27 April, 2012

Seemaal Oo Qarka U Saaran In Dagaal Ka Qarxo, Ciidan Beeleed Xoolo Dhacay Iyo Caaqil Hore Loogu Xidhay Falkii Seemaal Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Ka Seexatay Daminta Colaada

Seemaal Oo Qarka U Saaran In Dagaal Ka Qarxo, Ciidan Beeleed Xoolo Dhacay Iyo Caaqil Hore Loogu Xidhay Falkii Seemaal Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Ka Seexatay Daminta Colaada

“Shalay (Doraad) gacanta ayuunbaanay ka bixin 11 geela oo halaabay oo meesha Boodhka la yidhaa laga soo helay ayaa Dumarkii soo helay lagala hadhay”

Hargeysa (Caalami) - Caaqil Gaydh Cige Geele oo ka mid ah Cuqaasha Gobolka Gabiley kana mid ahaa Cuqaashii Xukuumadu u Xidhay soo Qabashada Danbiilayaashii Gaystay Dilkii Foosha Xumaa ee Ka dhacay Deegaanka Seemaal ayaa Xukuumada ku Dhaliilay ka Gaabisay Soo Afjarida Colaada ka Taagan Deegaanka Ceelbardaale iyo Dhacdadii Seemaal.
Caaqilkan oo Caalami uga waramay xaalada deegaanka Seemaal iyo dadkii rayidka ahaa ee xukuumaddu u xidhay falkii sanadkii hore ka dhacay deegaanka Seemaal, ayaa isaga oo ugu horeyn arimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Waatii la odhon jiray Waxbaa dhacay, Annagu waanu Garan waynay Waxaa wixii sameeyay (dhacdadii Seemaal), Raadad badan oo kuwii u e’g oo kalena waa la arkay, Aragtiyo badan ayaanu ka yeelanay Meesha, Nimankaa Beesha kale ayaa Qabtay, Waannu ugu Mahadnaqnay, Falal hore oo aanan gaysan ayaa kiiskooda lanagu Qaaday, ninku haddii uu Seddex sanadood qori haysto qorigu dhan walba wuu ula baydhaa dagaalkii badnaa ee socday uunba la yidhi Meeshu waa caynkaa, ee Arinkaygaya Waa la siyaasadeeyay, dawladuna way siyaasadaysay, dad ugaadhsanaya ayaa jiray oo Beelahayagu way siyaasadaysan yihiin, markay wax dhaceena dawladu Shaqadeedii sideedii umay Maamulin, lix nin baa meesha Hurday ayaa la ii sheegay, saddex way dhinteen Seddexna way noolaayeen, Nimankii si ay iskugu af noqdaan lama soo qaadin, Beesha waxba lagama soo qaadin, ujeedo gaar ah oo hagoogan oo Cid la doonayo ayuu ahaa Arinkaasi, Cuqaashii Xidhnayd baan ka mid ahaa, umaddii kalena waa tii ku Rogmatay ee Dhulka loo ekaysiiyay ee fulkaanuhu kaga qarxay meesha, wax aanay ogayn bay reerahayagu ku Dhinteen, cid baana nagu samaysay Arinkaasi, Ciddaana ma garanayno, cid dadnimada, diinta iyo Islaamnimada midna danaynaysay may ahayn”
Caaqil Gaydh Mar uu ka hadlayay Halka ay ku Dambeeyeen Dadkii wasiirka Arimaha Guduhu yeedhiyay Magacyadooda ee uu ku Eedeeyay Dadkaasi iyo Dadka illaa hadda u xidhan Dhacdadii Seemaal ee lagu Dilay Saddexda nin ayaa ku jawaabay “Arintaasi isaga ayaa la waydiin (Wasiir Duur) annaga Beeshayadu Culimo iyo Wax garadba waa tii la soo baadhay, Cid bay Faraqa Qabsatay Dawladu, Been badan oo loo yeedhinayayna meel ay martay garan Mayno cidda beenta sheegaysay ayay ahayd in ay Caddayso cidda wax dishay iyo sida wax loo dilayba, ninku (Wasiir Duur) waa kii iska Dhawaaqay, kiiskaasi waxa hadda u Xidhan Cawar Xareed, Daahir Aw Muxumed Cige (Daahir yare), Shucayb Ardaale iyo dhawr nin oo kale, kiis hore oo Wakhtigii dawladii Rayaale ahaa ayaa la yidhi Cawar Xareed ayaa lugaha loo qabtay, Cawar Xareedna Kiiskaa Shaqo kuma laha, dawladuna imika uma haysto, Dadkana Cadaalad baa Deeqdee in maxkamad La keeno Weeyi, haddii aan dadkii Maxkamad la gaynin Jeelkii Alambaqa la odhon jirey ee Itoobiya ayuunbuu waxani noqday, halkii lagu riday Wali lagalama hadlin, walina wax maxkamad ah lama gaynin Daahir yare oo Habeenkii Hargeysa u hoyday oo Gabad ah ilmaadeer yihiin Madaarka ka soo qaaday, wali wuu xidhanyahay”
