16 December, 2011

War Deg Deg Ah: Mudaharaad Balaadhan Oo Ka Dhacay Gabiley Iyo Hal Qof Oo Ku Dhaawacmay


War Deg Deg Ah: Mudaharaad Balaadhan Oo Ka Dhacay Gabiley Iyo Hal Qof Oo Ku Dhaawacmay- Gabiley.net

Ciidamadda SPU- da ayaa dadkan mudaharaadayay u adeegsaday rasaas nool, waxana magaaladda laga dhex maqlayay Dhawaaqa rasaasta iyo....

Gabiley (GNS) Mudaharaad balaadhan oo lagaga soo hor jeedo Xukuumadda Taladda haysa, iyo Xadhiga Madax dhaqmeeyadda, ayaa ka dhacay ,Magaaladda Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley. 

Mudaharaadkan oo ay soo abaabuleen dad u badan Dhalinyaro iyo Haween, ayaa lagu dhawaaqayya haddalo muujinaya Cabashadda ay reer Gabiley ka qabaan Xadhiga ay Xukuumadu kula kacday Salaadiinta, Cuqaasha, Waxgaradka iyo Odyaasha Reer Gabiley. 

Mudaharaadkan ayaa ka dhacay dhamaan xaafadaha iyo Badhtamaha Magaaladda, waxana durbaddiiba meesha la soo dhoobay Ciidamadda SPU-da loo yaqaan. 

Ciidamadan ayaa adeegsaday rasaas nool, waxana ay dadka hoos ciidamaddu ugu dhigayeen xabadda, waxana halkaasi ku dhaawacmay wiil dhalinyarro ah oo magiciisa la yidhaaddo (Xasan C/laahi Guuleed) 

Sidoo kalle waxa ay Ciidamaddu Xabsiga u taxaabeen, dad isugu jirra Odyaal,Haween,iyo Dhalinyarro, waxana uu Xabsiga dhaxe ee Magaaladda Gabiley uu la ciir ciirayaa Xadhiga dad aad u badan. 


xig: Gabiley.net


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: