11 December, 2011

Faysal Cali Waraabe Oo Wasaaradaha Xukuumada Ku Tilmaamay NGO-yo Kala Socda, Sheegayna In Madaxweyne Siilaanyo Hurdo Ku Jiro Xili Xaalada Dalku Bari Iyo Galbeed Meel Xun Marayso

Faysal Cali Waraabe Oo Wasaaradaha Xukuumada Ku Tilmaamay NGO-yo Kala Socda, Sheegayna In Madaxweyne Siilaanyo Hurdo Ku Jiro Xili Xaalada Dalku Bari Iyo Galbeed Meel Xun Marayso

"Foodkii Burco Iyo Ceerigaabo Meelaha Aan Ugu Hooseeyey Ayay Noqdeen, Qabiil Wax Kuu Siin Maayaan, Daacad Kuu Siin Maayaan Ee Baabacadaa Ku Soo Rid Ayay Ku Odhanayaan, Intay Baabacadaasi Jirtana….." Gudd/ UCID

Hargeysa, December 11, 2011 (Haatuf) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa Wasaaradaha Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku tilmaamay NGO-yo kala socda oo mid waliba iskeed u Madaxbanaan, isla markaana aan talo midaysan ku wada socon, waxaanu intaasi ku daray in Madaxweyne Siilaanyo hurdo ku jiro xili dalkii soo ururay oo Bari iyo Galbeed ay ka jiraan xiisado siyaasadeed.

Faysal Cali Waraabe ayaa waxa kale oo uu ka hadlay ururada wakhtigan xaadirka ah dalka lagaga dhawaaqayo, kuwaas oo sheegay inay u wada ordayaan Madaxweynenimo, balse aan la is waydiin xaaladaha uu dalku marayo, isagoo tilmaamay in Bariga Sanaag ay ku sugan yihiin calooshood u shaqaystayaal Macdano ka baadhaya deegaankaasi, halka Buhoodlana ay la haysato Soomaaliweyn oo calankaasi ka babanayo.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa sidaasi ka sheegay munaasibad shalay lagaga dhawaaqayey Urur Siyaasadeed Cusub magaalada Hargeysa, waxaanu ku dheeraaday khibradii iyo waayo aragnimadii uu ka korodhsaday muddooyinkii uu ku jiray ololihii doorashada Madaxtinimada ee uu labada jeer ku dhacay, ayaa waxa uu sheegay in uu Burco u tagay xiliyadaa inuu codad ka helo, balse uu ku hungoobay markii ay Burco ku noqotay Hunguri Raac.

 "Madaxweyne Ayaa la doonayaa, waar maanta ma la is weydiiyey halka uu dalkeenu marayo, Dalkeenii wuu soo ururay, barri hadaad aragtid Sanaag bari maanta Australian iyo shayaadiin Calooshood u shaqaystayaal ah ayaa loo qortay oo macdano laga qodanayaa, waxa la keenay xuduudeenii, Ceerigaabo ayay timid oo waatii maalintii dhaweyd kala goday, Taleex habeen dhaweynto waad daawanayseen, ciidamaa lagu tababaray oo macal Hablo wata oo gaardiyaya oo kuweena kaba xoog waaweyn, waxaad arkaysaa bahashan Buhoodle la yidhaa Xamar bay la haysataaa oo calankii Soomaaliweyn baa ka babanaya, Boorama waad aragteen waxa ka taagan, waxa jira nin la yidhaa Xasan Geerash oo ciidamo wata oo Ceel-afweyn ilaa inta u dhaxaysa Xudun ka ugaadhsada oo baabuurteena Adhiga gurta Cashuurta ka qaata ciidamo wata oo reer Laascaanood ah oo isna hogaamiye kooxeed soo soo baxay, bal horta maanta dalkan aynu u tartanee in lagu daro in sidii dalka loo badbaadin lahaa meesha saw kuma jirto, waxa weeyi dalkii maanta meel xun buu marayaa, siyaasad midaysan ma leh, hadaad aragto wasaaradaheena waa NGO-yo, mid mid la socotaa ma jirto mid waliba gaar bay u madax banaan tahay, talo midaysan ma laha.

Waxa weeyi dhulkan aad leedihiin shaqaaqaa dhacdaye Suldaanow orod, dab damis inaynu noqono maaha, dawladeenuna inay Dab Damis noqoto maaha, dhulkan waxa dilaya waxa weeyi maamul la'aan baa dilaysa, meel aan dawladdi joogin wax kasta ayaa ka dhici kara, waa maamulka in la faafiyaa weeyaan oo xuduudaheenii doonay in la ina citiraafo wadan boqlkiiba 25 laga haysto cidina ina ictiraafi mayso, been ha isugu sheegin, way inala joogaan gaaladan aan leenahay ina ictiraafa taagteen way ina ogyihiin, hadii aynaan shirkaa August inta ay Somalia qabsanayso dawladd ku meelgaadh ah aan la samaynayn tu rasmiya la samaynayo intaa horteed hadii aynaaan talo la iman maalin dambe ayaynu fahmi doonaa.

Xaaji Axmed Siilaanyo ha la toosi oo wadankii wuu sii socdaaye adeer heedhe, wadankii heedhe, may ahayn Riyaale Siilaanyo ku bedel may ahayne, waxa ay ahayd isbedel iyo tayo in la sameey wadankii ha loo gurmado, igana maaha mucaaridad maaha ee waa iga lexejeclo".  Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa mar uu ka hadlayey waayo aragnimadii iyo khibradii uu ka korodhsaday tartankii ololeyaasha doorashooyinkii hore waxa uu yidhi "Burcaan bari tagay, markaasaan shan jeer ku noqday reer Burco oo odayaasha reer Burcaan la fadhiistay, markaasaan idhi Burco waxaasaan ka samaynaynaa, Bileys fiican baanu u samaynaynaa, wadooyin baanu u samaynaynaa, odayaashii baa bari dambe la yidhi foodkii maxaad u siin waydeen, markaasay yidhaahdeen mar qudha nalamay hadal, waar sawtaan shanta jeer idiin imid, waxay yidhaahdeen marna namaad odhan waar nin Garxajis ah ayaan ahee foodka na sii namaad odhan, ma caynkaasaa, doorkii dhaweytaan tagoo labaatan cisho ayaa nala siiyey in aanu ku ololayno 14 maalmood ayaan ku qaatay reer Burco, markaasaan galgashay, oon galgashay, oon gabayaasha ma aqaanee markaasaan gabayaal u sii xafiday, foodkii ayaa dhacay, Burco iyo Ceerigaabo meelaha aan ugu hooseeyey ayay noqdeen, markaa qabiilna wax kuu siin maayaan, daacad kuu siin maayaan, ee baabacadaa ku soo rid ayay ku odhanayaan, intay baabacadaasi jirtana waxa aad ogaataan in aan Somaliland biyo helayn, shaqo ardaydu helayn, iskuula la helayn, Caafimaad la helayn, maxaa yeelay nin aad foodkii ka iibsatay, dee lacagtii ka gashay ayuu soo ceshanaya, wax uu qabanayaa ma jirto, Sabuuradii Baad Cunteen, Dawadii Baad canteen, Wadadii baad canteen, waaba la idin siiyey, markaa wixii buu soo urursanayaa, hadaad doonaysaan in wadanku hagaago bahashu ha isbedesho ayaan leeyahay"

Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale sheegay in Bulshada Somaliland ay ka shakido wax kasta oo wanaag iyo horumar u horseeda, isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi "Barigii tacliinta la bilaabayna sidaas ayay Tacliinta uga shakiyeen, waatii la isku qasbayey barigii dhaweynto ee la inoo dhisay Kawaanka cusub ee mudaharaadku ka dhacay, waxaynu nidhi Kawaanka inga joojiya, markaa waxa aynu nahay dad ilbaxnimada ka shakiya.

Laakiin mid uunbaan idiin sheegayaa Somaliland ilaa lixdankii waxa halkaa dhigay oo waxyaalaha aan siyaasada u galay ka mid ahaa, waxa inaga xumaaday hogaanka, xaga hogaanka waynu ku nasiib daranahay, hogaanka siyaasada ilaa hadda inoogumay dhicin, waxaana weeyi wax kale maahee, Somaliland dadkeedu waa dad la badali karo waa la kaxaysan karaa, waa la duufsan karaa, qofkii wanaagsani wanaag buu doonayaa, inuu wanaag ku soo baxo ayuu doonayaa, wuxuu keenayaa rayi fiican, laakiin dadkii wuxuu iska noqday hunguri raac, waar halkan wax noogu rida ayunbaa la odhanaaa, Tacliin iyo Borogiraam iyo Kitaab iyo Suna Rasuul anaa kaga quustaye. Markaa khibrada aan helay waa in aan uga faa'ideeyaa Foosiya Xaaji Aadan".

No comments: