Hargeysa June 26, 2012 (Haatuf)-Gudoomiyaha Komishinka doorashooyinka qaranka Somaliland Ciise Xaaji Xamari ayaa sheegay in kharashkii ay ku qaban lahaayeen doorashooyinka golayaasha deegaanada ay ka mid yihiin qabyooyinka ku xeeran absoomida dooreashada, waxaanu tilmaamay marka ay helaan dhaqaalahaasi, isla markaana la dhamaystiro wax ka badalka xeerka doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo Madaxtooyada xeer lr 20 ay si rasmiya ugu dhawaaqi doonaan xilliga ay doorashooyinku dalka ka dhici doonaan.
Gudoomiyaha komishanka Mr Xamari oo shalay saxaafada uga waramay kulan ay xarunta golaha wakiilada ku wada yeesheen guddiga arrimaha gudaha iyo nabadgalyada, ayaa ugu horayn isaga oo ka hadlaya asbaabaha ay u cadayn laayihiin maalinta rasmiga ah ee doorashooyinka golayaasha deegaanadu dalka ay ka qabsoomayaan, waxaanu yidhi “Wax weyn qabyo nagama aha, laba waxyaalood ayaa naga qabyo ah labadaasi marka ay noo soo dhamaadaan ayaanu sheegi doonaa xilliga doorashadu dhacayso, markaanu dhaqaalihii doorashada helno iyo markaanu helno xeerkan hada wax ka badalka iyo kaabista lagu samaynayo”
Gudoomiyaha Komishanka doorashooyinka oo aanu waydiinay waxyaalaha ay ka wada hadleen guddiga arrimaha gudaha golaha wakiilada oo shalay kulan irriduhu u xidhan yihiin ay ku wada yeesheen xarunta golaha wakiilada, ayaa waxa uu yidhi “Qodob waafaqaya qaabkii ay markii hore u soo dhigeen xeer lr 20, laakiin markii hore abyo ka ahaa, dhamaystirkoodii ayaanu u nimid, habkii doorashada waanu isla qaadanay, qodobadii aanay markii hore wada badalin qaar ka qabyo ah ayuun bay imika dhamaystirayaan”
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment