07 May, 2012

Warsaxaafadeed Uu Cali Warancadde Caawa Soo Saaray

Warsaxaafadeed Uu Cali Warancadde Caawa Soo Saaray
Written by Cali Warancadde

JAMHUURIYADA SOMALILAND


WAR-SAXAAFADEED.
HARGEISA. 4.5,2012

YAA KA DAMBEEYA SHIRQOOLADA KA DHANKA
AH MADAXBANAANIDA SOMALILAND.


Waxaynu wada ogsoonahay in aynu 1960'kii aynu xoriyadeenii ku geynay koonfur bilaa shuruud, hase ahaatee qodobka kaliya ee aynu ku fara adaygnay wuxuu ahaa in aynu diidnay in aynu saxeexno distoorkii midnimada somaliland iyo somaliya ( act of union ), arrintaasi oo ka mid ah tiirarka sharciyeed ee ummadda somaliland ay u cuskaneyso la soo noqoshada xoriyadeeda ay ka madaxbanaan tahay somalia inteeda kale.

Waxaase ayaan darro ah in 50 sanno kadib horteena lagu farsameynayo Distoor been abuur ah oo lagu minja xaabinayo gooni isu taaga somaliland, waana talaabo khatar ah oo la doonayo in lagu horjoogsado Rabitaanka ummadda ee reer somaliland iyo xoriyadoodii ay xooga kula soo noqdeen 21 sanno ka hor, waxaana kamid mid khataraha ay arrintani dabada ku wadato:-

1. Mudadii ahayd 21'ka sanno ee aynu dib ula soo noqonay Xoriyadeena, waxay ku fashilmeen dadka ka soo horjeeda gooni isu taageena, in ay helaan qodob sharci ah oo ina qabta oo ay horgeeyaan caalamka si loo deedifeeyo sharciyada la soo noqoshada xoriyadda Somaliland.

2, Muddo dheer ka dib waxaa soo ifbaxaya in Somaliland lagu qanciyo in ay u doonato Somalia ama ka ansaxsato gooni isu taageeda ,

3, Sidoo kale waxaa soo ifbaxaya in loo farsameynayo Somalia Distoor lagu horjoogsado gooni isu taaga Somaliland oo ka dhigaya rabitaanka ummadda Somaliland mid mustaxiil ah.

4. Waxaa iyana muuqata in si khiyaamo ah loo dedejinayo ansixinta Distoorkaasi inta ka horeysa wada halkii caalamku ugu baaqay Somalia iyo Somaliland in ay kawada haldaan aayahooda, oo qodobkiisa sideedaad (article 8 ) ay ku cadahay in uu si toos ah u laalayo xaqa Somaliland u leedahay dib ula noqoshada xoriyadeeda si loo tuso caalamka inagu boorinayo in aynu wada hadal la galno Somalia , in Distoorka Somalia aanu ogolayn Gooni isu taaga Somaliland. Arrintaasi oo khatar weyn inagu keeni karto haddii aynu sidaa uga aamusnaano. Maadaama ay dabada ka riixayaan Distoorkan kuwii inoo gar qaadi lahaa inaga iyo somalia, oo ay ugu horeeyaan United Nations, oo uu wakiil uga yahay Ambassador Mahiiga,

Waxaa haboon in laga qaado talaabooyinka soo socda:-

A) Maadaama la ogsoon yahay cida u ololeynaysa in Somaliland laga helo Madaxdhaqameed iyo siyaasiyiin ka qayb gasha ansixinta Distoorka Somalia. ay ka mid yihiin Madaxda sarre ee QARAMADA MIDOOBAY IYO MADAXDA DOWLADDA KU MEEL GAADHKA AH EE SOMALIYA, In Dowladda Somaliland qaado talaabooyinka soo socda:-

> In si deg deg ah loogu yeedho cida u qaabilsan Qaramada Midoobay Somaliland iyo Somalia, si ay u cadeeyaan mowqifkooda ku aadan shirqoolka laga maleegayo Xamar.

> In Somaliland iyo Qaramada Midoobay isla meel dhigaan in aanu Distoorkaasi khuseyn Somaliland maadaama cid uga qayb gashay aanay jirin, qaybna ka noqon karrin wada hadalka Caalamku ku baaqay in uu dhex maro Somaliland iyo Somaliya,

> In haddii wakiilka Qaramada Midoobay garwaaqsan waayo arrintaasi , waxaa Somaliland la gudboon in ay dib uga noqoto dhamaan wixii wada hadal ah ee la filaayey in ay la gasho Somalia. iyo in laga mamnuuco wakiilka Qaramada Midoobay in uu soo galo Dalka Somaliland.

> In la ogaado in arrintani keeni karto dagaal horleh oo dhex dhasha Somalia iyo Somaliland oo khalkhal nabad galyo ku keeni karra Geeska Africa.

ALLAA MAHAD LEH

MUDANE, ALI MAHAMED WARANADE

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: