Riyaale Oo Sheegay In Aanu Madaxweynaha Ula Dhaqmayn Sidii Ay U Mucaaridi Jireen Isaga, Xili Uu Warbaahinta Qaar Ka Mid Ah Ka Horjoogsaday Shirkiisii Jaraa’id
Hargeysa, June, 6, 2012 (Haatuf) – Guddoomiyaha xisbiga UDUB Daahir Riyaale Kaahin ayaa sheegay in murashaxiinta Xisbigooda jagada Madaxweynaha uga tartami doona doorashada Madaxtooyada ee 2015-ka ay si rasmiya u dooran doonaan doorashada golayaasha deegaanada ka dib, waxaanu intaa ku daray inuu wax badan ka ogyahay siyaasada Somaliland marxalada ay marayso, balse uu tilmaamay inaanu habdhaqankii hore ee Mucaaridku ku dhaliili jireen xukuumadiisii aanu isagu talaabadaasi oo kale aanu mari doonin, isla markaana uu si gaar ah Madaxweyne Siilaanyo ugu gudbin doono wixii talo iyo tusaale ah.
Daahir Riyaale ayaa intaa raaciyay in go’aanka ay isku raacaan aqalabiyada xisbiga Udub uu u hogaansami doono haddii looga soo jeediyo inuu xilka gudoomiyaha ka dago.
Gudoomiyaha Udub oo shalay shir jaraa’id ku qabtay gurigiisa magaalada Hargeysa oo sidii caadada u ahaan jirtay xiligii uu Madaxweynaha ahaa qaar ka mid ah Warbaahnta dalka oo Haatuf ka mid yahay u diiday in shirkaasi jaraa’id uu soo galo, kana hor joogsaday, ayaa sidoo kale ka hadlay xukunkii ay Maxkamada sare ka soo saartay dacwadii ku lidka ahayd ee gudoomiye ku xigeenkiisa Udub Axmed Yuusuf Yaasiin u gudbiyey Maxkamada sare.
Gudoomiye Rayaale oo ka hadlaya muddadii ka dambaysay xilligii uu jagada Madaxweynaha ku wareejiyay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo xaalada dalka ee wakhtigan xaadirka ayaa waxa uu yidhi “Kolba ninkii xilka haya ayuun bay masuuliyada dalku si gaar ah u saarantahay cidda kalena talo ayay ku leedahay, odaygaa Madaxweynaha ah (Axmed Siilaanyo) waanu is-aragnay aniguna waxaan jecelahay inaanan u dhaqmin sidii barigii mucaaridka laygu ahaa la iila dhaqmi jiray, balse waxaan qabaa inaan si ka duwan u dhaqmo ayaan jecelahay hadaan talo bixinayo isaga uun baan u sheegi doonaa, waxyaalo badana waan ogahay xilku culayskuu leeyahayna garanaya, oo dalka Madaxweyne ayaan ka soo ahaa, aniga taladaydu waxa weeyi wixii talo ah ee aan sax u arko inaan ku taageero, wixii qalad aan u arkana inaanan kala gabane aan ku idhaahdo waar arrinkaa ka baydh, balse aanan Media-ha u marinin”
Gudoomiayaha Udub Mr Daahir Rayaale oo la weydiiyay faraqa u dhexeeya dareenkiisa muddadii siddeeda sano ahayd ee uu xilka Madaxweynenimo hayay iyo muddadii xilka u wareejiyay ka dib, waxa uu yidhi “Waxaan aaminsanahay inshacbiga reer Somaliland ay yihiin shacbi wanaagsan, muddadii aan dalka soo hogaaminayayna aan si fiican usoo maamulay, xilkana si sharaf leh oo aan dalka qalalaase galin aan u wareejiyay waxaanan u arkaa in shacbiga kalsoonidaa weyn ee ay ii muujiyeen ay ii tahay nasiib wanaag”
Mar la weydiiyay inuu xilka hogaanka xisbiga Udub iska wareejin doono iyo in kale, waxa uu yidhi “Markastaba talada aqalabiyada xisbiga Udub ay isku raacdo ayaan aqbali doonaa”
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment