Madaxweynuhu waxa uu Digreetadan ku Amray Wasiirka Gaashaandhiga iyo La-taliyaha Arrimaha Gaashaandhiga ee Madaxweynaha....
Hargeysa (GNS) Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa saaka xilkii ka qaaday taliyihii Ciidamadda Qaranka Somaliland Jan Nuux Ismaaciil Taani, iyo Hogaanka Hawl-gelinta Ciidanka Qaranka, Xasan Cabdi Yuusuf (Xasan Keyse) Waxana uu ku badalay Taliyaha Ciidanka Qaranka Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif), halka uu madaxweynuhu Hogaanka Cusub ee Hawl-gelinta Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland,u magacaabay Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale). Sidaas waxa uu Madaxweyne Siilaanyo ku sheegay Digreeto Madaxweyne oo ka soo baxday Xafiiskiisa, Digreetadan oo mar dhoweyd soo gaadhay xafiiska wararka ee Gabiley News ayaa waxa ay u dhignayd sidan
Warsaxaafadeed
Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Digreeto Madaxweyne Xilalkii kaga Qaaday Taliyihii hore Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hogaanka Hawl-gelinta Ciidanka Qaranka, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu xilalkaa u magacaabay Taliye Cusub iyo Hogaan. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay:
Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay:
In baahi loo qabo in la dardar geliyo hawlaha Ciidanka Qaranka; Markuu Tixgeliyey:
La tashiga Madaxda ay Arrintani khusayso; Markuu Arkay:
In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday; In uu xilalkii ka qaado Taliyihii hore ee Ciidamada Nuux Ismaaciil Taani, iyo Hogaanka Hawl-gelinta Ciidanka Qaranka JSL, Xasan Cabdi Yuusuf (Xasan Keyse) Waxaanu uga mahad naqay mudadii ay xilalkan u soo hayeen, hawshii ay qaranka u soo qabteen.
Sidoo kale Madaxweynuhu isaga oo sunaha Dawladnimo fulinaya waxa uu magacaabay Taliyaha Cusub ee Ciidanka Qaranka JSL oo laga bilaabo maanta noqonaaya Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) Sidaa si la mida waxa uu Madaxweynuhu xilkii ka qaaday hogaankii Hawl-gelinta ee ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Xasan Cabdi Yuusuf (Xasan Kayse) Waxaanu magacaabay Hogaanka Cusub ee Hawl-gelinta Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) Madaxweynuhu waxa uu Digreetadan ku Amray Wasiirka Gaashaandhiga iyo La-taliyaha Arrimaha Gaashaandhiga ee Madaxweynaha in ay Saraakiishaa Xilalka ugu kala wareejiyaan Sida ugu dhakhsaha badan.
Gabiley news desk
contactgabiley@yahoo.com
No comments:
Post a Comment