Caaqilku waxa uu sheegay in ay Dhawr jeer Xukuumada kala hadleen arintaasi balse aan illaa hadda waxba laga soo qaadin Cabashadooda “Xukuumada Dhawr jeer ayaanu kala hadalnay, hub ka dhigis uun in lanagu samaynayay ayaan u Arkayaa annigu, Cawar Xareed waxa lagu haystaabaa la yidhi Waddada, isaguna ma Dafirsana, balse ninka Daahir yare Waxa lagu haysto Ma garanayno” ayuu yidhi Caaqil Gaydh, waxaanu intaa ku daray “Ciidan beeleed xagayaga ah oo Hubaysani ma jiro balse dhinaca kale Ciidanku hubkiisii wuu haystaa waanay fadhiyaa Xeryihii, Shalay gacanta ayuunbaanay ka bixin 11 geela oo halaabay oo meesha Boodhka la yidhaa laga soo helay ayaa Dumarkii soo helay lagala hadhay, walina sidii bay ku Maqan yihiin, Maalin dhawayna waxaa dhacday niman ayay naga qabteen oo inta ay garaaceen ka soo baxsaday, Ciidanka Beesha Dila Meesha milicle la yidhaa ilaa qardhaas wuu hubaysan yahay, annagu sidii heshiisku ahaa Ciidankiina meesha waanu ka qaadnay wax hub ah oo aanu haysanaana ma jirto”
Caaqilku waxa kale oo uu soo qaaday “Waxaanu Xukuumada ka Rajaynaynay in Sida meelaha Shaqaaqadu ka Dhaco markaaba loo xaliyo Arintayada loo galo, sida kalshaale oo kale xukuumadu laxaadka u saarto in ay halkana u gasho ayaanu doonaynay”ayuu yidhi isaga oo intaasi sii raaciyey “Ciidamada Askarta ah ee Saqda dhexe meesha laga qabtay waxaa la noo sheegay in jeelka la geeyay haddana la sii daayay, nimankaasi waa tii la yidhi aduunbaa lagu qabtay, Nimankaa Dareen wayn iyo Shaki baanu ka Qabnaa, maxkamadna lama gayn, habeen madawna waa la sii daayay, arinkaasi wixii ka jira ha baadho dawladu ayaanu ku baaqnay” waxaanu intaasi ku daray “Annaga Waxaa noo qorshaysan in aanu isku Nimaadno labadayada Beelood oo haddii Xukuumadu galaysona si wanaagsan udhamayso, dawladu wixii ay ka qabanayso dawlada ayay ku haboonayd in ay isku soo dhawayso oo ay dhamayso arinka”
Caaqil gaydh mar aanu wax ka waydiinay madax Dhaqameed ahaan haddii Xukuumadu ka Dhex baxdo Arinta Deegaankasi in Beeluhu Dhexdooda heshiin karaan, waxa uu yidhi “ waanu heshiin karnaa, oo qaab dhaqan baanu u gali karnaa,qoladaa abtiyaashayo telefoonkana waanu ka wada hadalnay in aanu galnona waanu Doonaynaa, haddii ay dawladu talaabo ka qaadaysona oo ay heshiis dhalinaysona ma diidanin,laakiin Dawladu had iyo jeer meeshan indhaha ayay ka qarsataa,wax ay ka Damacsantahayna Ma garanayno”
“Xukuumadu Dhawr jeer yay Warbaahinta ka Sheegtay arintii ceelbardaale Waanu soo Afjarnay, walina may dhamaan, Balana waanu lahayn, heshiiskana waanu wada galnay, wax aanu ka qaadanayna ma jiro, warbaahintana waxa ay ka sheegtay in ay dhamaysay,waananu ka sugaynaa haddii ay dhamaynayso, maanta roobkii baa da’ay oo waa la isku guuray, waxaanu leenahay dawladu ha dhamayso, Dawladu Cadaalada ha ka Shaqayso,Cidii Danbi lehna Danbigeeda ha lagu Qaado Cidii aan lahayna ha la sii daayo ayaanu leenahay”
Caaqil Gaydh waxa uu Baaq Nabadeed u diray beesha ka soo horjeeda ee ay Shaqaaqadu Dhex martay iyo Xukuumada oo usoo jeediyay in ay Nabad galyo ku guubaabiso dadka “ Waxaan ugu baaqayaa Dad waynaha Deegaanka ee aanu iska Soo horjeedno in ay nabadi naga Dhacdo in aanu annagu hadalno,in aanay wax danbe inaga Xumaan, wixii arin iyo lexejeclo aan isku haynana in aan innagu ka heshiino, Xukuumadana Waxaan leeyahay, waar dalka iyo dadka idinkaa ka masuul ah, waar ninkii cadhoonaya ama afta koorne laga soo weerarayaa, meeshayadaa inuu fal ka fuliyo oo ay bahalo galeen Noqotay, Dawladu si dhakhso ah Wax ha uga Qabato ayaan leeyahay,oo nabad galyo hanagu guubaabiso labadayada dhinacba ma kala fogine” ayuu yidhi Caaqilku

Source: Wargeyska Caalami



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: