16 December, 2011

“Inamo Yaryar Oo Muraad lihi Yaanay Mashruucii (Nabada) Kali Ahaa Kolna Bari Taaban kolna Galbeed….

“Inamo Yaryar Oo Muraad lihi Yaanay Mashruucii (Nabada) Kali Ahaa Kolna Bari Taaban kolna Galbeed….” Waraysi Khaasa oo Radio Togaherer La Yeeshay “GAARRIYE”
Togaherer

“Inamo yaryar oo muraad lihi Yaanay Mashruucii (Nabada) Kali ahaa  kolna bari Taaban kolna Galbeed….” Abwaan Gaarriye oo Radio TOGAHERER uga  Warramay Sida uu u Arko Falkii Seemaal.
“Islaantii waxay Tidhi Ninka Intaa Le’egi Inantayda Kama uu Ilmo Dhali-Waayine wuu Hagraday…..Aniguna Waxaan leyahay Siilaanyo Arrinkani Imtixaanada Horyaala ayuu kamid yahay”-Abwaan Gaarriye oo Radio TOGAHERER uga Warramay Sida uu u Arko Falkii Seemaal.
“Islaantii waxay Tidhi Ninka Intaa Le’egi Inantayda Kama uu Ilmo Dhali-Waayine  wuu Hagraday…..Aniguna Waxaan leyahay  Siilaanyo Arrinkani Imtixaanada Horyaala ayuu kamid yahay”-Abwaan Gaarriye oo Radio TOGAHERER uga  Warramay Sida uu u Arko Falkii Seemaal.
Ku Dhagayso Mobilkaaga Waraysiga Aan la yeelanay Al ustaad Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye oo dhamaystiran
Oslo (Togaherer)-Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) oo ka mid ah Hal-abuurrada fara ku tiriska ah ee reer Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadlay aragtidiisa ku wajahan falkii waxashnimada ahaa ee dhawaan lagu Mirtay seddex muwaadin ee Deeganka Seemaal,
Abwaanka oo Waraysi siisay Radio Togaherer oo aad ka dhegeysataan barta Internetka ee Togaherer.com waxa uu ka hadlay Arrimo ay kamid yihiin Dilkii dhawaan ka dhacay deegaanka Seemaal ee Degmada Baki ee gobolka Awdal, halkaas oo 5tii bishan aynu ku jirno ee December goor saq dhexe ah lagu Mirtay Seddex qof oo maati ah, waxa kale oo uu faahfaahin kabixiyay Aragtidiisa ku wajahan ururrada Siyaasadda ee beryahan dambe ku soo badana Somaliland.
Sidoo Kalena Xaaladiisa Caafimaad ayaa Abwaanku ka warramay oo Muddo dhawr bilood ah uu u joogo Magaalada Oslo ee Xarunta wadanka Norwey.
Al ustaad Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) oo kamid ah Abwaanada sida weyn looga yaqaan geyiga Soomaalidu degto waxa khadka Telefoonka ku Waraysay Tifaftiraha guud ee  shabakadaha Togaherer Cabdiwahaab Sh Maxamed Janagale. Abwaanku Waxa Uu Kaga Hadlay Waraysigiisan Xalka ugu dhaw ee Lagu Dajin karo Qaddiyadan Foosha xun waxaanu Fariin Cod Dheer Ugu Diray Madaxweyne Axmed-Siillaanyo iyo Xukuumadiisa.
Marka hore’se Cabdiwahaab janagale waxa uu abwaanka weydiiyay xaaladiisa Caafimaad, waxaanu ku jawaabay Gaarriye“Horta imika Dalka Norwey waxaa joogay Muddo laba Bilood iyo Badh ah, Muddadaas
Labaatankii Cisho ee u horeeyay waxaan ku jiray Cusbitaal oo waxaan ahaa bukaan jiif  imikana banaankaan joogaa oo Cusbitaalka labadii Wiig ba mar baan tagaa, Maalitaan imi iyo maanta farqi weyn baa ii dhexeeya, weli Caafimaadkaygii muu wada buuxsamin laakiin Farqi weyn baa ii dhexeeya, maanta iyo maalintaan imina laba nin baan kala ahay, Muddo dambena dhakharta waan la sii xidhiidhayaa.
Waxaan u mahad naqayaa oo aan mar labaad halkan uga mahad naqayaa dadkii Soomaaliyeed ee Masaajiida iiga soo duceeyay ee Face book-yada (Mid kamid ah Mareegaha internet-ka ee bulshadu kuwada xidhiidho) iyo Qalabka Internetka iiga soo duceeyay, Waxa la yidhi Ninka aan dadka u mahad naqin Illaahay uma mahad naqo, Waxaan leeyahay ducadiinii waa la aqbalay  oo waxaan ka garanayaa Caafimaadkaygu sida uu u soo jeedo, Markaa waxaan ugu bushaaraynayaa dadweynaha afka soomaaliga ku hadla ee danaynaya  Caafimaadkayga inaan ka soo raynayo.”.
Abwaanka oo la weydiiyay Xaallada wakhtigan ka soo cusboonaatay galbeedka dalka , gaar ahaana dilkii dhawaan ka dhacay deegaanka Seemaal ee gobolka Awdal, waxa uu ku tilmaamay mid laga xumaado oo bani aadamnimada iyo xeerka dhaqankaba ka hor imanaya isaga oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Arrikankaasi Xanuunkii I hayay
baa uu Xanuun iigu sii daray markaan maqlay, laba Qabiil oo isku soo duulay oo wax kala dilay waan maqli jiray, Wali waxaa igu cusub fulaynimada dadka wadooyinka loo galayo  ee iyagoo jiifa Xabbada lagu furayo, Noocanina waa nooc inoo cusub oo aynaan geyin.
Dawladda Somaliland ee Madaxwenaheedu ku dhawaaqay inuu gacan bir ah ku soo qabanayo  Nimankaas waxaan leeyahay waa la idiika fadhiyaa….. Maalin Walba haddii kii dambiga gaystay uu suuqa marayo Berritona wax
ka sii xun baa dhacay n, Waxaan leeyahay Madaxweynaha Somaliland Nimankaad Amarka siisay ee aad ku tidhi haygu soo noqonina  ilaa idinka oo nimankii hela maahaane, annaga oo Shicibkii ahina taasaanu leenahay  yay soo noqonin, hadday soo noqdaana  naga hor qaad oo cid wax soo qabata noogu yeedh. Dadka wax laga dilay iyagana waxaan
leeyahay Samir yeesha Umaddii Illaahay oo dhami way ka xun tahay Meel walbana war xumo tashiil baa jooga. Iyagana waxaan leeyahay Cadhadaasi yay idinla fogaanin oo dad muraado kale doonayaa  yaanay idinku
guurin. Waxaan leeyahay Samir qaata halaga war sugo dawladda sida odayaal idinka mid ah aan ka maqlayay waan ku raacsanahay in laga war sugo dawladda ayaynu marti u nahay oo iyagaa laga war sugayaa,keligiina maaha ee dhamaanteen baa ka war sugayna.
Xabbada nimankaa lagu dhuftayna mid iyaga oo kaliya lagu dhuftay maahee waa mid Somaliland oo dhan ku dhacday.

Anigu waxaan qabaa waa dad ka soo hor jeeda Magaca Wanaagsan ee Somaliland u baxay waxa waxaas
samaynaya. Waxaanan leeyahay hala soo qabto wixii waxaas gaystay  hala qanciyo dadkaa dhibanayaasha ah oo ha lagu qanciyo tallaabooyin cad cad oo qanciya.”
Mar abwaanka Togaherer  weydiiyay Su’aal Nuxurkeedu ahaa in falkaa loo qabtay dad la tuhunsan yahay inay ku  lug lahaayeen bal sida uu u arkay waxa uu yidhi isaga oo Qoslaya “ Aniga dadku run bay iiga barteen inaan u sheego wax la hubo, waxaa la hubina ku dambaabideeda ma jecli, Adduuayada illaahayna Manfac ma haystee Magac baa haystaa,
Magacaasina inaan hadal yar oo bilaa macne ah ku dilo ma rabo, raganimadunna waxa la yidhi sida waysada ayay jabtaa. Arrin aanan baadhistiisa ogayn oo aanay baadhistiisu soo bixin  oo weli gacanta lagu hayo  inaan ka hor dhaco ma jecli, cidii ka hor dhacdaana fidmo ayay wadaa baan leeyahaye fidmada joojiya xaqiiqadu ha inoo cadaato.
Yaanu nin waliba ka uu necbaa Eedaynin , yaan umadda la isku sii xoqin, yaan baadhista laga hor dhicin.”
Al-Ustaad Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) waxa uu ka hadlay Qaabka loo xalin karo Mashaqadan, waxaana isaga oo Su’aal arrintaas la xidhiidha oo tifaftiruhu weydiiyay ka jawaabaya uu yidhi “Anigu waxaanis leeyahay arrinkan dadku marka dhibaato dhex timaado iyagaa dhex dooda dhamaystan jiray, Marka se ay soo galaan intaas oo xafiis  iyo
intaas oo hay’adood oo aan waxba tarayn Waxay hoosaasiyaan uu odayaashii dhaqanka. Waxaan leeyahay dhibaatadan ilaa intii ay soo bilaaban tay ee gacanta lagu soo hayay   ee intaas oo hay’adood iyo intaas oo shir loo qabtay looma hagar bixin, haddii loo hagar baxo arrinkan mar hore ayaa xal laga gaadhi lahaa. Islaantii waxay tidhi ninka intaas leegi inantayda kamuu ilmo dhali waayine malaha wuu Hagraday baan is idhi…..Waxaan leyahay dawladda Siilaanyo ee maanta
taagan arrinkani Imtixaanada hor yaala ayuu kamid yahay.
Sidii arrinkii ceerigaabo loo soo hagaajiyay waa in kanna loo hagaajiyaa baan leeyahay oo Munaafaqadaa laga saaro warkii oo kooban.
Abwaan Gaarriye Waxaa uu Farriin u diray shacbiga reer Somaliland Gaar ahaan dadka dhibaatadani saamaysay Waxaanu yidhi “Bulshada Somaliland waxaan leeyahay Waxa dunida idiin meel maray ee aad magaca ku yeelateen Raganimo kale maahee waa nabada, waxa Kaliya ee aynu dunida ka iibinaa waxa weeye ileen Sawaariikh ma haysanee waa nabada. Dadka
waxa aynu ku nidhaahnaa waxaanu nahay Jasiirad yar oo ku taala gobol ololaaya. Intaas haddii intaasi ku xidhnaato laba inan (Wiil) oo dayday ahi haday laba Nin oo Gidaar jiifa Xabbad ku bilawdo  waxaas laadi karto waxaynu sheegaynaa baan waxba ka jirin….waxaa leeyahay yaan Jaais la bixinin inamo yaryar oo muraad lihi inay arrinkaa kala
laalaan. Mashruuc kale oo aynu suuq gayno ma haynee Mashruucii (Nabadda) ayaa kolba la taabanayaa kol bari laga taabto  iyo kol galbeed laga taabto. Arrinkani hurdada ha idinka kiciyo.”
Gebogabadii waxa uu Abwaan Gaarriye shacabka Somaliland u soo jeediyay inay meel uga soo wada jeestaan sidii arrintan loo soo afjari lahaa sharcigana loo hor keeni lahaa cidii ka dambaysay. Waxaanu illaahay
uga baryay dadkii ay saamaysay qaddiyadani in uu Samir iyo iimaan ka siiyo.
Hassan Hussein Abdillahi (Keefkeef)
Warqabadka Shabakada Togaherer
Xafiiska Hargeysa, Somaliland
Togaherer@gmail.com
Contact@togahererPost.com
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: