05 April, 2012

Khatarta Qarsoon ee ay leedahay Sunta dilaaga ah ee ka dhalata marka Hargaha la hoodhinayo ama la mid ah


Khatarta Qarsoon ee ay leedahay Sunta dilaaga ah ee ka dhalata marka Hargaha la hoodhinayo ama la mid ah
Written by A/rahman Fidhinle   
Apr 04, 2012 at 12:21 PM
Khatarta Qarsoon ee ay leedahay Sunta dilaaga ah ee ka dhalata marka Hargaha la hoodhinayo ama la midginayo.
 
Hayada Caalmiga ah ee loo yaqaano Hayada ilaalinta Degaanka ( Envirinmental Protection Agency) waxay ka dhawaajisey in Sumaha isu tegay ee loo yaqaanoChromium  taa soo sameysanta marka la hoodhinayo hargaha ay tahay sun dilaa ah oo wax yeeleysa dadka , duunyada iyo dhirtaba hadii aan si cilmiyaysan laysaga dar yeelin ama looga xakameyn Degaanka ( preventative measures)
 
Suntaa oo ay Sadexda Wershadood ee Hargaha  Somaliland ku sameeyaanba ay ku Daadiyeen Degaanka Dacar budhuq iyo degaanka Dara-ra Weyne.Waxaa la cadeeyey in ilaa iyo hada ay suntaasi dishey ilaa iyo 17 qof qaar badanina ay u ildaran yihiin suntaasi waxyeeladii ay gaadhsiisey dadka degaankaasiku nool.  waxa ay suntaasi saameysey dhamaan xoolihii degaanadaa ku noolaa, taas oo ay xoolo badani ku dhinteen qaar badanina ay dhiciyeen ama dhaleen ilmo aaney abidkood indhahooda ku arag sida uu ilaahay u abuuray.kadib markii  ay dadka deegaankaasi degani ay indhahooda ku arkeen sida ay suntaasi u saameysey dad iyo duunyaba waxay ku kaliftey in ay biyaha ay cabayaan ay ka soo dhaansadaan ilaa iyo magaalooyin ujira 60km,  Waxay Suntaasi qaadsiin kartaa bini’aadanka  xanuunda soo socda: Kansarka maqaarka ,kansarka dhiiga,kansarka sambabada,Leukemia,kelyo xanuun , indho xanuun, Allergies iyo marinka neefsashada oo ay ku dhacaan xanuuno badan oo kala duwan.
 
Suntaa waxay jidhka dadka u gashaa siyaabo kala duwan oo fudud sida: adiga oo neefsada hawada ay ku jirto, ama caba dareere ay suntu ku jirto, adiga oo taabta ama cuna cunto ay ku jirto.
 
waxaa kale oo isla suntani dhashaa sun kale oo layidhaa Arsenic suntani waa sunta lagu sumeeyo jiirka waana  sun dilaa ah oo sababta dhimasho hadii aan la iska basrinin. waxaana ay suntani dadka u keentaa Kansarka maqaara iyo kansarka sambabada.waxaa kale oo Sunta Hoodhinta hargaha ka dhalata sun iyada la yidhaahdo Cyadine oo iyaduna ah sun khatar ku ah dadka iyo duunyadaba hadii aan iyana la iska xakameyn oo aan la iska ilaalin.
 
Hadaba Hayada Caalamiga ah ee ilaalisa degaanka dabiiciga ah waxay dhawaan ka dhawaajisey in Shaqaalaha ka shaqeeya wershadaha midginta ama hoodhiya hargaha ay 50% qaadaan iyaga qudhoodu xanuunada aynu kor ku soo sheegnay. Taas oo keentey in dhamaan laga mamnuuco waqti hore in haba yaraa tee in laga dhiso wershado hargood wadamada Hore u marey sida Western Yurub iyo North America  waxaa kale oo ay hayadu soo saartey in wadamada aduunka sedexaad ee weli isticmaala Wershdaha hargaha la geliyo Liiska loo yaqaa. ( Dirty Thirty) hadii ay suntaa ka  illaalin waayaan dadka  iyo Duunyada  degaankaa degan  iyo shaqaala wershadahooda ka shaqeeya hadii aaney  la iman qorshe casriyeysan oo lagu xakameynayo Suntaa dilaaga ah.
 
 
 
Hadaba Sidee ayaa dadka Degaanka degani ay uga bad baadi karaa Suntaa dilaaga ah?
 
1)      Waxaa ay uga bad baadi karaa iyagaa oo ka fogaada aga- gaarkaa  Wershada ay  suntaa urteeda ka dareemayaan.
2)      Waa in ay ka fogaa daan aga-gaarka biyaha sumoobay. waa in ay ka fogaadaan agagaarka sunta lagu aaso.
3)      Waa in ka illaaliyaan in xoolahoodu cabaan biyaha Sumoobay ee u dhaw- dhaw meelaha Suntu gaadhey.
4)      Waa in ay ka ilaa liyaan xoolahoodu in ay daaqaan aragaarka wershda iyo meelaha sunta lagu aaso ama wershada agagaarkeedaba.
5)      Waa in ay xoolahooda ka ilaa liyaan biyaha ka soo rogmada meela suntaasi saameysey ama gaadhey.
     6-)  Waa in ay hadii ay weshada tegayaan weydiistaa Gas maska oo ay afka iyo sanka iskaga xidhaan si aaney suntaasi sanka uga gelin oo jidhkooda u gelin.
 
Sidee ayey Shaqaalaha Wershada Hoodhinta ama Midginta Harguhu uga bad baadayaaSunta la yidhaahdo  Chromium iyo sumaha kale ka sii dhasha sida Arsenic,cyanidepolchlorinated bibhenyls iyo qaar kale oo badan??
 
1Waa in ay xidhaan Gas mask si aaney u neefsanin oo sanka uga qaadan marka ay shaqada ku jiraan
2- Waa in xidhaan dhar adag iyo kabo adag oo ka illaaliya in aaney suntu jidhkooda taabanin.
3Waa in aaney cunto ku cunin agagaarka suntu ka dhaw dahay
4- Waa in ay si deg deg ah isaga meydhaan hadii ay jidhkooda taa bato Suntu iyaga oo isticmaalaya dawada la iskaga meydho iyo  saabuun.
5- Waa in ay si deg deg ula xidhiidhaan Dhakhtar hadii ay isku arkaan calaamo jidhkooda ku cusub sida sanka oo milila  oo hoosta ka gubta, maqaarka jidhka oo isna milila oo casaada iyo hadii ay isku arkaan kelyo xanuun iyo qufac fara badan.
 
                            Talo ku socota mulkiilayaasha Wershadaha Hargaha:
 
1)      -Waxaa mulkiilashaa looga fadhiyaa in ay Suntaa ay sababteeda leeyihiin ee dhimashada badan sababtey in ay dadka ,duunyada iyo degaankaba ka xaka meeyaan.
2)      -Waa in ay suntaa u sameeyaan meelo u gaar ah oo aan dadka iyo xooluhuba gaadhi akrin
3)      -Waa in ay wacyi geliyaan dadka deegaanka degan iyo Shaqaalahoodaba.
4)      -Waa in ay ku sameeyaan Caalmado sheegaya khatarta Sunta meelaha ay ku kaydiyaan ama ay ku aasayaan Suntaa dilaaga ah.
5)      Waa in sanadkiiba 4 jeer qiyaasaan khatarta Sunta inta ay waxyeelo degaanka gaadhsiisey si ay ula socdaan in khatartii saameynteedu Suntaasi yaraateyama  badatey.
6)      Waa in ay raadsadaan khabiiro kala taliya sidii suntaa loo xakameyn lahaa oo looga badbaadin lahaa Degaanka.
 
Talo ku socta Hayada Somaliland u qaabilsan Badbaadinta degaanka:( Wasaarada horumrinta reer miyiga iyo ilaalinta Degaanka)
 
1) Waxaa looga fadhiyaa wasaaradan in ay la timaado polisigii (policy) iyo habkii ( control system)  ay ku xakameyn laheyd Suntan sababtey dhimashada badan iyo  dhaawaca ay dad badani weli u jiifaan dhibaatadii ay suntaasi gaadhsiisey dhamaan dad iyo duunyaba.
2) Waxaa ay wasaaradaasi u baahantahay in ay talo iyo khubaro weydiisato Hayada  UNta u qaabilsan  xakameynta iyo maareynta Sumaha wax yeeleeya dadka,duunyada iyo degaanka Hayadaa oo loo soo gaabiyo UNEP ( United Nations Environmental Programmes) waxa ay hayadani ka caawindoontaa wasaarada afar (4) qodob oo kala ah 1- sidii cilmi baadhis loogu sameyn lahaa Sunta. 2- Sidii  Sunta loogu sameyn la haa Control system ama habkii loo kantarooli lahaa.3- Qalabkii lagu kantarooli lahaa. 4- Sidii dadkadegaanka  iyo shaqaalaha ka shaqeeya wershadaha loo wacyi gelin lahaa oo looga Badbaadin lahaa suntaa dilaaga ah.
 
 
Waa Billahi Towfiiq,
 
A/rahman Fidhinle
Intensive Education PA
United Kingdom
London
email: fidhinle@aol.com 

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: