29 April, 2012

SOMALILAND: Xildhibaan Lagu Xidhiidhin jiray Kooxaha Xagjirka ah oo Ka warbixiyay Safar uu Xamar ku Tegey & Eedo Amni Darro oo loo Jeediyay. DHEGEYSO


SOMALILAND: Xildhibaan Lagu Xidhiidhin jiray Kooxaha Xagjirka ah oo Ka warbixiyay Safar uu Xamar ku Tegey & Eedo Amni Darro oo loo Jeediyay. DHEGEYSO

Written by: Xasan Keefkeef
Published: 22/04/2012 @22:51     
Maanta Umadda Soomaaliyeed Qofkii Qof la Colloobaa Wuxuu ku yidhaahdaa Alqaacida & Alshabaab buu ku Biiray, Dawladda Somaliland lafteeda waxa lagu yidhaahdaa Alqaacida iyo Alshabaab bay kamid tahay….Xamar waxaan tegey Bishii 6aad 29-keedii”-Xil. Maxamed Axmed Dhakool oo Ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland.  
 
Hargeysa(Togaherer)-Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee ka soo baxay Gobolka Sool ayaa dalka ku soo laabtay kadib markii uu Muddo dhowr sanno ah dibada ku Maqnaa.
Mr dhakool oo si qarsoodi ah dalka uga baxay isla markaana lagu war helay isaga oo wadamada bariga Afrika gaar ahaan Uganda ku Sugan waxaana Socdaalkiisa wakhtigaas lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay qaraxyo soo noqnoqday oo marar kala duwan ka dhacay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka sool, Halkaas oo ay ku nafwaayeen dad ay kamid yihiin taliyihii Qaybta 12aad ee Ciidamada Qaranka ee Jiida Hore Marxuum Cismaan-Afdhilo.
Haddaba Telefishanka Horn Cable oo Xildhibaanka wax ka weydiiyay Halkii uu Mudadaas ku Maqnaa iyo Waxa ka jira Eedaha loo jeediyay ee la xidhiidha Qaraxyadaas ayaa waxa uu iska difaacay inuu wax xidhiidh ah la leeyahay Kooxaha Xag jirka ah ee Alshabaab iyo Alqaacida kuwaas oo uu ku Sifeeyay Bartilmaameed ay Bulshadu wakhtigan isku eedayso.
 
Mr. Dhakool ugu Horeyn waa kan isaga oo sharraxaya Wadamaddii uu Socdaalka ku maray oo dhamaantooda Bariga iyo Galbeedka…Adigu aagaas baan joogay muddo”. Sidaa ayuu yidhi xildhibaan Dhakool, Sharraxaadiisa wuu sii watay oo waxa uu sheegay in Markii dambe uu Safar ku tegey magaalada Muqdisho ee Xarunta Wadanka Soomaaliya “Xamar waxaan tegey Bishii Lixaad (Kal Hore0 29-keedii”.
Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool Waxa la weydiiyay Suaal Nuxurkeedu ahaa eedo la xidhiidha Qaraxyadii Laascaanood oo isaga loo soo jeediyay waanu iska difaacay “Anigu intii Laascaanood wax ka Dhacdhacayeen Mabaan Joogin oo Hargeysa ayaan Joogay laakiin haddii aan ka dambeeyay dee dadkii aan soo diray Hala soo qabto oo Maxakamadda Hala Keeno oo Halagu Cadeeyo”. Sidaa ayuu Yidhi waxaana intaa uu ku daray isaga oo ka jawaabaya in Muddadii uu Xildhibaanka ahaa uu isku xidhyo badan Sameeyay oo Fududaynaya in Kooxaha Xagjirka ahi Falal Amni darro dalka ka sameeyaan waxaanu yidhi “Arrimahaas waxba kama Jiraan oo Maanta Mujtamaca Soomaaliyeed Meel kastaba ha joogaane Qofkii Qof la colloobaa waxa uu ku yidhaahdaa Alqaacida iyo Alshabaab buu kamid yahay, dawladda Somalilandba waxa lagu yidhaahdaa Alqaacida iyo Alshabaab bay kamid tahay”.ayuu yidhi Mr. Dhakool.
Warqabadka Togaherer
Hargeysa, Somaliland


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: