Hargaysa(CNN)Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Xisbiga Udub Mudane Axmed Yusuf Yasin
Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Xisbiga Udub Mudane Axmed Yusuf Yasin ayaa ka jawaabay hadal maalintii shalay kasoo yeedhay xisbiga udub kaasi oo ahaa in dib loodhigay musharaxiinta xisbiga Udub Waxaanna uu sheegay inay arrintaasi tahay waxba Kama jiraan .
Mudane axmed yuusuf yaasiin waxa uu sheegay in musharaxa rasmiga ah ee Xisbiga UDUB uu yahay mudane Jamaal Cali Xuseen waxaanna uu sheegay in hadalkii shalay kasoo yeedhay mudane daahir rayaale yahay waxba kama Jiraan .
Guddoomiye ku xigeenka XisbigaUDUB mudane axmed yusuuf yasin waxa uu sheegay inay jiraan koox isku qabiil ah kuwaasi oo doonaya inay xisbiga la wareegaan isagoo sheegay in aanay arrintaasi noqon doonin mid suurogal ah .e
Mudane axmed yusuf yaasin waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaa,id oo uu goordhawayd ku qabtay gurigiisa waxaanna uu sheegay in marka la raaco go,aamaddii maxkamadda musharaxa xisbiga Udub uu yahay Mudane Jamaal Cali Xuseen.
Saleban sahal Jamac
salosahal@hotmail.com
Caynabanews.com
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment