Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in Madaxweyne Shartiif uu orodkii dheraa kadib sheegay in uu ka qayb gali karo oroadada caalamka haddii uu isku diyaariyo ...
Madaxweynaha Somalia oo dhowaan shirarkii caalamiga ahaa ee Istanbuul kaga soo qayb galay dalka Turkiga ayaa waxa uu socdaalkii ugu dambeeyey kusoo maray dalka Tanzania .
Magaalada Caruusha ee raaxada loo tago dalka Tansania ayaa intii uu Madaxweynne Shariif joogay waxa uu ku sameeyey orod dheer waxaa ku weheliyey Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise, Wasiirka Arrimaha Dibada oo dhmaantood garb ordaayay M/wayne Shriif
Waxaa la arkay Madaxweynaha oo xidhan dharka ciyaaraha caanka ku ah isagoo orod dheer ku sameeyey garoon ku yaalla magaalada Caruusha ee raaxada badan.
Madaxweynaha ayaa ordaayey muddo ka badan saacad waxaana uu ka yaabiyey madaxdii orodka daawanaysay ee meesha isugu timid.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in Madaxweyne Shartiif uu orodkii dheraa kadib sheegay in uu ka qayb gali karo oroadada caalamka haddii uu isku diyaariyo taasina waxay muujinaysaa in Madaxweyne Shariif uu horay usoo bartay orodka dheer.
Shariif Sheekh Axmed ayaa horay waxa uu caan ugu ahaa isla markaana u jeclaa sida loo sameeyo sawirada gacanta ee Kaartuuniska loo yaqaan, tani waa mid kale oo kamid noqotay xirfadaha uu sida gaarka ah u leeyahay Madaxweynahu.
No comments:
Post a Comment