdaasi gabayo qaali ah ka soo jeedisay Abwaanadda caanka ahee Nimcogabaydo gabayadaasi waxay si weyn u soo jiiteen daweynihii kumanyaalka ahaa ee madashaasi ka soo qaybgalay.

Waxaa iyana madashaasii ka hadashay Marwo Adna Aadan Ismaaciil waxaanay Eng Yuusuf kuwaanisay inuusan dhayalsan codka haweenka iyo dhalinyarada “hooyo Eng Yuusufsow waad dheertahaye bal waxyar ii istaag si ay dadku kuu wadaarkaan” ayey tidhi Marwo Adna Aadan waxaanay intaa ku dartay “waxaad ogaataa haddii ay kuwaasi oo ah labada qaybood ee bulshada ugu tabarta darani inaadan soo bixidoonin haddii ay kuu codeeyaana waad soo bixi inaa shaa allaah way kuu codayndoonaane”



Yuusuf Kirix Cawad oo kamida mudanayaasha sida weyn loo dhaliilo ee golayaasha deenaaka oo madashaasi ka hadlay waxa uu sheegay inuusan ilaa iyo hadda meel marin sharcigii loo sameeyey kala xadaynta magaalooytinka Somaliland gaar ahaan Hargeysa “ilaa makhaayadda Inatan iyo Naaso Hablood intau dhaxaysa meelkaliya oo School iyo dhakhtar toona laga dhiso majiro waana kuwa aanu filooyinka waaweyn ka dhisanay”ayuu yidhi Yuusuf Kirix Cawad.



“hadaad qof aqoonle ummadda u keentaan waxbuu idiin qabn haddii aad Iimaan laawayaasha keensataana hadhaw baad ooyi doontaan ee hadda iska hubsada cidii aad wax u dhiibanaysaan” ayuu yidhi.



Waxaa isaugana madashaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed waxaanu sheegay inay xafladdani tahay tii ugu quruxda badnayd ee soo martay Hargeysa.



“anigu aqoon badan maan u leeyahay oo waxaanu ka wada tirsanayd ururkii SNM “Golaha deeganaku waa meesha ugu dambeysa waana xundhurtii umadda ee ay nolashoodu taalo” ayuu yidhi Mr Kaahim “waa inaga qashin la noolka ah ee aad aragtaa caasimaddeenii” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Kulmiye waxa uu sheegay inay doorashooyinku lamid yihiin sida shimbiraha oo kale waxaanay iskaga mid yihiin jaaniska kaliya ee ah maalinta kaliya ee aad codkaaga dhiibanayso.



Waxaa isaguna madashaasi ka hadlau Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Cali Yuusuf waxaanu sheegay inuu ahaa Eng,kii dhisay isla markaana naqshadeeyey warshaddii Dawada ee Somaliya iyo Jaamacaddii Umadda ee Muqdisho “Yuusuf Warsame Siciid hadii uu inaga ogolaaday inuu noqodo musharaxaha Hargeysa nasiibaynu leenahay” ayuu yidhi Cali Yuusuf.



Gudoomiyaha Xisbiga Kulmlmiye Muuse Biixi Cabdi oo gaba gabadii munaasibaddaasi ka hadlay waxa uu sheegay inay ka xisbi ahaan waxbadan soo qabteen isla markaana diyaar u yihiin inay gadaalka qaban doonaan wax ka sii badan wixii hore.

“wixii uu Kulmiye idiin balan qaaday waxaan filayaa inuu waxbadan ka soo qabtay hadana waxaanu diyaar u nahay inaanu qabano wax ka sii badan wixii horey aanu idiinku soo qabanay” ayuu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.



Xadiis Maxamed Xadiis

Email:xadiismxadiis@gmail.com

www.Baadiye.net

Tel-252-2-7-9222205

Tel+252-2-4410656



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: