27 April, 2012

Madax iyo Siyaasiyiin Mayal Adag oo ku Qulqulaya Burco iyo Xukuumada oo u Goobaysa Xubno Dhigooda ah

Madax iyo Siyaasiyiin Mayal Adag oo ku Qulqulaya Burco iyo Xukuumada oo u Goobaysa Xubno Dhigooda ah

Burco-Qaar ka mid ah hoggaamiye-yaasha Urur-Siyaasadeedyadii lagu reebay qiimeyntii hordhaca ahayd ee Guddiga Diiwaangelinta ayaa u baqoolay Magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco, iyadoo qaar kale la filayo inay Maanta ama Berri u kicitimaan dhinaca Magaalada Burco.

Masuuliyiinta kusii qulqulaysa Magaalada Burco oo socdaalkooda Xukuumaddu dareeno shaki leh ka bixisay, waxa ka mid ah Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedkii GURMAD Md. Nuur Faarax, oo sida Wararku tibaaxeen Shalay u baqoolay dhinaca Magaalada Burco iyo sidoo kale Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka UDHIS Muj. Ibraahin Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne) isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa la filayo inay Maanta u baxaan Caasimada labaad ee Somaliland, iyagoo kusii hakan doona Magaalooyinka Berbera iyo Sheekh,

Haddaba, inkastoo aanay jirin warar Madax-bannaan oo si cad daboolka uga qaadaya ujeeddada Safarka masuuliyiinta, hadana sida Wargeyska Yool ay u sheegeen qaar ka mid ah masuuliyiintaasi waxa muddada ay halkaa joogaan ay kulamo wadatashi ah la yeelan doonaan Masuuliyiinta ururadooda ee Goboladaa, kana wada hadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin go'aanka Ururadooda lagu reebay iyo wejiga kale ee ay gudbi doonaan.

Inkastoo kala fogaanshaha mawaaqifta labada labada hoggaamiye oo aad u kala fog dartood lagu wado in la tashiyadaa ka dib ay midkood kasoo bixi doonto go'aamo ad adag oo aan farxad gelin doonin Madaxweyne Siilaanyo Xukuumadiisa.

Geesta kale Xukuumadda ayaa geestooda ku hawlan kulamo ay ku naaqishayaan xubnahan kusii jeeda Magaalada Magaalada, waxa kaga iman kara iyo qaabka ugu haboon ee ay uga hortegi karaan. Waxana wararku intaa ku dareen in masuuliyiin Xukuumadda ka tirsani ay maalmaha fooda inagu soo haya u amba-bixi doonaan Magaalo madaxda Gobolka Togdheer, hase-ahaatee, ma cadda kuwa ay yihiin xubnaha loo xulay hawl-galka Burco.

Hoggaamiye-yaasha UDHIS iyo GURMAD oo ah Siyaasad ahaan xubnaha adag ee Xukuumadda isha ku hayso, ayaa mawqif adag iska taagay go'aankii Guddiga Diiwaangelintu ku reebeen labadooda Urur waxana labaduba Saxaafada ku baahiyeen hadalo ad adag oo ay ku muujiyeen dareenkooda ku aadan go'aanka iyo sidoo kale tallaabada dhinacooda ay kaga jawaab celinayaan, halka Xukuumaduna geesteeda xubnahan ugu goodiday inay tallaabo adag ka qaadi doonto iyaga iyo ciddii kale la timaada fal lid ku ah go'aankii Guddiga.

Guddiga Diiwaangelinta ilaa iyo hadda aan badka soo dhigin dallooyin cad oo tilmaamaya shaxda qiimeyntoodu salka ku haysay iyo sida Ururadu ugu kala horeeyeen cududada taageerayaashooda iyo Sifeyaasha ku aadan qaab-dhismeedka haykalkooda ururnimo. Arrintaas oo ahayd waxyaabihii ugu badnaa ee bulshadu ka filaysay Guddiga Diiwaangelinta.

Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda oo iyadu ahayd mid markeeda horeba u nugul dhaliilaha ay u soo jeediyaan Siyaasiyiinta Mucaaridku, ayaan la garan Karin tallaabada ay kaga jawaabi doonto dhawaaqa yimaada hoggaamiyeyaasha Sharci-darrada tirsanaya oo sidii ka muuqatay hadaladooda aan wax wanaagsan Xukuumadu afkooda ka filayn.


No comments: