04 May, 2012

“Markuu Ragii Ka Baqday ayuu Aniga Si Shaqsiya Ii Weeraray Xasan Macalin.Waxay Soo Bandhigeena Dacwad ayaanu Ka qabnaa ” Foosiya X. Adan Gudoomiyaha NDB (Waraysi Gaar ah )

“Markuu Ragii Ka Baqday ayuu Aniga Si Shaqsiya Ii Weeraray Xasan Macalin.Waxay Soo Bandhigeena Dacwad ayaanu Ka qabnaa ” Foosiya X. Adan Gudoomiyaha NDB (Waraysi Gaar ah )
togherer


“Markuu Ragii Ka Baqday ayuu Aniga Si Shaqsiya Ii Weeraray Xasan Macalin.
Waxay Soo Bandhigeena Dacwad ayaanu Ka qabnaa ”

Gudoomiyaha Ururka NDB Waraysi Gaara.

Hargysa (Togaherer)Gudoomiyaha ururka NDB marwo Foosiya Yuusuf X.Aadan ayaa sheegtay inaanay ku qancin warbixin ay shalay soo bandhigeen Gudida Diiwaangalinta Ururada oo shalay shaaciyay ururada hadhay iyo goobahay ku dhaceen waxaanay sheegtay inaanay taasi ahayn mid ay qaadan karayaan waxaanay tidhi Marwo Foosiya oo arintaa ka hadlaysaa,



“Horta waxay yidhaahdeen sanaag iyo togdheer may keenin Kunkii qof ee madax taabashada ahaa taana waxaan leeyahay waxba kama jiraan oo natiijadii oo duuban ayaanu u haynaa warbaahintuna way joogtay oo way haysaa arintoodana waxaanu u aragnaa uun inay tahay mid ay xuquuqdayada ku duuudsiyayaan taasina suuroobi mayso waanan ka guulaysanaynaa”

Marwo Foosiya oo ka jawaabaysa su`aal ahayd imika waxa ay yeelayaan ayaa tidhi
“Anagoo Badan ayaanu maxkamada sare u gudbinaynaa dacwadayada imikana waabay dhantahay oo looyaradii ayaa gacanta ku haya wax aanu ka waabanaynana maaha”

Gudoomiye Foosiya oo ka hadlaysa weerar kaga yimi Afhayeenka Gudida Diiwaan galinta ayaa tidhi,
“Horta waxaa nasiib daro ah inuu Xasan Macalin aniga gaar si shaqsiya ii weeraro iyo waliba urur ahaanba markuu ragii ka baqday ayaanu aniga iyo ururkauga gaar ii weeraray taasina maaha mid aanu ka filaynay laakiin aniga guul ayay ii tahay inuu si shaqsiya ii ataagaa ”

Mar ay ka hadlaysay ururkeeda oo lagu eedeeyay inaanu lahayn Gole dhexe iyo Gudi fulineed waxay tidhi,

” Anagu waanu qabsanay shir waynahayagii saxaafaduna goob jooog ayay ka ahayd golahayagii dhexe iyo gudidii fulintana waanu dooranay waanan u gudbinay liiskooda markaa waxaanu u aragnaa waxan ay sheegayaan oo dhan inay tahay wax nalagu duudsiyaayo waana arinta aanu ka dacwoonayno si dhakhso ahna dacwadayada maxklamada sare ayaanu ugu gudbinaynaa”

Wargabadka Togaherer
Xafiiska Hargaysa Somaliland
Faysal Xiiis Weerer (Afgaab)



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: