DAREENKEYGA
IYO SUCUUDIGA 20 SANO KA DIB-2
TACLIINTA
SARE IYO FARSAMADA
Ahmed Arwo
La-taliyaha Madaxweynah ee Dhaqaalaha
Aan dib u raaco raadkeyga iyo xidhiidhka uu la leeyahay horumarka
tacliinta Sacuudiga. Xiligaan shaqada ka bilaabay Arrazi oo ay wada lahaayeen
SABIC oo xukuumadda Sacuudiga ah iyo Mitsubishi Gas Chemical oo Japan ah, waxa
Aanu ahayn 10 Agaasime oo sida nidaaamka Japanka subax kasta kulma nus saac ka
hor xiliga shaqadu bilabanto oo ahayd 7 subaxnimo. Xiligaas waxa keliya ee
shirka nala fadhiisan jiray Sacuudi ahaan hal nin oo ahaa PR amba agaasimha
xidhiidhka bulshada intayada kale waxaanu ahayn ajnabi Carabna waxaanu ahayn
ani iyo nin Falastiin ah, waa hadaad Soomalida ku tiriso carabta!. Waxa xiligaas qorshaysnaa in muddo shan sano
ah la gaadhsiiyo Sacuudiga 30%. Arrazi oo daacadnimo ka muuqato ayaa dardar
gelisay arrintan. Waxa la diray boqolaal sacuudi oo isagu jiray Jaamici iyo
Dugsiyada Sare. Waxa loo qaaday Osaka ooy marna
wershad tan la mid ah ay ka hawl galaan inta kalena waxbarasho degdeg ah
ay qaataan. Hawshoodu ma aha xafiis fadhi waa hawl gacmeed..waa makaanik,
dabyahan (Electrician) Plant Operation iyo maamulka wershadda iwm. Waxay ku
noolaayeen nolol xero askari ah ooy xataa ka mid tahay waxbarashadooda leyliga
jidhka, orod, booto iwm. Waxay ii sheegeen in la seexin jiray 9 habeenimo 5ta
Subaxnimana la toosin jiray.
Yeyna taas ila durkine, waxa muddo shan sano ah agaasimayaashi noqdeen 5
Sacuudi ah ooy 3 tahay dhinaca maamulka
wershadda. Waxaan ahaa agaasimihii ugu dambeeyey ee ajnabi ah. Intaanan ka
tegine waxa ley magacaabay La-taliyaha Maaliyadda ee Madaxweynaha Shirkadda oo
markaas ahaa nin Japanese ah. Muddo yar dabadeedna waan ka dhoofay anigoo ogaa
in la gaadhay xiligii aan aqoonta iyo tababarka aan u gudbiyey dhalinyarada
Sacuudiga oo runtii aad ii ixtiraami jiray inay shaqayso. Waxay jecleysteen
inaan la joogo oo si kale ula shaqeeyo macna La-Taliye iyo tabobare, waan se ka
cudur daartay.
Ar-razi waxay noqotay shirkadda
keliya ee gaadhay heer ka sareeya kii loo jeexay dhinaca Sacuudiyeynta. Waxayna
qaadatay abaal marin anna wax ayaa iga soo gaadhay. Aan ku noqdee 1987kii waxa ay gaadhay in ATA(
Annual Turn Arround) oo ah muddo bil ah oo wershadda la joojiyo si loo mariyo
faxas iyo siyaano amba dib-u-cusbeysiin in dhammaan cidda hawshaas loo dhiibay
noqdeen Sacuudiyeen min engineer ilaa saliideeye. Looguma tegin. Wey ku
guuleysteen, iyana baadifad kale ayaa nala siiyey, si gaar ahna waxa loo abaal
mariyey raga kaakiga iyo saliiddu jidhkooda madoobeysay.
Dalkani wax kasta ha ka khasaaraane waxu aaminay in waxbarashu tahay tan
lagu gaadhi karo horumar dhaqaale iyo mid bulshaba. Waxa la bilaabay jaamacado
aan tiro lahayn oo gobal kasta iyo magaalo kastaba laga aasaasay. Ma aha
jaamacado yaryar. Bal qiyaas gobalka koonfurta oo ah ka ugu dambeeya dhinaca
aqoonta ooy ku taal Jamacadda Jaysaan waxa dhigta 45 kun iyo dheeraad! Kuwa
Riyaad iyo Jedda iyo Dahran maxaad u malayn.
Bil iyo badhkaan joogay, waxa boqorku dhagax-dhigay 7 magaalo
Jaamacadeed oo cusub oo balaayeen doolar ku bixi doonto. Ma aha Jaamacaddo waa
Magaalooyin Cusub oo nolashu nooc kasta ka bilaabmeyso saxaare madhan oon nool
iyo mood midna lahayn.
Waxa iyana la dhaqan galiyey in dhammaan ruux kasta oo Sacuudi ah oo
hela shahaadada dugsiga sare inuu Jaamacadda uu doono heli karo debed iyo
gudaba. Taas oo ka dhigtay inay in badani u baxaan debedda. Waxa la yaab ah in
hablaha dhoofaaya loo ogolaaday inay raacaan muxrim la noolaada khrashkana ay
bixineyso xukuumaddu. Waxaan arkay qoysas Soomalilander ah oo Sacuudi ah oo
badan oo arrintan ka faa’ideystay, qaarkoodna ay ahaayeen agoon aad ula
tacaalaysay nolosha bal se manta helay shaqo iyo cilmi., heleynay dhabada
nolosha oo horumar iyo badhaadhe hiigsaneysa.
Sacuudigu waa dalka ugu taranka badan nisbiyan. Taas oo ka dhigtay mid
si joogta ah u kordhisa miisaaniyadda arrimaha tacliinta iyo caafimaadka. Waxa
socda dhismayaal aan joogsi lahayn oo lagu dhisaayo dugsiyada hoose, dhexe iyo
sare oo ka badan jaamacadaha.
Waxa socda doodo badan oo laga leeyahay in lagu hanuuniyo dadweynaha
inay farsamada gacanta iyo shaqooyinka hoose la karaameeyo si bulshadu u noqoto
mid isku filan. Waana arrin aan weli la gaadhin oo yasid ayaa jirta hoos loo
eego farsamoyaqaanka, wallow ay Arrazi taas berri hore jabisay. Tvga, idaacadda
iyo jar’iidku waxay mar walba hadal hayaan isku-filaanshada iyo la dagaalanka
shaqo laƔanta ay sabab u tahay shaqooyinka nooc badan oo ka mid ah oon u
cuntamin Sacuudiga shaqada la’, kana dhalatay dhaqan hore oo gaboobey.
Waxa kale oo iyana jirta inay in badan oo dhooftay ay khrash uun qaataan
ooy waayeen kormeer hubiya inay waxbarasho habboon qaataan. Iyana waa arrimaha
ay jaraa’idku ku dhaliilaan xukuumadda. Waxay kale ooy farta ku fiiqaan musuq
ka jira dhinaca jaamacadaha debedda oo lacagtuun qaata warbixino been ahna ka
soo bixiya ardayda.
Waxa iyana rayi laga dhiibtaa manhajka oo u badan dhinaca culuumta
bulshada, iyo dhakhtarnimo iyo injineer, iyadoo ay yaryihiin dugsiyada
farsamada gacanta wallow dalku kuwaas uu aad ugu baahan yahay. Calaa kuli xaal
waxay iila muuqataa inay tacliinta Sacuudigu ku socoto xowli xoog ah wallow ay
ku joogto takliif weyn oo khrashyo badan oo la dhimi karo iyo musuq ka muuqdo.
Waa se mid xoogga dhaqaale ee dalku qarin karo. Dariiqa se loo jeexay ee 10-20
sano ah waa mid ku socda in la heli bulsho isku filan oo tartiib looga maarmo
ajnabiga. Hadafkoodu waa 75-80% inay tahay halka ugu habboon in xoogga
shaqaalahu ahaado Sacuudi isku geyn ahaan . Waana mid ay gaadhi karaan kolkaad
eegto tarankooda iyo qorshahooga tacliimeed.
Waxaynu maqaal kale ku soo qaadan sida cilmigu u beddeley bulshada
dhaqan, dhaqaale iyo ganacsiba. Waxaan ka faa’ideystay wax weyn loo dalkeeni
qaban karo iyo dhabada horumarka ugu habboon loo maro. Ma aha inaynu is nidhaahno
maxaa dal petrol leh aynu kaga dayan karnaa. Waxaan qabaa anigoo soo arkay
Yurub iyo galbeed in dalka aynu wax ka baran karnaa yahay dalalka khaliijka oo
isbedel bulsho oo xooga soo maray dhaqan iyo diina aynu wadaagno, taas ku dar
inay shalay ahayd kolkay betroolka baadhaayeen, inaguna aynu marayno
marxaladaas..qaladkey galeen iyo guusha ay gaadheen waxay inoo noqonaysaa
duruus faa’iido badan.
Waa inoo mar kale iyo waayaha Sacuudiga iyo duruustaynu ka qaadan karno,
haddii Ebbe idmo.
http://samotalis.blogspot.com/2012/06/dareenkeyga-iyo-sucuudiga-20-sano-ka.html
http://samotalis.blogspot.com/2012/06/dareenkeyga-iyo-sucuudiga-20-sano-ka.html
DAREENKEYGA IYO SUCUUDIGA 20 SANO KA DIB-1
Axmed Xasan Carwo
La-Taliyaha Madaxweynha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
No comments:
Post a Comment