Gudoomiyaha Dalada Guud Mudane Zakarie H Waes
Waxa la ogaysiinayaa dhamaan jaaliyada Somaliland ee Sweden iyo Norden in uu inoo iman doono wafti uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wafdi uu hogaaminayo maalinta Axadda ee bishu tahay 10 Juun 2012.Wafdigu inta uu joogo halkan waxa uu la kulmi doonaa madax ka tirsan dawlada iyo baarlamaanka Sweden. Waxa kale oo wafdigu la kulmi doonaa jaaliyada Somaliland ee Sweden wakhtiga kulan ka jaaliyada dib ayaan idiinka soo sheegi doonaa hadii Ilaahay yidhaahdo.
Waxii faahfaahin ee intaa dheer kala Xidhiidha Masuuliyiintan
Wakiilka S/Land ee Sweden Marwo Rooda Jama
Qunsulka ahna Gudoomiya Ku xigeenka Dalada Guud Mudane Hussein Wadaadyare
Gudoomiyaha Dalada Guud Mudane Zakarie H Waes
Zakarie
No comments:
Post a Comment