30 January, 2012

Wax garadka Deegaanka Saylac iyo Shaqaalaha Shirkada Somcable Oo Qarka U Saaran In Ay Faraha Iskula Tagaan ka Dib markii waxba lagaga Dari waayay Shaqada Dadka Deegaanka.



Wax garadka Deegaanka Saylac iyo Shaqaalaha Shirkada Somcable Oo Qarka U Saaran In Ay Faraha Iskula Tagaan ka Dib markii waxba lagaga Dari waayay Shaqada Dadka Deegaanka.

"Wax hadda is hor fadhiya oo walaahay ah laba Ciidan kuwaas oo kalla ah kuwa Milatariga Somaliland iyo kuwo dhalinyarro ah, " Xuseen cali ducaale

Saylac (GNS)- Xubno ka mid ah Cuqaasha, Salaadiinta, waxgaradka iyo dhalinyaradda Deegaanka Saylac ayaa si weyn uga soo horjeestay Xadhiga Isgaadhsiinta Cable ka Badda hoosteedda Maraya ee Shirka Somcable, kaas oo wakhtigan soo gaadhay Magaaladda Saylac.

Masuuliyiintan ayaa sheegay in ay diidan yihiin isla markaana ka soo horjeedaan sidda ay wax u socddaan, sidaasna waxa ay ku sheegeen mar ay manta Xubno ka mid ah Caaqiladda Reer Saylac la soo xidhiidheen Shabakadda Gabiley News, gaar ahaan Xafiiskeedda Magaaladda Hargeysa.


Shabakadda Wararka ee Gabiley news oo weydiisay wax ay ku diidan yihiin Cable ka ayaa waxa ay sheegeen in sababta ay u diidan yihiin ay tahay Shaqaalaha kala duwan ee ka shaqaynaya oo laga soo qortey degmooyin kale iyga oo aan wax tallo ah laga weydiin " Adeer anagu dooni mayno inaanu wax yeeleeno dalka isla markaana diidno horumarka balse wax aanu diidanahay wax weeye shaqaalaha ka shaqynay iyo baabuurtaba wax laga keenay Gobolo kale Sidda Togdheer, Awdal iyo Hargeysa, sharciyana sidaasi ma wanaagsanaa" sidaas waxa yidhi Xuseen cali ducaale, oo ka mid ahaan jirey golaha guurtidda Somaliland.


Xildhibaanku waxa uu sheegay in wakhtigan lays horfdhiyo isla markaana ay goobta ku sugan yihiin Ciidamdda Milatariga Somaliland iyo Dhalinyaro Asal ahaaan ka soo jeedda Deegaanka "Wax hadda is hor fadhiya oo walaahay ah laba Ciidan kuwaas oo kalla ah kuwa Milatariga Somaliland iyo kuwo dhalinyarro ah, balse dooni mayno inaanu dalka khalkhal ku abuurno ee wax aanu jecelanahay oo aanu wadnaa in aanu dajino, danbiga halkaas ka dhashana wax ka masuul ah Badhsaabka gobolka"Ayuu yidhi Xuseen cali ducaale

Caaqil Maxamed Ibraahim oo isna khadka Telifoonka aanu kula xidhiidhnay isaga oo ku sugan Magaaladda Salylac ayaa noo xaqiijiyay in ay arintani jirto waxana uu sheegay in uu hadda ku sugan yahay halka ay dhibtu ka taagan tahay "Wax aan hadda ku suganahay halka uu murankani ka jirri, waxana dhibtan iyo hawshan ka masuul ah Badhsaabka Gobolka, waayo wax waajib ah in ay dhalinyaraddu shaqayso madaama ay iyagu xaq u lee yihiin in ay deegaankoodda ka xoogsadeen, runtii ma jeclin mana doonayno in Magaaladda Saylac ay dhib ka timaado, waxana aanu ognahay in amaan darro hadda ka taagan tahay Goboladda Bari, balse waxana aanu doonaynaa inaanu garab istaago Ciidamaddayadda Qaranka, laakiin wax jirra dhibaato ay sameeyeen Shirkadda Cable ka iyo Badhsaabka Gobolku, hadaan arintan wax laga qabana wax ka masuul ah Badhsaabka iyo Xukuumadiisa" ayuu yidhi Caaqil Maxamed Ibraahim.


Sidoo kale waxa uu Caqqil ku sheegay in ay goobtaas ku sugan yihiin Caaqilo iyo Madax dhaqameedyo kala duwan si ay arintan u dajiyaan, waxana ka mid ahaa Cuqaasha Goobtaas ku sugan caaqil xasan muuse indh dareele. Caaqil Cali c/laahi Hubsaamiye, Xubno kale.

Wariye: Cali-Mahdi Cismaan Axmed

Gabiley News Reporter

Hargeisa/Somaliland

contactgabiley@yahoo.com

No comments: