Hargeysa, June 5, 2012 (Haatuf) - Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte oo ka tirsan mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland, ayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xukuumadiisa ku eedeeyay inay dalka ku hogaamiyaan nidaam Cadaalad darro oo ka fog oo baalmarsan hanaanka Dimuqraadiyada, tilmaamayna in xukuumadani u eegtahay habdhaqan Kali-talisnimo ku salaysan.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Waxa uu Madaxweyne Siilaanyo dib u xusuusiyay halgan mucaaradnimo ee uu kaga soo horjeeday saddexdii hogaamiye ee talada dalka Somaliland ugu horeeyay ee Marxuum C/raxmaan Axmed Cali (Tuur), Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble isaga iyo xildhibaano wehehlinayay oo ka biyo diiday hanaanka siyaasadeed ee hogaaminta dalka ayaa waxay sidaasi ka sheegeen shir jaraa’id oo ku qabteen Hotel-ka Guuleed ee Magaalada Hargeysa, kuwaas oo xukuumada talada haysa sheegay inay u muuqaal eegtahay dawladu mid kali-talis ah, isla markaana ka weecatay hawlihii loo igmaday, waxaanay tilmaameen inay shacabka ku hayso cubudhin iyo caga jug lahayn joogto ah, xasbiyadana loo taxaabo dad farabadan badan oo fikir ahaan ka soo horjeeda siyaasadeeda.
Md Siciid Cilmi Rooble oo ugu horayn ka hadlaya saddexdii Madaxweyne ee Siilaanyo ka horeeyey iyo mucaaridnimadii wakhtiyadaasi, waxa uu yidhi "Cabdiraxmaan Tuur Madaxweyne ayuu ahaa waxaad adigu baday Siilaanyo ahaan lama Gaadhin, waxa Cigaal ay dib u habayntii iyo Saleebaan Gaal badeen xubin lagama gaadhin, waxa xisbiga Kulmiye baday Rayaale oo kow aan aniguba ka ahaa xubin lagama gaadhin, dadka waxaad ogayd baad soo marisay oo la soo maray, haddaad cabanaatid marka kalmada la yidhaahdo saddexda habeenimo hadashid dee shaqayn mayso”
Waxa oo kale oo isna Madaxweynaha si kulul ugu dhaliilay cadaalada daro ka jirta dalka xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa "Xukuumada cusub ee Madaxweyne Siilaanyo waxa la kowsatay in ay ku tumato sharcigii dalka u yaalay, waxaan qabaa tallaabo kasta oo ay ku kacday xukuumadu in ay ahayd mid sharciga baalmarsan, marka ugu horeysa waxa aan jecelahay in aan xukuumada ugu baaqo in ay ku soo baydho sharciga iyo nidaamka aynu ku dhaqano ee dawliga ah iyo Dimuqraadiga ah” xildhibaan Rayte.
Si kastaba ha ahaatee xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Somaliland ayaa isa soo tarata ee saluugsan habdhaqanka xukuumada wakhtigan xaadirka ah talada dalka hogaaminaysa, kuwaasoo ku eedaynaya in ay meesha ka saartay ballanqaadyadii ay samaysay xilligii ay olalaha doorshada Madaxtooyada lagu guda jiray.
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment