19 July, 2012

Dacwadii Qarniga Oo Noqotay Tii Ugu Samaynta Badnayd Abid!

Dacwadii Qarniga Oo Noqotay Tii Ugu Samaynta Badnayd Abid!

Mustafe Ismail Hashi

Akhriste dacwadda aan ugu magac daray "Dacwaddii Qarniga" waxay la xidhiidhay dacwad ku saabsanayd xuquuq shaqaalle oo u dhexaysay Muwaadin Shaqaalle ahaa iyo Shirkadd wadani ah oo uu ugu shaqaynayay mudo lix sano ah xisaabiye qaybeed, dacwaddani waxay bilaabantay kadib markii shirkaddii uu muwaadinku u shaqaynayay ay si rasmi ah (Qoraal) ugu dooday in aanuu muwaadinku weligii ka mid noqon shaqaalaha shirkadda wax xuquuq ahna aanuu ku lahayn shirkaddaÇáßÏÈ ÎíÇäÉ , Doodan bilaa daliilka ahi waxay albaabka u furtayDacwaddii Qarniga oo noqotay dacwaddii ugu saamaynta badnayd abid.

Akhriste tixraac dacwadda sumadeedu ahayd MGH/DML/18/2011, taas oo maxkamadda gobolka Hargaysa dhegaysigeedu ka bilaabmay 05/04/2011, Dhaar iyo Qiraal kadibna maxkamaddu waxay muwaadinka u xukuntay in lasiiyo xaqiisii 29/09/2011, xukunkaas oo uu ka dhacay mudadii racfaanka sharcigu u ogolaa kadib markii Gudoomiyihii shirkadda uu xajka u socdaalay, hasayeeshee dacwaddii oo la soo waafajiyay mudaddii racfaanaka ayaa si khayrul caadi ah dib loogu arkay iyadoo hortaala maxkamadda sare ee JSL sideed bilood iyo laba wiig kadib, geesi alle maxilo’e waxay maxkmadda sarena ay soo saartay xukun ay ku ayidayso xukunkii hore 17/06/2012.

Akhriste, Dacwadani waxay si toos ah iyo si aan toos ahaynba saamayn ugu yeelatay qaybo badan oo kamid ah bulshadda Somaliland.
Waxay dacwadani saamayn ku yeelatay tiro muwaadiniin xoogsato ah oo lagu dhaariyay magaca Eebe, taas oo laba kamid ahi ay ku simbiririxdeen dhaartii, fureena markhaati beenaalle, iyagoo ilaashanaya maslaxadooda shaqo.
Waxay dacwadani ku keliftay shirkad raasamaalkeedu yahay Tobaneeyo Milyan oo Doolar, inay iskaga difaacdo xuquuq dhan $3,250 xukun garsoore, iyadoo ay u isticmaalayaan kharaj ka badan xuquuqda loo sheeganayo.

Waxay dacwadani Malle iyo Dani xun usoo jiiday hogaanka sare eeJamaacadda Tabliiqiga oo ku guul daraystay inay qaadhaan bixiyahooda ugu mudan kusoo dabaalaan xaqa oo ay gacanta ka qabtaan.
Waxay dacwadani calaamatu su'aal saartay Akhlaakhda asxaabul naqiil (Jamacatu Muqbil raximallaah) iyadoo xubin firfircoon oo ku abtirsata ay ku simbiririxatay dhaartii magaca Eebe.

Waxay dacwadani saamayn xun ku yeelatay doorka Qareenada ee ku aadan cadaaladda qaranka taas oo muujisay in mudnaantooda koowaad ay tahay xoogsi, gar iyo gardarana ay kugu difaacayaan dhadhamo. )
Waxay dacwadani maradda ka fayday awooda waaxdeena garsoorka, iyadoo si nasiibdara ah oo shaqsiyaad huwan magaca garsoorka ay ku lug leeyihiin ay keentay in xukun loo cuskaday Distoorka iyo xeerarka dalka u yaala oo ku dhamaaday dhaar (Millad), taas oo weliba mudaddii racfaanku ka mudo dhaaftay ay mudo sanad ka badan weli dayacan tahay xuquuqdii muwaadinka ee waaxda garsoorku Qaranka uga wakiil ahayd ilaalintiisa.

Akhriste saamaynta wejiyada badan ee ay dacwadani yeelatay ka sokow, waxaa iyana mucjisadii Qarniga loo aqoonsaday in dhaar iyo markhaatiyaal kadib ay shirkaddii qiratay in si ehelnimo ah ay muwaadinka u shaqaalaysiiyeen markii ay shaqadda ku garan waayeena ay iyagu Eryeen, waana markii u horaysay akhriste ee dacwad loo cuskaday xeerarka dalka u dejisan, dhaar muwaadiniin magaca Eebe lagu dhaariyay iyo qiraal dacwaysanuhu sameeyay loo diro racfaan, su'aashu’se waxay noqonaysaa maxaa la racfaaninayaa? ma xeerkii la cuskaday ayaa si mucjiso ah isu bedelaya? ma dhaartii ayaa laga noqonayaa? mise qiraalkii shirkadda ayaa ahaa mid lagu qasbay?

Ugu danbayntii Maslaxada ku jirta qoraalkani waa ergo ahaan in dhamaan qaybihii ay saamaysay dacwadani ay dib isu saxaan oo ay usoo noqdaan xaqa, dulmiga muuqdana meesha laga saaro oo muwaadinka xaqiisa loo fuliyo, si looga hortago in shacabku ay sharciga gacmahooda ku fushadaan, taas oo lidi ku ah maslaxadda guud ee Qaranka.

Mahadsanidiin.

Mustafa Ismail Hashi




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: