26 June, 2012

Qaar ka mid ah Ganacsato reer Somaliland ah oo ka Hadlay Dareenkooda Lacago Maalgelin Maraykanku Siiyey


Qaar ka mid ah Ganacsato reer Somaliland ah oo ka Hadlay Dareenkooda Lacago Maalgelin Maraykanku Siiyey

Ururka SHAQODOON oo ka mid noqday guulaystayaasha helay Mashruuc lagu Kobcinayo dhaqaalaha

Hargeysa (Jam)- Qaar ka mid ah 13 ganacsato iyo ururro reer Somaliland ah ayaa ka hadlay dareenkooda la xidhiidha maalgelin ku dhow hal milyan oo doollar oo markii u horreysay Maraykanku ku caawiyey si loogu kobciyo dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dalka.
Mucaawanadan oo ay bixisay hay’adda kaalmada u qaabilsan dalka Maraykanka ee USAID oo xadigeedu dhan yahay 900 kun dollarka Maraykanka ah, taas oo qayb ka ah mashruuc lagu kobcinayo dhaqaalaha iyo ganacsiga Somaliland, isla markaana loo galay tartan muddo ilaa shan bilood ah socday oo ay ka qaybgaleen 292 ganacsato, ayaa waxa ku guulaystay 13 ka mid ah oo buuxiyey shuruudihii loo dhigay.
Haddaba, Ururka Shaqodoon iyo shirkad la yidhaa Transprancy Solution (S.F) oo ka mid noqday 13 ku guulaystay mashruuca kobcinta dhaqaalaha ee Maraykanku ku caawiyey Somaliland, ayaa wargeyska Jamhuuriya wax ka waydiiyey sida ay u arkeen arrintaasi iyo faa’iidada dalku ka heli karo mucaawada ay heleen.
Ugu horreyn Madaxa Xidhiidhka iyo Tiknolajga ee ururka Shaqa-doon Organization Mr. Mustafe Cismaan oo khadka telefoonka aannu kula xidhiidhnay ayaa la waydiiyey dareenkiisa ku wajahan tartanka lacagta ee ay ku guulaysteen iyo faa’iidada dalka ugu jirta, waxaannu ku jawaabay, “Waxaan ku faraxsanahay in aannu ka mid noqonay mashruuca kobcinta dhaqaalaha, isla markaana aannu fursad u helno in aannu ku tababarno xirfadaha shaqooyinka 500 dhallinyaro ah oo Isha Allaahu aannu doonayno in marka la tababaro loo qaybiyo ganacsiyada reer Somaliland. Xirfadaha tababarka waxay noqon doonaan xirfado uu ku faa’iidaysan karo qofku ha noqdaan kuwa gacmaha ama aqoonta oo looga baahan yahay suuqyada Somaliland, annaguna waanu sii kobcinaynaa oo waxaannu siinaynaa in la dhiso kalsoonida qofka, qaabka loo qoro diiwaanka aqoonta (CV-yada), farsamooyinka gacanta iyo tababarro kale, kadibna waxa loo baadi-doonayaa shaqooyin.”
Mr. Mustafe oo la waydiiyey waxa u gaarka ah ee ururkoodu ku helay inuu ka mid noqdo ganacsatada kooban ee mashruucan ku guulaystay, waxa uu yidhi, “Waxay ila tahay in aannu ku helnay Somaliland waad ogtahay oo 75% shacabkeenu waa bilaa camal, mashruucanina waxa uu ahaa mid loogu talogalay kobcinta dhaqaalaha, markaa ganacsiyada abuurmaya ama kuwa hore u jiray ee kobcayaa waxay u baahan yihiin dad xirfado shaqooyin leh, haddii qof aad shaqaalaysiiso kobcinta dhaqaalaha ayey ka mid tahay. Sidaa darteed waxaan u malaynayaa in sababta aannu ku helnay tahay sidaa.”
“Wax badan buu ku soo kordhin karaa, waayo 13 ganacsi oo dhaqaale helay ayaa dalka ka hawlgalaya oo gobollada Somaliland oo dhan loo kala qaybiyey, ganacsiyadaasi waxay shaqo gelin doonaan ilaa 220 qof aan hore u shaqaynayn oo ah mid guul ah, dawladdana cashuur badan ayaa u soo xeroon doonta,” ayuu yidhi Madaxa qaybta xidhiidhka iyo tiknoolajiga ee ururka SHAQODOON Mr. Mustafe Cismaan.
Sidoo kale, waxa mashruucan ku guulaysatay shirkadda Transprancy Solution (S.F) oo ka shaqaysa arrimaha la-talinta, maamulka, qiimaynta maamulka, ka-talinta dhaqaalaha iyo sharciga, isla markaana aannu kala xidhiidhnay maamulaheeda guud Mr. Sharmaarke Cabdi Jaamac, ayaa soo dhaweeyey mucaawada Maraykanka ee ay ku guulaysteen oo uu ku tilmaamay mid fure u noqon doonta maalgashi iyo taageero Somaliland hesho.
“Mashruucani waa kii u horreeyey ee la siinayo ganacsiga gaarka loo leeyahay, waa mid muhiim ah, inkasta oo aanay lacagtu badnayn waxa muhiim ah inay noqonayso xidhiidh ina dhexmaraya qolooyinka deeqbixiyayaasha. Lacagtana waxa lagu bixinayaa laba hab oo kala ah in qalab ahaan lagu siiyo ganacsadaha ama lacag ahaan kolba siday ku heshiiyaan,” ayuu yidhi Mr. Sharmaarke.
Mar la waydiiyey waxa shirkadooda u fududeeyey inay ka mid noqoto ganacsatada ku guulaysatay tartanka loo galay maalgelintan, waxa uu ku jawaabay, “Wallaahi nidaam dheer oo ahaa mid caddaalad ah ayaa loo galay, wuxuu ahaa mid ka duwan waxan dadkeena badankoodu ku shaqeeyo ee qabyaalada iyo wixii la mid ah, waxa ku tartamay shirkado waaweyn iyo ganacsiyo yaryar oo la moodo in kuwii waaweynaa hadheen, maxaa yeelay waxa lagu kala baxayey sida wax loo bandhigo. Dawladduna mar walba way la socotay oo way la eegaysay, markaa si caddaalad ah oo aan ku farxay ayey u sameeyeen tartanka.”
Mr. Sharmaarke waxa uu sheegay in shirkaddooda oo muddo ilaa 11 sanno ah ay ka shaqaynaysay dalalka Yurub, laakiin muddo hal sanno ah deganayd Somaliland oo ay doonayaa inay ka fuliyaan hawlo isugu jira adeegyo dhaqaalaha iyo talooyinka ku saabsan kobcintiisa iyo shaqooyinka adeegyada kaabayaasha dhaqaalaha.
“Lacagtu amaah la soo celinayo maaha ee waa caawimo, ammaano badana way u baahan tahay oo waxa la eegayaa lacagta aad dalbatay iyo waqtiga aad gelinayso in lagu shaqeeyo, markaa waxaynu gelinayno ayaa ka badan lacagta la ina siinayo,” ayuu yidhi Maamulaha shirkadda Transprancy Solution Mr. Sharmaarke Cabdi Jaamac.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: