27 April, 2012

Guuddomiyaha UCID Iyo Cabdillahi Koongo oo Kulan Fool-ka-Fool ah La Qaatay Sheekh Shariif

Guuddomiyaha UCID Iyo Cabdillahi Koongo oo Kulan Fool-ka-Fool ah La Qaatay Sheekh Shariif 

Abu Dubia(yool)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo weheliyaan xubno isugu jira Siyaasiyiin iyo Ganacsato Somaliland u dhashay ayaa Shalay Magaalada Abu Dubia ee dalka Imaaraadka Carabta kulan Saacado qaatay kula yeeshay Madaxweynaha Dawlada Ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya Md. Sh. Shariif Sh. Axmed.

Kulanka masuuliyiintan oo ka yimi dhinca Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sida Wargeyska Yool ay u sheegeen ilo ku dhaw-dhaw waxa labada dhinac kulankooda kaga wada hadleen Xubnaha ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland ee Sh. Shariif ku daray ergada wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya, arrintaasoo Sh. Shariif markii hore ku gacan saydhay, kuna adkeystay in haba-yaraatee aanu waxba ka bedeli doonin Guddigii uu magacaabay.

Guddoomiye Faysal oo xubnaha kulankaa ku weheliyey uu ka mid ahaa Cabdillaahi Koongo ayaa dhinacooda ku wargeliyey Sh. Shariif in aan waxba ka socon doonin wada hadalka isla markaana jawaab aanu mahadin ka siin doonaan, taasina sababtay in kulankii natiijo la’aan ku gebo-geboobo.

Hase-yeeshee, Madaxweynaha Dawladiisu kala qeybsan tahay ayaa waxa uu ka codsaday xubnaha inay isugu yimaadaan kulan danbe, kaasoo aakhirkii Sh.Shariif ogolaaday inuu dhinaciisa diyaar u yahay wax kasta oo Somaliland raali ku tahay, si aanu u burin wada hadalka labada dhinac, sidoo kalena waxa uu soo jeediyey in Wasiirkiisa Arrimaha Debada iyo Somaliland ay kulan danbe ka yeeshaan dhameystirka arrintan.

Geesta kale Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo kulankaa ka dib xidhiidh dhinaca Telefoonka ah lasoo sameeyey Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi, ayaa ku wargeliyey nuxurka kulankii dhex maray isaga Sh. Shariif.

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa inkastoo ay aqbashay wada Xaajood dhex mara Somaliland iyo Soomaaliya, hadana waxay shuruud ka dhigtay in ergada wada hadalada ee Dawlada KMG laga saaro Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

Yool

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: