Xulka Kubada Cagta Maroodi-Jeex Oo Sheegay In Duruufo Dhaqaale Ay Ku Haystaan Burco
Hargeysa, December 11, 2011 (Haatuf) – Xulka kubadda cagta ee Gobolka Maroodi Jeex ee Magaaladda Burco kaga qaybgalay Tartanka koobka goboladda Somaliland ayaa sheegay inay la soo daristay Duruuf dhaqaale xumo iyo niyad jab wayn, kuwaas oo ka dayriyey guud ahaanba xaaladooda nololeed.
Kabtanka xulka gobolka Maroodi Jeex C/fataax Cismaan Xuseen (Shanbadhiidho) oo Haatuf xalay khadka tilifoon kula soo xidhiidhay ayaa tilmaamay inay la soo daristay Ciyaartayga Caasimadda xaalad adag oo ku wajahan daryeel la'aan iyo dayac ay ka tirsanayaan Maamulka Gobolka iyo Maayarka Caasimadda Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, kuwaas oo uu ku eedeeyey inay hagradeen, isla markaana aan Ciyaartoyga loo waayin dhaqaale lagu daryeelo intay Burco ku sugan yihiin.
C/Fataax Shanbadhiidho ayaa ka dhawaajiyey inay maalintii saddexdooda wakhtig u qaataan Qadar lacageed oo dhan midkiiba $6, taas oo ah lacag Wasaaradda Ciyaaruhu u qoondaysay dhamaan Ciyaatoyga ka qaybgalaya Ciyaarahaas, marmarka qaarkoodna ay soo gaadhaan Saddex Doolar oo kaliya.
Dhinaca kale Xulka gobolka Maroodi Jeex ee xaaladdan adagi la soo daristay ayaa waxa ay maanta Ciyaar adag iskaga hor imanayaan xulka Sanaag, kuwaas oo rajada ugu badan ee ciyaartaas iyagu iska leh, isla markaana ku soo baxa badis iyo barbaro-ba. Ugu horayn Kabtan C/fataax Cismaan oo duruufaha la soo darsay ka warbixinayaa, waxa uu yidhi "Ilaa maanta ilaa maalintii aanu nimid Burco waxa uu Maayarka Caasimadu noo samaynayey balanqaad aanay waxba ka fulin, markaanu eegno dayaca iyo duruufaha haysta ciyaartoygii Caasimadda waxaaban is nidhaahdaa malaha kamaba soo jeedaan gobolka aad u ciyaaraysaan ilayn waa kuwan Madaxdiinii na hagrataye".
C/fataax isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya qadarka lacageed ee qaataan maalintii, waxa uu yidhi "Ciyaartoygaygu waxa ay qaataan oo ay saddexda wakhti u qaataan $6 doolar Ciyaartoygiiba oo waliba intii yarayd ee Wasaarada Ciyaaruhu ugu talo gashay ah, taas oo marmarka qaarna aanu waynaba oo doraad oo kale qofkiiba saddex Doolar ayaa loo soo diray. Duruufaha qalafsan ee dul hoganaya ciyaartayga Gobolka Hargeysa waxa masuul ka ah Maayar Jiciir, sababta oo ah waxaanu aragnaa Maayaridii gobolada oo dhamaantood Ciyaartoygoodii wax walba la barbar taagan, hadii Maayar Jiciir la waydiiyo oo la yidhaahdo balanqaadkii aad ciyaartoyga u samsay keen waxa uu cid walba ku odhanayaa cid ayaa inoo dhaxaysee kuwaas la xidhiidh".
Mar wax laga waydiiyey Kabtan waxa ay Maamulka gobolku arintan iskaga indho tirayaan, waxa uu yidhi "Macalimiinta gobolkuna way dulman yihiin oo waxay yidhaahdaan uun way iska hagaagi gala ciyaarta, maamulka gobolkuna afka ayuun bay noo macaaneeyaane xaqooda way soo dhacsadaan. Niyad jabka ku dhacay ciyaartoyga Hargeysa waxaaban garan laayahay sida ay u ciyaari doonaan ciyaarta baritoole ee aanu la ciyaarayno xulka gobolka Sanaag, sababta oo ah cid anaga naga awood badan iyada oo aanay jirin ayey hadana niyad jabka nagu dhacay na saamayn kartaa, ciyaarta barina guul ayaanu rajaynaynaa oo xataa barbar dhaca waanu ku soo baxaynaa".
C/fataax Shanbadhiidhe isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya Dirays la'aan iyo dayac haysta Ciyaartoyga Caasimada, waxa uu yidhi "Mida kale ee aanu gobolada kale kaga liidanaa waa Dirayska lagu ciyaaro oo aanu haysano hal dirays oo kaliya oo aanu Caasimada kala nimid, waxaanan la yaabahay waxa ay Maamulka gobolka Maroodi Jeex noo waayeen ee goboladii yaryaraa siiyey mid walba afar dirays, run ahaantii waa Fadeexad lala rabo ayaan u malaynayaa Caasimadda dalka".
Dhinaca kale mar aanu isku daynay inaanu Cabashaddan wax ka waydiino Maamulka dawladda hoose ayaanay noo suurto galin, ka dib markii aanu Khadka tilifoonka ku waynay.

No comments:
Post a Comment