26 June, 2012

Imaamka Masjid-Jaamaca Oo Maayarka Caasimada Ku Eedeeyay In Dhul Masaajidku Leeyahay Uu Ku Daray D/Hoose


Imaamka Masjid-Jaamaca Oo Maayarka Caasimada Ku Eedeeyay In Dhul Masaajidku Leeyahay Uu Ku Daray D/Hoose

Hargeysa, June 26, 2012 (Haatuf) - Sheeekh Cabdiraxmaan Yaasiin Jaamac oo ah Imaamka Masjid Jaamaca way nee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in maayarka Caasimadu Eng Xuseen Maxamuud Jiciir uu qayb ka mid ah dhulka Masaajidku leeyahay uu ku daray hantida maguurtada xarunta dawlada hoose ee Hargeysa.
Imaamka Masjid Jaamaca ee Caasimada Hargeysa Sheekh Cabdiraxmaan Yaasiin Jaamac oo Haatuf shalay uga waramay arrimahaasi, waxa uu yidhi “Way jirtay inaan khudbad kooban ka jeediyay Masaajidka shalay markii Salaada duhur laga baxay, ujeedaduna waxay ahayd laba qodob oo aanu qaadan kari waynay, midi waxa weeyi qolka yar ee Minaarada Masaajidka ee dhinacabari ku yaala oo dhulka Masaajidku leeyahay ka mid ah, oo muwaadin naga codsaday aanu dajinay, kadib $500 oo deebaajiya ayaan ka qaadnay $50 ayaan kaga kireeyay wixii deebaajiga ee ka galayna uu $30 u goosto, $30 uu Masaajidka siiyo oo aanu qoraal heshiisa kala qoranay ayuu Maayarku daaqada ka arkay waanu naga dumiyay, kadib waxaanu ku nidhi muwaadin haday inoo suurto gali wayday lacagtaadii waan kuu celinayaa, dabeeto wsxa uu nagu yidhi maayarka ayaan dad u dirtay waana laysoo ogolaaday, dabeeto waxaan cadeeyay in meeshaasi tahay waqaf Masaajidkuna leeyahay, iyadoo hawshii halkaa marayso ayaa waxaanu ogaanay in maayarku dhismahaasi Masaajidka uu ku daray hantida maguurtada ah ee dawlada hoose ee Hargeysa, sidaa darteed waxaan dawlada dhexe iyo ummada reer Somaliland-ba u sheegayaa in dhismahaasi Masaajidku leeyahay  haddii ay maayarka u suurto gasho inuu dhismahaasi Masaajidka hantida maguurtada ah ee dawlada hoose uu ku daro, anaguna waxaan cadaynaynaa in qaybta soke ee dawlada hoose aan ku daro Masaajidka, si uu Baarkin balaadhan u helo. Ta kale afar mitir oo dayrka Masaajidku leeyahay ka mid ah ayay xukuumadii hore noo ogolaatay in meheradaha ka dhisan dhaqaalaha ka soo baxa baahida Masaajidka lagu daboolo, nasiib daro dhismayaashii waa la dumiyay, dabeeto maayarkii ayaan u tagay wuxuu igu yidhi hal mitir dayrka Masaajidka dib haloo galo , shaqaalihii Masaajidkuna way yaaban yihiin, sidaa darteed dawlada dhexe iyo shacbigaba waxaanu ka codsanaynaa in arrimahaasi wax laga qabto”

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: