30 January, 2012

War Deg Deg ah: Diyaarad Nooca Dagaalka Ah Oo Soo Fadhiistey Magaaladda Hargeysa Illaa Xalayna Dul Wereegaysay Tuulooyinka Hoos Yimaadda Caasimadda Somaliland


War Deg Deg ah: Diyaarad Nooca Dagaalka Ah Oo Soo Fadhiistey Magaaladda Hargeysa Illaa Xalayna Dul Wereegaysay Tuulooyinka Hoos Yimaadda Caasimadda Somaliland

Balse warar u dhuun daloola Madaarka ayaa sheegaya in ay diyaaraddani Xalay dul heeheebaysay gabi ahaanba Magaaladda Hargeysa, waxana ay wararku intaas ku darayaan....


Hargeysa (GNS)-Diyaaradda nooca Dagaalka ah ayaa Goor dhoweyd ka kacaday Madaarka Magaaladda Hargeysa, ka dib markii ay fadhidey muddo aad u yar.





Diyaaraddan oo nooceedu ahaa kuwa Dagaalka ayan la garanyan sababta keentay in ay Wakhtigan soo Cago dhigato Madaarka Magaaladda Hargeysa ee Egal International Airport ee Magaaladda Hargeysa.





Balse warar u dhuun daloola Madaarka ayaa sheegaya in ay diyaaraddani Xalay dul heeheebaysay gabi ahaanba Magaaladda Hargeysa, waxana ay wararku intaas ku darayaan in Habeenkii Xalay ahaa ay Diyaaraddani Fadhiistay Tuuladda Yarr ee loo yaqaan Sharma-arke, taas oo Magaaladda Hargeysa kaga began dhanka Koonfureed.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in ay diyaaraddani xalay shideysay Laydh aad u badan isla markaana ay muddo kooban fahdidey Tuuladaas, Dadka degan tuuladda Sharma-arke ayaa sheegay in ay cabasho xoogan ka muujinayaan, isla mar ahaantaasna ay baqdin galisay diyaaraddani.

Dhanka kale qof ka mid ah shaqaalaha Madaarka Hargeysa oo ka gaabsadey in la shaaciyo Magaciisa ayaa sheegay in uu Saaka arkey Diyaaraddan Dagaalka oo ka kacdey Madaarka, waxana uu tilmaamay in ay Diyaaraddani ahayd nooca ailcopter , waxana uu tilmaamay in ay Diyaaraddu Xalay u hoyotay Madaarka madaama ay saaka ka Jarmaadey Garoonka Diyaaraddaha ee Magaaladda Hargeysa.

Lama ogaa illaa wakhtigan sababaha Diyaaraddan, Xaga Xukuumadda Somaliland ma jirto cid ka hadashey.
ixii ka soo kordha kala soco shabakadda Gabiley news oo mar kasta idiinla diyaar ah Warar hufan, kuna salaysan xaqiiq isla markaana ah deg deg.


Gabiley news desk


contactgabiley@yahoo.com

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: