07 June, 2012

La-taliyihii Madaxweyne-ku-xigeenka oo ka Warramay Kiiskii loo Xidhay iyo Natiijadii Maxkamaddu ka soo Saartay

La-taliyihii Madaxweyne-ku-xigeenka oo ka Warramay Kiiskii loo Xidhay iyo Natiijadii Maxkamaddu ka soo Saartay

Hargeysa (Jam)- La-taliyihii Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Mr. Cismaan Siciid Jaamac ee ka mid ka midka ahaa saddexda masuul ee dhawaan maxkamadda Gobolka Hargeysa u xukuntay musuqmaasuqii raashinka mucaawanada ahaa, ayaa la sii daayey kadib markii uu iibsaday xukunkii xadhiggiisa oo ahaa hal sanno, isla markaana uu bixiyey ganaax saddex milyan ah oo lagu ridday.

Mr. Cismaan Siciid oo kadib markii la sii daayey shalay shir jaraa'id qabtay, ayaa ka warramay dacwaddii musuqmaasuq ee loo xidhay oo sheegay inay ahayd mid ujeeddo laga lahaa iyo xukunkii ka soo baxday maxkamadda oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid caddaalad-darro ah oo habayaraatee aan waafaqsanayn wixii ay sheegeen markhaatiyaddii maxkamadda la horkeenay.

"Intii dhegeysiga dacwadayadu soctay mar keliya lama keenin qof magacayga sheegay oo yidhi ninkaasi kiiskaasi lugbuu ku lahaa, haddana markii dambe xukun aan la filayn ayaa meeshii ka soo baxay oo waxa lay cuskdaya hawl-gudasho la'aan iyo waxay maxkmadu jeebkeeda kala soo baxday," ayuu yidhi Mr. Cismaan.

La-taliyihii hore ee Madaxweyne-ku-xigeenka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaa ku daray, "Waxa dhacday in dadkii dhaca raashinka loo xidh-xidhay qaar jeelka lagala baxay, qaarna wasiirro damaanad ku sii daayeen oo markhaatiyaal loo qabsaday, waxa kale dhacday in Xeer-ilaalintu saddex jeer bedeshay eedeymihii naloo jeediyay, xukunka soo baxayna runtii caddaaladda Somaliland waxaan ka filaynay muu ahayn."

Waxa kale oo uu ku dooday in qaybtii loo xilsaaray raashinka la lunsaday ay sidiisii u fuliyeen, balse waxa la musuqay uu boolisku masuuliyaddiisa lahaa, "Raashinkaasi wuxuu ahaa mid la lunsaday oo aanay dawladduna ka war ahayn, laakiin markii naloo xilsaaray qaybtayadii waanu ka soo baxnay waanuna soo qabanay ee qaybtii Bilayska ayaan fulin, markaa waxaan isweydiinaynaa sababta annaga naloo xidh-xidhay ee Taliyihii Bilayska ee amarka lagu siiyay inuu raashinaa soo qabto loo soo xidhi waayay, Bilayskii raashinka soo raray loo soo xidh-xidhi waayay," ayuu intaa raaciyey Mr. Cismaan Siciid Jaamac.

Mr. Cismaan waxa uu sheegay in sababta uu u iibsaday xadhigga ee uu racfaanka uga qaadanwaayey ay tahay isaga oo aan ku kalsoonayn caddaaladda garsoorka Somaliland, waxaannu xusay in saaxiibadii ku xidhan yihiin xaq-darro, isla markaana uu dibadda uga doodi doono.


No comments: