TACSI: MARXUUM MUJ COL AXMED MAXAMED HALAC
Anigoo ku hadlaaya magaca Xafiiska La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha iyo Ganacsiga, waxaan tacsi u dirayaa bulshoweynta Somaliland GAAR AHAAN urarkii SNM iyo reer HALAC , ehelka, xigtada, xigaalka iyo asxaabta Marxuumka meel kasta ooy joogaanba.
Marxuumku waxuu ku geeriyooday dalka Sweden taar. 07/05/2012.
Marxuum Axmed waxuu ahaa nin taariikh weyn ku leh halgankii SNM iyo guud ahaan ciidanka boliska Somaliya iyo Somalilandba, isagoo hormood ka ahaa aasaaskii ururka SNM oo gurigiisa Muqdisho ka mid ahaa meelaha lagu shiro laguna aransado intaan ururka lagu dhawaaqin..
Waxaan marxuumka Alle uga baryayaa danbi dhaaf, naxariis iyo inuu ka yeelo kuwa dhaxla janatul Fardaws, ehel iyo asxaabna waafajiyo samir iyo duco. Aamiin.
1 comment:
Do you know where I could find info about his history in politics?
Post a Comment