Waaryaadhaheen show ninkan Ina Rayaale bahasha sidii uu u hanneeyey illeyn dhab-bay ka ahayd, waakaa ilaa maanta afkiisa ka ilaashanaya dhaleecaynta xukuumadda ee weliba mar kasti si waalidnimo ah uga hadlaya xaaladaha taagane, tolow odaygu muxuu UDUB-tiisan dhankii loo dhigaba u laadaysa dhaqankan u bariwaayey, imise waxa ka qaalib noqotay siyaasaddan oday Siilaanyo ee mucaaradka iska rushaynaysa.
Weger; Adeer beri baan maqli jiray ‘Af wax cunay xishood,’ waxaan u malaynayaa Madaxweyne Siilaanyo waa nin weyne malaha maalintii Odaygu magaalada yimi ayuu waxoogaa u laabay, siyaasaddiisuna way ka duwan tahay tii Daahir Rayaale ee mucaaradka intay laydhka iyo biyahaba ka jarto isku naaxinaysay, waxaan u malaynayaa in maalin dhaw marka saddex xisbi soo baxaan ee uu masaariiftooda miiska u saaro cid juuq tidhaaba la waayo.
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment