04 May, 2012

Dhegaysiga Dacwadda Masuuliyiintii U Xidhnaa Raashin La Leexsaday Iyo Jawigii Maxkamadda Gobolka Hargeysa


Dhegaysiga Dacwadda Masuuliyiintii U Xidhnaa Raashin La Leexsaday Iyo Jawigii Maxkamadda Gobolka Hargeysa

saxafi 
Askari Bileys Oo Maxkamadda Horteeda Ka Qirtay Inuu Ka Qayb-Qaatay Boobka Raashinka Iyo Soo Jeedintii Xeer-Ilaalinta Ee Maxkamaddu Ka Diiday”
Hargeysa (Togaherer) – Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa shalay markii Afraad dhegaysatay dacwadda saddex masuul oo hore xukuumadda uga tirsanaa iyo dad kale oo lagu eedaynayo raashin mucaawimo ah oo la leexsaday, iyadoo fadhigii shalay lagu dhegaystay ugu yaraan toddoba Markhaati oo ay Xeer-ilaalintu Maxkamadda horkeentay.
Dacwaddan ay qaybta ka yihiin dadka la eedaynayo Badhasaabkii hore ee Hargeysa Axmed Cumar Cabdillaahi (Xamarji), Agaasimihii Guud ee Dib-u-dejinta Axmed Cilmi Barre iyo La-taliyihii Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cismaan Siciid Jaamac ayaa fadhigii shalay lagu dhegaysanayay waxaa ka qayb-galay dadweyne aad u farabadan, iyadoo sidii fadhiyadii hore ee lagu dhegaystay dacwadan si la mid ah ay Ciidamada Bileysku si xoog ah u ilaalinayeen isla markaana Saxaafadda noocyadeeda kala duwan laga mamnuucay inay xayndaabka Maxkamadda gobolka Hargeysa galaan.
Inkastoo Saxaafaddu dibadda ka ahayd fadhigii shalay lagu dhegaystay dacwaddan ee Maxkamadda gobolka Hargeysa, haddana sida ay u Saxafi u sheegeen dadkii ka qayb-galay dhegaystiga dacwadaas, waxay shalay Maxkamaddu dhegaysatay ugu yaraan toddoba Markhaati oo ay Xeer-ilaalintu horkeentay, kuwaas oo uu ka mid ahaa Taliye ku-xigeenka Ciidanka Bileyska Somaliland, Cabdiraxmaan Fooxle, kaas oo ahaa masuulkii labaad ee Badhasaabkii hore ee Hargeysa ku wehelinayey masuuliyadda soo qabashada raashinkaas oo uu Madaxweyne ku-xigeenku hore u sheegay inuu arrintaas u wada xilsaaray Badhasaabka Hargeysa iyo Taliye ku-xigeenka Bileyska oo xilligaas hayey ku-simaha Taliyaha Bileyska Somaliland.
Hase yeeshee sida ay sheegeen ka qayb-galayaashii fadhigii shalay ee dacwaddan lagu dhegaystay waxay xeer-ilaalintu soo jeedisay in Maxkamadda horteeda ay akhriyaan qoraal ay sheegeen in la qoray Darawalkii Taliye ku-xigeenka Bileyska, Faysal Koojaar, kaas oo isagu hore warbaahinta uga sheegay in culays lagu saaray inuu Markhaati been ku furo masuuliyiinta xidhan, abaalgudna loogu balan qaaday, laakiinse damiirkiisu aanu siinayn inuu waxaanu ogeyn ka markhaati furo.
Qareenada difaacaya eedaysanayaasha ayaa si adag uga horyimi soo-jeedinta Xeer-ilaalinta, isla markaana ku dooday in sharcigu aanu ogoleyn qof nool in qoraalkiisa la akhriyo isagoo la Maxkamadda la horkeeni karo, haddii ammaankiisa Maxkamaddu damaanad qaadana ay iyagu Maxkamadda horkeeni doonaan, taas oo ay Maxkamaddu ganafka ku dhufatay soo-jeedinta Xeerilaalinta.
Fadhigan shalay dacwaddan lagu dhegaystay oo bilaabmay Abaaro 8:00 Subaxnimo isla markaana lagu gaadhay 2-dii duhurnimo iyo dheeraad, ayay sidoo kale goob-joogayaashii dhegaysiga dacwadaas ka qayb-galay sheegeen in Askari Bileys oo ka mid ahaa Markhaatiyaashii fadhigaas shalay lagu dhegaystay uu qirtay inuu ka qayb-qaatay boobkii raashinkaas isla markaana uu qaatay raashin ka mid ahaa raashinkii la leexsaday ee ay dib loo soo qabsaday, taas oo fadhigii dacwadaas lagu dhegaysanayey ka dhex abuurtay buuq, kaas oo sida wararku sheegeen markii dambe xabsiga loo taxaabay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa, Cabdirashiid Duraan oo isagu ah garsooraha ugu sareeya ee dacwaddan ka gar-naqaya ayaa geba-gebadii fadhigii shalay waxa uu fadhiga kan ku xiga u muddeeyay in la dhegaysto Arbacada toddobaadka dambe, iyadoo ay ilaa hadda hadhsan yihiin laba markhaati oo ka mid ah markhaatiyaasha ay Xeer-ilaalintu ku soo qortay xaashida eedda saddexda masuul iyo dadka kale ee ku eedaysan inay ku lug lahaayeen raashinkan la leexsaday, iyadoo kadib la guda-geli doono difaaca eedaysanayaasha.
Geedi-socodka dacwaddan saddex masuul ku eedaysan yihiin, ayaa ah mid aad u xasaasi ah isla markaana dadweynaha iyo xukuumadda lafteedu aad ula socdaan, iyadoo uu jiro dareen ah in xukuumaddu dan gaar ah ka leedahay eedaynta loo jeediyay saddexdan masuul ee u xidhan raashinka la leexsaday, kuwaas oo xabsiga loo taxaabay iyagoo haya xilkii ay qaranka u hayeen, iyadoo markii xabsiga loo taxaabay ay soo baxday eed odhanaysa waxay leexsadeen raashin, hase yeeshee markii lagu soo eedeeyay eedaas mid ka duwan oo lagu tilmaamay masuuliyad-darro.
SAXAFI

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: