04 April, 2012

Qarax Ismiidaamin ah oo lala beegsaday Golaha Murtida iyo Madadaalada iyo Khasaare badan oo ka dhashay

Qarax Ismiidaamin ah oo lala beegsaday Golaha Murtida iyo Madadaalada iyo Khasaare badan oo ka dhashay

Arbaco, Abriil 04, 2012 (HOL) — Qarax ismiidaamin ah oo sababay dhimsho iyo dhaawaca fara badan ayaa ka dhacay goor dhaweyd golaha murtida iyo madadaaalada ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ka socotay munaasabad lagu xusayay sannadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii dib loo howlgeliyay telefishinka dowladda Soomaaliya.

Weerarkan ayaa la sheegay inay fulisay haweeney isku soo xirtay waxyaabaha qarxa, iyadoo goobta ay ku sugnaayeen mas'uuliyiin uu ka mid ahaa ra'iisul wasaaraha sidoo kale, waxaa goobta ku sugnaa wasirro, xildhibaanno iyo mas'uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu dhaawac kasoo gaaray qaraxa, inkastoo wararka qaarkoodna ay sheegayaan inuu badbaaday balse ma jiro war sugan oo arrintan ku saabsan.

"Qarax weyn ayaa goobta ka dhacay, waxaan arkay dad badan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo goobta daadsan," ayuu yiri mid ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa oo weli ku jira xarunta gudaheeda.

Gaadiidka gargaarka deg-degga ah oo dhaawacyo wada ayaa buuxiyay jidadka Muqdisho iyagoo qaylinaya, waxaana dhaawacyada ka dhigayaa isbitaallada Muqdisho.

Weerarkan oo aanay weli cidi sheegan ayaa wuxuu u muuqaal eg-yahay kuwo ay horay uga geysatay Al-shabaab magaalada Muqdisho, welina madaxda DKMG ah kama aysan hadlin weerarkan ismiidaaminta ah.


Kala soco wixii kusoo kordha wararkeenna dambe haddii Alle ogolaado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: