29 April, 2012

Burco.Dad faro badan Oo Cabasho Ay Kaga Soo Horjeedaan Musuqmaasuq Ay Ku Kacday Hay’adda NRC La Hortagay Dawladda Hoose Ee Burco.


Burco.Dad faro badan Oo Cabasho Ay Kaga Soo Horjeedaan Musuqmaasuq Ay Ku Kacday Hay'adda NRC La Hortagay Dawladda Hoose Ee Burco.



Dadweyne aad u tiro badan oo ka soo horjeeda musuq-maasuq ay sheegeen in ay kula kacday Hay'adda NRC ayaa cabasho ay arintaasi ku diidanyihiin la hortagay xarunta Dawladda Hoose ee degmada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Cabashadan dadkan ayaa ka danbaysay ka dib markii ay sida ay sheegeen Hay'adda NRC raashin ay u qaybinaysay oo ay ugu talogaleen dadka danyarta ah ee reer Burco ay kula kaceen musuq-maasuq , isdaba marin iyo arimo kale .

Qaar ka mid ah dadkan danyarta ah oo warfidiyiinda faahfaahin ka siiyay cabashadooda shalayto iyagoo ku sugnaa xarunta Dawladda Hoose ee Burco ayaa masuuliyiinta gobolka Togdheer iyo ka degmadda Burco usoo jeediyay in ay cabashadooda iyo arimaha NRC hoos u eegaan .

Hadaanu nahay qaybo ka mid ah dadka danyarta ah eek u dhaqan magaalada Burco ,waxaanu ka cabanaynaa Hay'adda NRC oo kaadha-dh ay noo sameeyeen oo ay ugu talogaleen in ay nagu caawiyaan markii danbe musuq-maasuq iyo isdabo marin kula kacay isla markaana ka iibiyay dad lacago haysta oo gaar'ah " Sidaasi waxa tidhi Xaliimo Xasan oo dadkan ka mid ahayd.

" Siidaa awgeed waxaanu usoo jeedinaynaa masuuliyiinta Dawladda ee Burco in ay arintaasi wax ka qabtaan oo ay cabashadayada Il-gaar ah ku eegaan " Sidaasi ayay hadalkeeda marwadani ku soo xidhay .

Sidoo kale Oday Xasan Cali oo isna ka mid ahaa dadkii u hadlay danyartan oo sharaxaad ka bixiyay cabashadooda ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa .

" NRC cadaalad xumada ay nagula kacday iyo isdabamarinta marka laga tago xiitaa dadkii ku dhaqnaa xaafadaha magaalada ee wada noolaa ayay iska horkeentay oo ay isasa sudhay ,markaa arintani maaha mid aanu aqbalayno raashinkii ay danyarta ugu talogashayna waxay ka iibiyeen dad dhaqaale haysta oo way ka baayacmushtareeyeen, markaa waxaanu leenahay Dawladda Hoose iyo kuwa gobolkuba arinkaa foosha xun wax ha ka qabtaan ilayn iyagaa naga masuul ahe " Sidaasi ayuu Xasan hadalkiisa ku soo gunaanaday .

Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay xubno kale oo dadkan ka mid ahaa oo Hay'addan dhaleecayn u jeediyay ,waxaaney sheegeen Hay'addani in ay suuqa madaw la gashay caawimo ay u qorsheeyeen dad tiradoodu dhantahay 2000-Qoys oo ay deeq-bixiyayaal kale oo caalamiyi usoo wakiisheen .

Geesta kale madaxda gobolka Togdheer u qaabilsan Hay'adda NRC oo aanu la kulanay si aanu arimahan lagu eedaynaayo faah-faahin dheeriya uga helo ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan .

Masuuliyiinta gobolka Togdheer iyo ka golaha deegaanka ee uu hormuudka u yahay badhasaabka cusub ee gobolka Cabdoo Aayar oo mudadii uu joogay hawlo badan qabtay ayaa hore u balanqaaday in ay talaabo cad ka qaadayaan cid-kastoo Lunsata ama Musuq-maasuqda caawimooyinka lagu taakulaynaayo dadka soo barakacay iyo kuwa saboolka ah .



No comments: