Waqtiga Xukumada Siilanyo qabsatey inay ku soo afjarayso xasuuqii Ceelberdaale iyo mawqifka beesha Dilla
Hargysa,-Warar aanu ka helay saraakiil ka tirsan xukumada Siilaanyo oo goobjoog ka ahaa wadahadalo shalay dhexmaray oday dhaqamadeeyada reer Awdal iyo wasiiro ka tirsan xukumada Siilaanyo ayaa laysku afgartay in loo kordhiyo xukumada waqtiga ay ku soo afjarayso masiibadii Seemaal.
Xukumada Siilaanyo ayaa ka codsatey beesha gacantu ku taal ee reer Dilla in muddo shan iyo afartan ( 45) cisho ah laga warsugo si ay u soo kaamilaan dhacdadii xasuuqa seemaal isla markaana u sameeyaan baadhitaan dhamaystiran una soo qabqabtaan gacanku dhiiglayaashii ka danbeeyay xasuuqii seemaal oo lagu dilay sadex nin oo ka soo jeeda beesha Dilla,sidoo kale ayey xukumada ku ballanqaaday inay soo qaban doonaan gacan ku dhiiglihii fuliyay ficilkii aargoosiga ahaa ee loo dilay nin dhalinyaro ah oo ka soo jeeda beesha Gebilay kasoo laga kaxaystay degaanka Ceelberdaale hase yeeshee aakhirkii la dilay.
Oday dhaqameedyada beesha Dilla ayaa la sheegay inay aqbaleen codsigaas 45 cisho ah ee xukumada Siilaanyo qabsatey balse ku wargeliyey xukumada inaanay uga fadhiyin canbaarayn iyo hadalo la mid ah balse ka filayaan in la soo qabto gacan ku dhiiglayaashii iyo cidii fulisay xasuuqa, lana hor geeyo garsoor dhab oo lagu qanci karo.
Wararku waxay intaas ku darayaan in baadhis la marsiin doono xubno badan oo xidhan oo lagu xidhiidhinaayo xasuuqa Seemaal oo isagu jira odayo,dhalinyaro iyo siyaasiinta ay ka mid yihiin Sheikh Maxamud Sh. Muxumed Raage,Daahir Cali Ducaale,Carab Ismaaciil iyo la-taliyaha arimaha siyaasada ee madaxweyne siilaanyo Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timocad)oo muddo shan cisho ah ku xidhan Hargeysa.
Dhinaca kale codsi ay wateen oday dhaqameedyada beelaha Samaroon oo ahaa in xilka laga qaado taliyaha ciidanka qaranka oo ay ku xidhiidhinaayaan masiibadii ka dhacday Saameel ayaa la sheegay in aan laga aqbalin,waxaanay wasiiradu ku qanciyeen in go'aan ka gaadhista xil ka qaadista madaxweyne Siilaanyo leeyahay balse ay xukumad ahaan ka war sugaan 45 kaa cisho.

No comments:
Post a Comment