Sharciga waxa uga Mas’uul ah Dawladda, Hay’adda ugu sarreysa dhinaca Sharciguna waa Maxkamada
Gabiley(GNS)-Ciidamada Booliiska Gabiley ayaa markii labaad Xabsiga u taxaabay Mu’waadin Reer Gabiley ah oo lagu eedeeyey in Wiil uu Adeer u yahay ku Aroostay Duleedka Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley. Mu’waadinkan xabsiga loo taxaabay oo lagu magacaabo Sheekh Muxumed Axmed Diiriye ayaa la sheegay in Xadhigiisani la xidhiidho Dacwad ay ka gudbiyeen dabayaaqadii Todobaadkii hore Guddida Wanaag farista iyo Xumaan reebistu, kaasi oo ay ku dacweeyeen in Wiil uu Adeer u yahay uu ku caroostay Duleedka Koonfureed ee Magaalada, Isla markaana Xafladii Carooskiisu ahayd mid sidii Awal horeba loo caroosan jiray, Taasoo uu ku mutaystay in Xabsiga loogu taxaabo maadaama uu Mas’uul ka yahay Wiilka caroostay.
Warku waxa uu intaa ku darayaa in Saraakiisha Booliiska iyo Guddida Wanaag faristu oo dacwaynayay Odaygani ay maalintii Sabtidii ee bilowgii todobaadkan hor-geeyeen Maxkamada Gobolka Gabiley. Haseyeeshee ay Maxkamadu ooda ka qaaday ka dib markii ay ku wayday Sharci uu ku mutaysto Ciqaab Maxkamadeed.
Taliyaha Qaybta ee Gobolka ayaa la sheegay in uu mar labaad isla Galinkii hore ee Shalay uu amar ku siiyey Taliyaha Saldhiga dhexe ee Magaalada in la soo qabto Odaygii, kaasi(amarka) oo sida ay noo xaqiijiyeen Illo Xog-Ogaal ahi ay sheegayaan in Amarku ka soo fulay Guddida Wanaag Farista. Oo ilaa xalay saqdii dhexe uu ku jiro Saldhiga dhexe ee Magaalada.
Mar aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino Taliyaha Qaybta Booliiska iyo Taliyaha Saldhigaba waa ay noo suurtoobi wayday ka dib markii ay qaban waayeen Telifannadoodii gacanta.
Dhallinyaro ka tirsan Dadka ku dhaqan Magaalada oo si wayn uga biyo-diiday dhacdadan Xabsiga loogu taxaabay Odaygan oo sida ay sheegeen ka soo jeeda Beelaha yar yare e ku dhaqan Deegaanka Gabiley ee loo yaqaan Akishada ayaa sheegay in Sharcigu qabanayo oo kaliya Dadka jilicdasan iyo dadka laga tirade badan yahay “Arrintu ma waxa weeyi Miskiin ayaa Misko La fuulo leh, Shaciguna ma waxa uu qabanayaa oo kaliya Dadka jilicda san iyo Dadka ka soo jeeda Qabiilooyinka laga tirade badan yahay, Aqlabiyada Qabiilooyinka Degan Gobolkan Gabiley Habeen iyo Maalinba way Caroostaan maxaa Iyaga loo soo qaban waayey, ee Odaygan Akisho ka iftiimay”. Sidaa waxa yidhi Axmed Maxamed Bookh oo ka tirsan Dhallin yaradii sida wayn uga biyo diiday Sharci sooca lagula kacay Odaygani.
“Sharciga waxa uga Mas’uul ah Dawladda, Hay’adda ugu sarreysa dhinaca Sharciguna waa Maxkamada, Hadii Sharcigii ka soo baxay Maxkamadu socon waayo, socon mayso Sharciga Taliyuhu ku fadhiyo Kursiga iyo Awooda uu wax ku soo qabanayaa”. Sidaana waxa yidhi Oday Maxamed Caydiid Cumar oo ka tirsan Nabadoonada Gobolka Gabiley.
Caydaruus Axmed Ismaaciil (Qadiye)
Gabileynews Gabiley Office
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment