11 December, 2011

Urur Diimeed Cusub oo Maanta looga Dhawaaqay Hargeysa (Sawiro)


Urur Diimeed Cusub oo Maanta looga Dhawaaqay Hargeysa (Sawiro)

Hargeysa - Munaasabad maanta lagu qabtay hotelka Xaraf ee magaalada Hargeysa ayaa looga dhawaaqay xisbi diimeed cusub oo sida la sheegay hadafkiisu yahay inuu Shareecada Islaamka ku dhaqo deegaanada Somaliland.
Xafladii looga dhawaaqay xisbiga cusub oo loogu magac daray “XISBULLAH” ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha xisbigaasi Sheekh Maxamuud C/laahi Geelle oo halkaasi ka sheegay in ujeedkoodu yahay inay diinta Islaamka wax ku dhaqaan.
Sheekhan ayaa dadweynaha ka codsaday inay u codeeyaan xisbigan si Shareecada loogu soo rogo Somaliland.
Munaasabada ayaa waxaa kaloo ka hadlay adweyne isugu jira mashaa’ikh, aqoonyahano iyo hogaanka dhaqanka ee beelaha kuwaasoo soo dhoweeyey xisbigan cusub oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ee laga sameeyo Somaliland.
Aas aasayaasha xisbiga XISBULLAH
Xubnaha xisbigan ee maanta la soo bandhigay waxaa ku jira rag hore uga tirsanaan jiray jabhadii SNM ee ka dagaalami jirtay gobolada waqooyi.
Xisbigan ayaa durba dadweynuhu bilaabeen inay wax iska weydiiyaan magaca uu adeegsanayo oo ah magac lagu yaqaano ururka XISBULLAH ee ka dagaalama Lubnaan inkastoo aas aasaayaasha xisbigan ay sheegeen inay yihiin urur siyaasi ah oo hadadfkiisu yahay hirgalinta ku dhaqanka shareecada balse aysan ahayn xisbi hubeysan.
Gudoomiyaha ururka XISBULLAH oo ka hadlaya ujeedooyinka ururka
Xisbi Islaami ah oo siyaasadda kula tartamaya xisbiyo kale ayaa ah arin ku cusub Somaliland maadaama aaney jirin wadaado siyaasada ku lug leh.
Beryihii u dambeeyey waxaa hoteelada magaalada Hargeysa si isdabajoog ah looga dhawaaqauyey xisbiyo siyaasadeed kuwaasoo dhamaantood sheegay inay u tartamayaan doorashada soo socota, laakiin illaa hadda waxaa yar inta xisbiyadaasi ka mid ah ee buuxisay shuruudaha isdiiwaangelinta.


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: